Maamulka degmada Carmo oo deeq raashiin ah uqaybiyay qoysas danyar ah [sawiro]

August 18, 2012   //   Warar Somaali

Maamulka degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa deeq ka kooban cuntada daruuriga sida bur,bariis iyo sonkor waxaa uu u qaybiyay qoysas danyar ah oo degan degmada Carmo iyo tuulada Ceeldaahir.

ATIB Organisation iyo Somali rebuilding E.V. oo ah ururo fadhigoodu yahay dalka Germany ayaa deeqdan soo gaarsiiyay maamulka degmada si loo gaarsiiyay dadka dhibaataysan ee danyarta ah.

Munaasbad ka dhacday goobaha cunto qaybinta laga sameeyay ayaa waxaa kasoo qaybgalay gudoomiyaha degmada Carmo Eng.Ibaarhim Shire Maxamed, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta Puntland Eng. Maxamuud Fuubbe iyo gudoomiyaha tuulada Ceeldahir.

Gudoomiyaha degmada Carmo Eng. Ibraahim Shire Maxamed oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horayntii u mahadceliyay ururada deeqdan soo gaarsiiyay.

Waxaa uu sheegay deeqdan in loogu tala galay in la gaarsiiyo agoomaha iyo dadka kalle ee masaakiinta ah ee ku nool tuulada Ceeldaahir iyo maamulka degmada Carmo, isagoo u rajeeyay dadka deeqdan soo gaarsiiyay inuu khayr farabadan.

Intaasi kadib gudoomiyaha degmada Carmo waxaa dhamaan deeqda cuntada ahayd uu ka qaybiyay goobaha ay dadka danyartu degnyihiin iyo agoomaha, 450-qof oo kasoo jeeda 122-qoys ayaa midkiiba la siiyay laba kiilo bur,bariis iyo sonkor, iyadoo dhamaan carruurtii deeqdan la siiyay iyo waalidiintooduba ay aad ugu farxeen.

Deeqdan waxaa ay kusoo beegmaysaa xilli malainta beri ay ku beegantahay ciidda barakaysan ee Fidriga oo dhamaan muslimiinta looga wada baahanyhay inay farxadda ciidda ay wada qaybsadaan.

 

Puntland-News24.

 

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply