Dowladda Hoose Qardho oo Howlo Nadaafadeed iyo burburin wada

June 30, 2012   //   Warar Somaali

Maamulka Dowladda Hoose ee Qardho ayaa Howlo Nadaafadeed ka wado goobihii laga burburiyey dhismayaashii sharci darada ahaa ee ku yaalay hareeraha wadada laamiga iyo Suuqa Qardho.


Maamulka Dowladda Hoose ee Magalada Qardho ayaa waxa uu bilaabay howlo balaaran oo lagu nadiifinaayo laguna qaadayo dhammaan haraadigii burburintii dhismayaasha sharcidarada ah ee ku yaalay hareeraha wada laamiga iyo suuqa Qardho waxaa laga qaaday qashin aad u farabadan kuwaasi oo xiray wadooyin muhiim u ahaa isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha,Maamulka Dowladda hoose Qardho ayaa sheegay in howlgalkaani lagu doonaayo in dib loogu soo celiyo bilicdii ay laheyd magalada Qardho waxa uuna hoosta ay ka xariigeen in shacabka ku nool magalada Qardho iyo shirkadaha looga baahanyahay in ay ka qeybgalaan howlaha nadaafadda iyo hormarinta ka socota magalada Qardho.


Kuxigeynka Duqa Degmada Qardho ahna Kusimaha Xilka gudoomiyaha degmada Qardho C/risaaq Cali Cartan ayaa sheegay in Shirkadaha ku yaalo magalada Qardho looga baahanyahay in ay gacan weyn ka geestaan hormarinta magalada Qardho”Marka aad fiiriso shirkada ku yaalo magaalooyinka kale waxaad arkeysaa in ay howlo muhiim ah ka qabtaan magaalooyinka ay ku yaalaan,waxa ay dhisaam wadooyin,dhismayaaal,waxa ay caawiyaan masakiinta,waxa ay ka qeybgalaan howlaha tabarucaada,gurmadka abaaraha maxaa diidan in shirkaddaha Qardho ku yaalo ay ka qeybgalaan howlahaas oo dhan,waxaan u aragnaa in magalada ay u baahantahay shirkadaha shirkadahana ay magaalada u baahanyihiin”sidaasi waxaa yiri C/risaaq Cali Cartan


Shacabka ku nool magalada Qardho ayaa si weyn u soo dhaweeyeen howlaha ay dowladda hoose ku qaadeyso kuna nadiifineyso magalada Qardho waxa ayna sheegeen in ay tahay howl muhiim u ah dadka ku dhaqan magalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Sawiro Badan


Xafiiska Wararka Puntlandnews24.com

 Qardho-karkaar-Puntland-Somalia. Cali Sh.Faatix

COMMENTS

RSSComments (9)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Mukhtar says:

    Ilaa iyo hadda reer qardhood run isuma sheegin nin aan soo xiri Karin tuugga dadka habeenkii furta ee dadka rasaasta iskala dhaca ee la yaqaan sidee guryo dad masaakiin ahi dhisteen oo weliba aan coshada ahayn ee daara ah u dumin karayaa dulmiga meesha ka socdaa weeynaa.

  2. karkaar boy says:

    anigu waxaan kudarsan lahaa dadka laga bur burinayo meelihii ay qutul yoonka kasoo saaranayeen waa in loo helaa meelo kale oo ay ka dhistaan oo ay hore uga sii wataan noloshooda laakiin .

    maahan in un sheekada hal dhan un laga eego ee waa in dadka masaakiinta ah ee xoogooda maalanayay ee laga hor is taagay iyaguna loo garaabo loona hadlo waxna looqabto hadii kale waxaa ka dhalankara natiijo xumi oo ay kamid tahay in ay dhaliso amni xumi.

  3. SAABIR says:

    GADIIDKA DAWLADA. HOOSE IYO DHISMAYAASHA DAWLADA. WAA IN LA QURXOYAA OO DADKA LAGU WACYI GALIYO INEY GURYAHOODA RINJIYEEYO TARNIIGA. IYO GIDAARADA. ALBAABADA. DAWLADA. HOOSE WAA INEY AAD U SHAQEYSO OO SHACABKA. TUSTO WAX QABAD SI LOO AAMINO. DADKA SHACABKA. WAA IN LAGU WACYI GALIYO NADAAFADA. QARDHO. WAA MEEL QURXOON. WAA IN LAGA TAXADARA. MAGAALADA DHIR KUBEERA. SHACABKA. HA BARO MACNAHA DAWLADNIMO.
    WAA IN LA MUUJIYAA DADAAL ILAAHEY. BAA DHINICIINA JOOGA

  4. meecaad says:

    As.c. waa arni aad u wanagsna in dawalada hoose ay hawl noocan oo kale ah ka qabato magaalda qardho ee qadimiga ah waana wax lagu farxo waxaa mahad leh shacabku sida wanagsan ay u soo dhoweyeen fikiradaas salaimka waxaa kaloo xusid mudan ku xigeenka duqa magalda Mudane Abdirisaq ali cartan sida uu u sheegay in ay shirkada qayb ka qaadan bilicda magaalda.

  5. Mukhtar says:

    Soo saarita. Bilicda Qardho ama magaalo Somaliyeed waa arrin fiican balse maamulka hadda dadka masaakiinta ah guryahooda duminyaa am soo qaban karaan wiil Ina hebel oo la yaqaan oo tuug ah oo habeen kii dadka telefoonada ka baadaa, amase mid kibir suuqa rasaas dadkii ku argagixiyey.

    Waxaan la yaabay sida reer qardhoodku beenta isugu sheegayaan, ilaahay ka baqa oo dadka masaakiinta guryahooda ha ka duminina idanka oo aan soo qaban Karin ini hebelkii baantuuga halay telefoonada ka dhacay, xabbaddana xalay ciyaalku ka seexan waayeen.
    By by Qardho magaalo qurxoon laakiin wax qabad u baahan.

  6. saraaxi says:

    maashaa alaah waa arin loo baahanyahay waxaana ugu dardaarmayaa in lagu fara adaygo dhulka hada la baneeyey inaan mardame la xirin.

  7. SAABIR says:

    MARKA HORRE SALAAN GUUD. MAAMULKA IYO SHACABKA MAGAALADA QARDHO WAA WAX WANAAGSAN OO LAGU FARXO.
    WAA IN DADKA LAGU WACYI GALIYAA INEY GURYAHA RIJI MARIYAAN IYO TARNIIGA CIDII AWOODA.
    MAGAALADA QARDHO WAA MAGAALADO QURXOON IYADA IYO DEEGAANKA KU XEERAN. WALAALAYAAL ILAAHEY DHUL QURXOON BUU IDINSIIYEY EE KA TAXADARA OO ILAASHA.
    NOLOSHA KU RAAXEYSTA OO QURXIYA MAGAALADA
    XAFIISYADA DAWLADA HA LA RINJIYEEYO OO MAAMULKA HA LAGU DALACO
    GUUUUL GUUUUUL

  8. hanbalyo reer qardhood waad laraagteen qofkii qardho aqoon jirey aad ayuu uga naxayaa horomar la aanta laakiin iminka waa wax qabadkii u gu horeeyey ee maha kii ugu danbeeyey hanbalyo

  9. M Farah says:

    Well done!
    waa arin loo baahan yahay, Qardho waa in ay bilicdeedii lasoo celiyaa.waana inay noqoto horyaalka bilicda ee puntland

Leave a Reply