Maamulka iyo waxgaradka degmada Waaciye oo kulmay
July 22, 2012 // Warar SomaaliMaamulka iyo waxgaradka degmada Waaciye ee gobolka Karkaar ayaa soo gabagabeeyay kulamo looga arinsanyay amaanka,shilalka gaadiid ee deegaanka kusoo badanaya iyo la dagaalanka dadka aan soomin.
Gudoomiyaha golaha shacabka ahna duqa degmada Waaciye Dr C/salaan Bashiir C/salaan oo warbahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay kulamada inay kasoo qaybgaleen odayaasha dhaqanka,saraakiisha booliska iyo shacabka reer Waaciye.
Waxaa uu sheegay gudoomiyuha in la isku afgartay dhamaan qodobadii shirka lagu soo qaatay.
Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan gudoomiyaha degmada Waaciye ayaa intaasi raaciyay inay xiri doonaan dadkii ay u arkaan inay cunto u karinayaan dadka masoomayaasha inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaanka.
PuntlandNews24
Xafiiska Wararka
Boosaso.



GUUUL GUUUL. WAA IN LA HORMARIYAA DEGMADA SIDA. ISNITAALADA. ISKUULADA. IYO BIYAHA
GUUUUL. GOBOLKA KAR KAAR
asc masha alaah waa wax lagu farxo guulesta