Maamulka Puntland iyo Xarakada Al-Shabaab Oo Labadaba Ka Hadlay Dagaal Dhexmaray

December 5, 2012   //   Warar Somaali

Maamulka Puntland iyo xarakada Al-Shabaab ayaa ka kala hadlay dagaal kharaar oo saakay hiirtii waaberi iyo xalayba ku dhexmaray meel u dhow Tuulada Laag oo 30-km u jirta Bosaso, laakiin halka la isku fara saaray ayaa lagu magacaabaa Sugure maamulka Puntland ayaa sheegtay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab ayna ka dileen 7 ka mid ah kooxda al-Shabaab isla markaana hubkoodi laga qaatey, halka 14 kale oo dhaawac ah ay qaateen oo la galeen halkii ay ka soo duuleen.

Dhanka Ciidanka difaaca Puntland ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in labo kamid ah ay ku dhinteen weerarka, laakiin Dhanka kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay gaari gurmad ah oo sida ciidan ka tirsan Puntland ay miino la qaraxday, waxaana dhimasho kasoo gaartey 10 askeri, iyo dhaawac aan cadadkiisa la sheegin.

Al-shabaab oo dhankooda  ka hadley ayaa sheegay in ay iyagu qaadeen weerarka  togga Sugurre ka dhacay,  waxaana ay bogooda Twitterka ku sheegeen in ay dileen 12 ka tirsan ciidanka Puntland, kuwaas oo ku jiro sarkaal looyaqaan “Dhegaweyne”, qeybta weerarka qaaday ayey magacaada ku sheegeen Mujaahidiinta Golis.

Dhanka kale maamulka Puntland shir ay maanta ku qabteen magaalada Bosaso waxay ku soo bandhigeen sawirada dhowr qof oo meyd ah oo lagu dilay dagaalkii iyaga iyo ALshabaab dhexmaray, ragan meydka ah ayaa lagu sheegay inay ahaayeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Dadka ku safra xiliyada habeenkii wadada dheer ee laamiga ah ee ka baxda Bosaso ayaa sheegaya inay wadada habeenkii ku arkaan kooxaha Al-shabaab ee buurta ku jira oo raxan-raxan u soconaya, iyagoo mar mar baaritaan ka bilaaba gaadiidka wadada ku safraya.

WARSAXAAFADEED MAAMULKA PUNTLAND SOO SAARAY MAANTA AKHRISO

Ciidamada Puntland oo Iska Caabiyey Weerar Al Shabaab ku soo  qaadeen Agagaarka Buuraleyda Galgala

WAR SAXAAFEED

5 December 2012

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa iska caabiyey weerar ay xalay ku soo
qaadeen kooxda argagaxisada Al Shabaab agagaarka buuraleyda Galgala.
Xalay abaare 11:00 habeenimo ayaa koox hubaysan oo ka tirsan
argagaxisada Al Shabaab soo weerareen Ciidamada Difaaca Puntland oo ku
sugan agagaarka Buuraleyda Galgala. Kooxda Al Shabaab oo dhowr jiho
weerarkaasi kasoo qaaday ayaa Ciidamada Puntland ku guleysteen in ay
jabiyaan weerarkooda.

Ugu yaraan 7 Al Shabaab ah ayaa lagu dilay weerarkaas, hubkoodina laga
qabsaday, waxayna kooxda Al Shabaab-na dib ula carareen 12-dhaawac ah.
Labo askari oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ayaa ku shahiidey
weerarkaasi, Ciidamada Puntland ayaa ku raad jooga wixii ka haray
argagaxisadii weerarka soo qaaday.

Miino jidka la dhigay oo aan xiriir la lahayn weerarkii hubaysnaa ayaa ku
qaraxday baabuur siday Ciidamada Puntland, qaraxaasi ayaa sababay
khasaare soo gaaray 10-askari oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.
Dowladda Puntland waxay aaminsantahay kooxo leh ujeedooyin siyaasadeed
gudaha Soomaaliya inay tageero buuxda siiyaan argagaxisada Al Shabaab
oo dagaalka kula jira Dowladda Puntland.

 

– DHAMAAD —

 

 

COMMENTS

RSSComments (9)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Warsame Khalaf says:

    Puntland waxay u baahan tahay in ay isku duuban tahay, amniga dadka iyo dalkana aad loo ilaaliyo, taasu ku imaanayso ciidamo iyo hub la’aan. Ciidan, hub iyo wada jir dhamaan dadka ku nool puntland iyo Xukuumada Puntland.

    Somaliya ajnabi ayaa ayaa dadka somalia isku dira.

    Dhalinta Puntland waxay u baahantahay in runta loo sheego, oo laga ilaa liyo in ay ku dintaan ama dhibaato ku soo gaarto, meel aan ku haboonany iyo arin aysan aqoon oo ku haboonanyn ka qayb galkeeda.

    Waxaa dhihi lahaa: haddii aad wax u tihiin dadka iyo dalka Puntland iyo Somalia, natusa si nabad galyaa oo dil iyo bur aan lahayn , ama aysan ku jirin, oo ninkastoo ku jiraw kabax dhibaatada Puntland iyo Somalia.
    Gacan qabasho iyo amni ayaa dadka iyo dalka Puntland iyo Somalia idiin ka baahan tahayn.
    May bur , kharibaad iyo dhimasho, aydnaan ogayn waxa wacay ama keenay.

    Salaam.

    W.Kh.

  2. Maxamed says:

    Faroole muduu dhalashada Malis xaflad u dhigaayay nin wanaagsan oo burcadbadeeda madax u ah waaye ee maxaa laga rabaa?

  3. Dalmar says:

    Faroole hadalkii uu yiri ee ahaa Masaajidada farAha badan waa in la joojiyaa masjidwalba oo la dhisaayana naloo soo sheegaa waa earayadaas erayada Fafoole iyo maleeshiyadIisa u keentay in la xanuujiyo.

  4. Warsame says:

    Walee anigu Aduunka Al-shaytaanta inna Godane iyo 4 qoobluhu hogaamiyaan ayaan u nebcahay laakiin waxaan kasii nebcay af waliije oo maalin walba dakooda laynaya.MJ ha adkaysto waxaa la yidhi bahdii dile bahalbaa leh iyagaa marna tolkood Tigree udhiiday marna IIdoor-wagaase KKKKKKKKKKKKK walee idinkuna dibigii sadexaad baa tihiin ee Libaaxu cidlada ka helay.

  5. Wadani says:

    Anigu hadii aan sheego rayigeeyga ku aadan cusridaya somaliland is ku sheegta iyo koonfurta somalia iyo Puntland. Puntland waa loo tashaday dad keeduna ma lahan damiir. Waayo xaga koonfurta waa galkacyo afar wiil oo xun xun ah ayaa maalin walba kii alaala kii ka dhaqaaqaya dila. Xaga xusridaya issaagland na waa kuwaas dhul koodiina ka dhigtay nabad hadana habeen iyo maalinba raba in ee san puntland ka dhicin wax nabad ah waayo ayaga ayaa raba in eey ku helaan Magac iyo in eey dadka kale oo dhan kaga taqalusaan.

  6. yaabane says:

    waa cajiib,anigu waxan la yaabanahay wiil la soo korinayey 20 sano oo hooyo iyo aabbe ku soo tiir iyo tacab beeleen oo 5 daqiiqo gudeheed u dhintay wax aan la garanayn wax ay yihiin, haddii uu jihaad ku dhiman lahaa khayr baa loo malayn lahaa laakiin waxaa gadaal ka soo muuqatay waxaani inuusan jihaad ahayne uu yahay necayb iyo xasad iyo kharbudaad iyo qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa, iyo hebelkuu masjidka ka soo boxo madaxa ha laga toogto, subxaannallaah, Ilaahow khaatumo xumo ha nagu dilin.

  7. s/landgirl says:

    caqlixumada reer koonfur wataa waxaad tidhi reer somaliland baa ka dambeeya

  8. laasqoray boy says:

    dagaalka galgala waa la ogyahay faroole baa rabba inuu aduunka ku tuugsado waa la ogyahay laakiin cidi waxaa kaa yeeli maayso

  9. Laalood says:

    Anigu su aasha kolalka qaar aan is weydiyo ayaa waxay tahay maxaa ku koobay shabaabka in ay ka dagaalamaan oo kaliya konfurta oo somaliland udiiday in ay ka fuliyaan dilalka iyo dagaalada ay ku sheegaan jihaadka iyo danahooda gaarka ah taasi waxay itusineysaa in howshaani ay qeyb katahay hadal kasoo yeeray dhowr jeer aan tiro lahayn in uu u dhignaa in somaliland u faanto dhuulkeedu nabad yahay laakiin dhulka kale ay wali xasili la yihiin oo sidaa awgeed ku dalbanayaan in ay ku helaan danahooda gaarka ah marka arikaa halagu baraarugo ayaan qabaa Godane waa nin ushaqeeya danaha somaliland ee meesha ujooga in uu carqalad un ka wado kunfurta waqooyiguna nabad ahaado balse hadii ay dhagarta noocaasi ay jirto mar un bey soo bixidoontaa ee dadow ogaada.

Leave a Reply