Maamulka Puntland oo Taageeradooda u Weeciyey Juurile Kadib Dhanka Xasan Abshir

August 27, 2012   //   Warar Somaali

Waxaa maalinimada berito ah 28-08-12 loo balansan yahay in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa dowlada cusub afarta sano ee soo socota. 

Wararka xiisaha leh ee doorashadan gudoonka baarlamaanka uga gedisan tahay kuwii hore ayaa waxaa kamida in siyaasiyiin ruug cadaa ah oo kasoo jeeda gobolada Puntland ay holinayaan inay ku soo baxaan tartan adag oo loo geli doono gudoomiyaha golaha shacabka.

Inkastoo Xildhibaan Prof. C/risaaq Juurile oo maalinimadii shalay 26-8-12 ka hor-sheegay aqalka baarlamaanka inuu ka tanaasulay tartamida gudoonka baarlamaanka, balse waxaa wali ku sii haray 3 siyaasi oo kasoo jeeda beelaha daarood.

1-Prof. Cali Khaliif galayr

2-Xildhibaan Xasan Abshir Faarax

3-C/rashiid Xidig

Siyaasiga Cali Khaliif Galayr isagu wax xiriir ah lama laha maamulka Puntland, wuxuuna si weyn u dhaliilaa siyaasada maamulka uu hormuudka ka yahay Dr. C/raxmaan Faroole.

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ah siyaasi xilal kala duwan dalka kasoo qabtay ayaa wuxuu noqday qofkii ugu dambeeyey ee isku sharaxa gudoonka baarlamaanka, wuxuu haatan si weyn isugu halaynayaa hiilka iyo tageerada maamulka Puntland oo ka samray inay Prof. Juurile kusii qanciyaan inuusan ka tanaasulin musharaxnimadiisa.

Xildhibaan Xasan Abshir oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa kalsooni weyn ka muujiyey inuu jagadan ku guuleysanayo, ” Aniga waa la ia yaqaan waxaan gudo iyo waxaan galo, ninkii caasimada Muqdisho quruxdeeda ka shaqeeyey baan ahaa, xarumo badan ka dhisay, marka Soomaali hadaysan is yeel-yeeleyn way i yaqaanaan inaan ahay qof ku haboon xilka afhayeenka baarlamaanka Somalia, kalsooni weyna waan ku qabaa in la ii dooran doono” ayuu yiri. 

Sidoo kale Xasan Abshir oo shalay ka hor hadlayey baarlamaanka cusub ayaa ku sheegay sababta uu gudoomiye baarlamaan isugu sharaxay ay tahay kadib markii rag ka tirsa beeshiisa ay xilkaas isu soo taageen ”“Mudanayaal iyo marwooyin markii hore waxaan idiin sheegay inaan ahay musharax madaxweyne ummada Soomaaliyeed, laakiin markaan arkay in rag beeshayda ahi ay u tartamayaan jagada madaxweynaha waxaan aniguna goostay inaan isu sharaxo jagada afhayeenka baarlamaanka.”

Hadaba maamulka Puntland ayaa haatan olole aan soo shaac bixin oo qarsoodi ah ku taageeraya Xasan Abshir waxaana ay Puntland u xilsaartay ololahiisa rag qaarkood xildhibaano noqday oo kamid ah xukuumada Dr. Faroole oo Muqdisho ku sugan.

Sababta maamulka Puntland taageeradooda ugu weeciyeen dhanka musharax Xasan Abshir ayaa timid kadib markii Prof. Juurile uu ka cudur daartay, u tartamida gudoomiyaha Baarlamaanka kolkaas oo doorka Xasan Abshir uu micne yeeshay.

Qorshaha maamulka Puntland ayaa ah in gudoonka Baarlamaanka uusan marnaba kusoo bixin siyaasiyiin cadow ku ah ama xiliftan kala dhexeeyo maamulka Puntland, sidaa daraadeed Puntland waxay u aragtaa in Shariif Xasan gudoomihii hore ee baarlamaanka lagu taageero hamigiisa ah qabashada xilka madaxtinimada Somalia.

Laakiin maamulka Puntland marnaba ma doonayo in Sheekh Shariif mar kale ku soo noqdo Villa Somalia, taas oo ay Puntand dedaal ugu jirto sidii ololaha Sheekh Shariif uusan u guuleysan.

Saadaal la sameeyey cida kusoo bixi doonta gudoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa sheegeysa in Xasan Abshir yahay qofka 3-aad ee codadka xildhibaanada heli kara iyadoo kaalinta koowaad aysan cidina ku heysa Prof, Jawaari oo kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool, halka kaalinta labaad uu ciriirsanayo Prof. Cali Khaliif Galeydh.

Maalinimadii shalayna xildhibaanada waxay bixiyeen kharashka doorashada lagu diiwaan gelinayo oo qofkiiba laga qaaday laba kun oo dollar.

Isku soo duuboo maalinimada berito ah eyey kala cadaan doontaa cida kusoo baxda afhayeenka baarlamaanka Somalia, balse hadii uu kusoo baxo siyaasi beelaha daarood ka tirsan wuxuu galaafan doonaa Musharxiinta ugu cad cad ee iyaguna kasoo jeeda beesha daarood kuwaas oo kala ah 1- Dr. C/wali Gaas 2-Al-xaaji Maxamed Yaasiin 3-Maxamed C/laahi Farmaajo oo dhamaantood rucle ugu jira in mar un madaxweyne la dhaho.

Puntland News-24

Muqdisho. 

 

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. fart says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkk cid aan nala tashan wax magalaaaan aaaa mataatcii oday 70jirka ku hadlay ahaaaa habar habar loo wayay aan maqli jire heeee habargidirta gacalkacyo dhanba mar idin brseee iska sooo celiyo kaliya

  2. said says:

    casyar waa layaqan farole wuxuu yahay lkn dadka qarkii ma garanayan farolana dadka ka fican aya oo rer purland ah aya muqdisho ku sugan oo jurile wax u jegay lkn dadka qrkii ben ayey isku qan ciyan ali khaliif wuxuu yahay waa layaqan hartiga ninka kaladilay ama dhul bahante dhexdiisa waa ogtihii mamul khatuma ladhaho ayu sameyey waa una socon wayey hadan 4.5 ka wax lagu qaysado ninka ucadna waa jawahiri alikhalif idoor marabo wa ogtihiin majerten warkis daa darad hadii ladhahana m.weyna ayan donayana wa ogtihiin ninkii gabyayey wuxuu yri mansadatani waa rogan rayi gab magaran karo rug cadan faleyyyyyy?

  3. xirfadle says:

    as wr wb
    aniga waxan u arka dadka qoraalka so galiyey dad xin mahee aan wax kale uso galin siyada soconta ka been sheegayo dadka raba inay isku dhuftaan
    lkn waxan idin sheega xog ogaalna uhay in xassan abshir farah iyo cabdirahmn faroole iskufiicnayn waligoodka isku fiicnayn lkn adin waxa ula jeeda dadka madaxa isku gasha qabiil la hoos mara lkn arintaaaasi majirto mana jiro doonto xassan abshir iyo faroole kuman sano sxbo mahayn arintaas ma qabo wax kastase barri bay kala cadaanayaa lkn aniga sidas ban idin sheegay
    warfaaficnu wa sakiin afleh oo hada dhici doono lo istimcalo marka umada madaxa haisku gali nina aniga xata ma qabo inuu codkisa cod an ahay n helaayo xassan abshir waadse arki doonta ama marka barki katarabuunka laso istaguba is casilaya wayo aniga xassan abshir aad ban u aqaan hadalkayga ufiirsada
    wa inoo bari insh alah asxabay webside kana wa

  4. waciye@hotmail.com says:

    kkkkkkkkkkk ma waxaad ku qanac santihiin in xassan abshir kuso baxo bosaka jurile baneyey? walahey wa arin cajiba halka waxa iga muqada cala calki ad shaley qoreysan ahaa jurilow tolka ha dhabar jabin ee is casil in ey idin ka aheyd xasid iyo jurile se wax unoqon kara lkn eysan idin ka aheyn bosaka madaxweynaha ha inaga ciriirin wayo meydan so qorey qorlkan aad hada ugu qanac santihiin xassan abshir in uu noqodo raisul barlaman weynu arki sida u xalku noqdo tana waxa igu cusub ma ahn ee horey an idin aqaney cadifada nocasa in ey hab dhaqan idiin tahey

  5. soomali says:

    caseyr maant oo dhan wax uunbaa iska qorteye laakiin waxaa kaa muuqata in aad caro aad iyo aad u badan aad faroole iyo reer kiisa u qabtid laakiin mid waa in aad ogaata qofku hadii uu sidaa oo kale u hadlo waxuu yahay uun buu sheegay marka adiga uun baa dad isu shaaraxay midna ogow topicgu waxuu ahaa somali ee ma ahayn wax puntland u gaar ah marka waxaa kaa muuqata xanaaq iyo caro iyo adiga oo aan taariikhda la socon adiga oo aan la socon siyaasada somaliya meesha ay maanta mareyso iyo waliba adiga oo ay xataa kugu adag tahay sida wax loo qoro ogow in ay tahay wax caruurta yar yari ka xashooto waxa aad soo qoreysid remember bro.here is public shame on u

  6. Casyer says:

    WAXAA AAD WAX LOO GANAXO AH IN FAROOLE OO AYNU NAQAANO TAARIIKHDIISA IYO ILAA MAALINKII UU SOO GALAY MASLAXA SIYAASADA BEESHA UU KA DHASHAYNA AY KA DHIGTAY GIDOOMIYAHA GOBOLKA NUGAAL WAXA DHACDAY IN GABAR KU DHALATAY GAROOWE WAX KU BARATAY KU KODHAY AH QOF KA MADANISAN INA FAROOLE OO ISAGU KU DHASHAY MIYIGA KANAYIMI ISAGA OO NIN WAYN AH IN GABADHU AY KA DHISATAY GURI AAD U QURUXBADAN GAROOWE OO MARKAAS AHEED MAGAALO AAD UYAR OO AYSAN KA DHISNEEN GURI KA WEEYN AMA KA QURUXBADAN GURIGA GABADHA KADIB HEEYAD AYAA DAMACDAY IN AY DAGTO GURIGA WAXA UU INA FAROOLE KU AMRAY IN AY HEEYADU KA BAXDO GURIGA MAXAA YEELAY GABADHA GURIGA DAGANI MA aha qof ka soo jeeda reerka magaalada u badan marka sidaas awgiis masuuliyadiina maqaadikarno ka dib heeyadii waxa ay ku kasbanaatay in gurigii ay ka baxdo gabadhiina raaligalin ay ka siiso halkaas ayeey gabadhii ay girigii ku iibisay kana guudhay magaaladii ay xudunteedu ku aasneed waxaa kale oo wax laqarin karo aan aheeyn markii isaga oo wasiir ka ah maamulkii cade muuse boqor ay damceen baarlamaanku in ay la cisaabtamaan intii uu iman waayay kadibna barqo cad weeraray xaruntii baarlamaanka kadid halkaas ay ku nafwaayeen sadex wiil oo uu adeer u ahaa oo masaakiin ah isagiina xilkii laga qaaday dalkana iskaga dhoofay hadaba reer puntlan ma doowbaa nin kaa taariikhdaas madoowleh intii aad u ogalaateen in uu maanta suurabo makeelo masiirkii siyaasaddii xadaaradii iyo dad nimadii puntlan lagu yaqaanay idinka oo ka dharagsan taariikhdiisii hore iyo habdhqankiisa xun ee uu xada wali ku dhaqmayo ama ha ahaato tuuganumo iyo in uu xalaaleesto dadka masaakiinta ah xaqooda ama ha ahaato cadiifadqabiil oo uu san la xishoon iyo dhaqanxumo badan oo uu ku soo kordhiyay gayiga puntland oo uu udhaqmayo sidii taliskii kacaanka hadaba waxaan idiin sheegayaa in aad iska dulqaadataan maanta waxa u haray waa wax ka yar ilaa afar bil una diyaar garoowdaan in aynu helno inaga oo eebe weeyne ka baryeena in midfaroole oo kale ah ilaah onoo keennin wabilaahi toowfiiq

  7. ghabar somaaliyeed says:

    waxaan ahay ghabar somaliyeed o ah mawadil jecel in wadanki isbadal ka dhoco aadna ugu rajo weyn .lakiin waxaan ka xumahay.commentka uu ka dhiibatay ninkaan u dhashay puntland dabcan waxaan leyahay sheekada ma tagaana reerpuntland iyo farooole somaaaliweyna ma xukumaan dont be ignorat waxaana rayena in reerpuntland adaan matali karin

  8. Pland law firm says:

    Kkkkkkk reer garoowe aan nahay marka jagadan waa in kor iyo hoos aan waraabe family kutaageero, jagada kale ee madax weynahana waa in ninkii rabaa nagala tashto,ileen waxaan nala tashan waxba uma suuro gelayaane,kkkkkkk kkkkkkk as usual faroole in da house, wabillaahi towfiiq

Leave a Reply