Maanso “Hiiliyow Ha Cadaabin” {Safiyo Aw-Axmed Xaaji}
January 30, 2012 // Announcement, Warar SomaaliAsalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu. Salaanta islaamka kadib waxaan salaan gaar ah iyo waliba mahadnaq aad iyo aad u balaadhan halkan ugu soo gudbinayaa bahda shabakada Puntlandnews24.com iyo waliba akhristayaasha ku xidhan mareegtan.
Intaas kabacdi waxaan jeclaystay caawa inaa halkan kusoo gudbiyo maanso aan ugu magac daray “Hiiliyow ha cadaabin” taas oo sababtaan u curiyay ahayd inaan tilmaamo qiimaha iyo xuquuqda ay hooyadu leedahay iyo dhibka iyo xanuunka ay inaga soo martay.
Waxaana igu kalifay tixdan xiiso iyo kalgacal aan hooyadeey cimrigeeda ilaahay ha dheereeyo caafimaadna hawgu daree u qabo iyo boholyowga aan u hayo maadaama aan ka dheerahay dhulkaygii hooyo. Waxaan kaloo rabay inaan dadka jaaniskaas haysta dareensiiyo inay ka faa,idaystaan kana ajar gurubsadaan fursada qaaliga ah ee gacmahooda ku jirta inta goori goor tahay gabalkuna uusan ka dhicin, ka bogasho wanaagsan insha allaah.
Hooyo waan ku tabaayoo
Hamigaaga dartiisa
Hurdadii iga guurtay
Hungurigii cuni waayoo
Hamuun baa igu raagtay
Haraadoo socon waayay
Hugmayoo iska ooyay
Hafeeftayoo iska taahay
Habqamayoo iska luuday
Hadalkaa arartii dheh
Hooyadeey tabideediyo
Hootadii xubigeediyo
Hurgumo uu igu beeriyo
Hutun beerka kutaal dheh
Hooyadii i dhashaay
Haybadii noloshaay
Hayaankii casrigaay
Hadii aan ku tilmaamo
Hadafkaygiyo heesta
Hal yar aan ka,i raahdo
Halka eebbe ku geeyay
Hadyigii nabigeenu c.s.w
Heerka uu ku sifeeyay
Haldoorkii salafkeenu
Halka ay ku dhigeeniyo
Hanaankii waxtarkaaga
Haybadaadiyo khayrka
Hannayntii xaq u goynta
Heersaraynta la,yaabay
Heegaday ku sureene
Hooyo yaa kugu haysta?
Hal ku dhigiisa quraanka
Hala dhowro xaqeeeda
Marna yaan la hanqaarin
Hooyadiin ka ducaytsa
Hanuunshow rabigeenu
Hadii uu ku cadeeyey
Hadal aad dhibsanayso
Hortaadoon ka iraahdo
Hallaag weeye runtiiye
Habaar weeye inkaara
Hadalkaasi dhab weeye
Hubaal weeye bayyaana
Hantidaadana weeye iyo
Hibo uu eebe ku siiyaye
Hooyo yaa kugu haysta?
Hurayroo sheegay xadiis (r,c)
Hadalkuu warinaayay
Nabigoo ka hadalaayay (c.s.w)
Halkaan hooyo dhigayno
Hooyadaa nambar kow ah
Halqabsigiisa ku sheegyay
Hadaba yaan ku xejaa?
Halyayguu u sharxaayay
Markuu hooyo su,aalay
Hadana wuu ugu biisay
Hadaba yaan ku xejaa?
Markuu hooyo su,aalay
Hadana wuu sadexeeyey
Hooyadaa nambar kow ah
Hadalkaa sadex jeer dheh
Haanuunshow nabigiiye (c.s.w)
Hooyo yaa kugu haysta?
Halkii aabe la geeyay
Heedhe waad aragtaane
Hadalkaas ninka diidah
Hohna ay ka tidhaahdo
Hooyadiis ka xumaato
Hoogiisaa la yaboohay
Halkaas ruuxa illowsan
Habaarkeeda dhitaystah
Hooyo aan ixtiraamin
Howraarteeda dhagaysta
Hiifa oo dhibsanaayah
Halgaadoon korka saarin
Hayin aan u ahaanin
Halkay doontaba gaynin
Howraarsan aan oranaynin
Halkeebuu ku dambaynin?
Hadii aan ka jawaabo
Hadal kooban iraahdo
Habaar waalid dhitayste
Hooyadiis maqli waaye
Haduu joogo aaduunka
Halis buu ku dhacaayoo
Hantiduu tabco maago
Hungo buu ka dhaxlaayoo
Habaas buu hambadaayoo
Haraad baa u dambeeya
Haba sheegin midaase
Hayaankiisa qiyaame
Habeenkuu dhimanaayo
Heli maayo miciinoo
Hoheey wuu silcayaayoo
Hoogiisa kari doona
Hiihdiyo haahdiyo taaha
Hadii ay naftu dayso
Hoga aynu ku tuurno
Hamna ciida ku siino
Halacii naarta haleelyoo
Holac baa mari doona
Hoyga naarta saciira
Hugunkeeda jaxiima
Haantoolaydii saqaraad
Halkaasaa u ah hooyo
Haawiyuu galayaah!!!
Hooyo yaan la xumaynin
Hawshan yaan la ilaawin
Habeenkay na xambaarteey
Hungurigii ay ka go,doo
Hunqaaca ay darriseenoo
Hilibkeedu gadoomoo
Haaro ay ku dhasheenoo
Hiinraagtoo soconwayday
Hurdadii gam,i wayday
Hurtayoo kululaatay!!!
Habaqlayntiyo daalka
Halashlaysay bilooyin
Hawshu maaha intaase
Habeenkay umulaysay
Hafeeftii foosha darteed
Halgaadii nabarkeeda
Halis bay ku gashoo
Hubaal way silicdee
Hiiliyow ha cadaabin!!
Hawshu maaha intaase
Hadii ay i dhashoo
Hoyga eebe i keenoo
Hagarlaawe illaahay
Halistii ka badbaadshay
Hurdo way iska daysay
Habeenkii soo kicideeda
Habitaanka mirtayda
Hubintii gogoshayda
Halaqooy iga dhowrto
Hororkooy iga eegtiyo
Heeggan bay u ahayde
Hiiliyow ha cadaabin!!
Heesahay ii tirinaysay
Hurdada iigu sabaysay
Haloosigii kaftankeeda
Huuwaadii hadalkeediyo
Hoobeydaan ku gam,aayay
Hadaaqeeda ciyaarta
Hagaag baan u jeclaaye
Hunguri aysan tijaabin
Hortay aysan cantuugin
Hawaankeed ima siinine
Hiiliyow ha cadaabin!!
Hadaaqii ka gadaalna
Hadalkii ay i baraysay
Halkudhigiisa hagaagsan
Hadeeraan ku hadlaayoon
Hal-abuur ku tirshaayoon
Heeso aan ku curshaayoo
Hal-karaanka oraahda
Hadii aan tartamaayo
Hilinkiisa ma seegee
Hambalyaan ku helaayoo
Haatuf baan ahay caana
Hidaheeda xambaarsanoo
Hilinkii ku barmoosaye
Hiiliyow ha cadaabin!!
Hadaan suuqa maraayo
Hanaankayga hagaagsan
Hagootayda nidaamsan
Hubqaadkayga asluubta
Hareeraha aanan jaleecin
Horaydaas u socdaalka
Hoosta aan dhuganaayo
Haybtaydaa la gartaaa
Hooyadeed ku banaane
Tollow mayna heblaa?
Harqisoo dhagahayga
Had iyo goor maqlay,aan
Haahey waa iyadiiyoo
Halkaasaan ka arkaaba
Hareertayda ka yeertay
Hidaheeda ku baasayoo
Hooyadeey ku banaaniye
Hiiliyow ha cadaabin!!
Hadaan saa u ogaaday
Hooyo aan u aqaano
Halka ay iga joogto
Hadafkayga kowaad
Hiigsigaygiyo yoolka
Halbeegii noloshayda
Hormarkeeda dhaqaale
Hiilkeedoon ku dadaalo
Had iyo goor u adeego
Hadalkeeda dhamaana
Haye aan ku idhaahdo
Halna aanan ka diidin
Hamigayga ka doonaye
Hiiliyow igu caawi!!
Hadana aan u duceeyo
Hagarlaawe ilaahow
Hiiliyihii i abuurow
Hanaankeeda wanaaji
Howlaheeda hagaaji
Hooyo aan la xumaynin
Hafeef aysan dareemin
Hawaan aysan dhibtoonin
Hadii uu malag qaado
Hadduna ay halakayso
Hayaankeedu dhamaado
Hoga aan ku ridnaayoo
Halkaan joogno ka guurto
Hiiliyoow ha cadaabin!!
Haleelsii nabigiiyoo (c.s.w)
Halicii naarta ka dhowr
Haracii jano geeyoo
Haraad yaysan dareemin
Oy harsataa carshigaaga
Aamiin aamiin aamiin
Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji (Dhalkheyr)
Emeil: dhalkheyr@hotmail.com



Aad ayay u mahadsantahay safiyo sida qiimaha leh inoo xusuusisay hooyo macaan, hooyadu waa lama huraan.
Kheyr Alla haku siiyo Safiyo,marar badan baan ku celceshaday akhrinta maansadaada quruxda iyo qaayaha leh.Hooyo inta aad ku marisay maansadaada iyo in ka badanba wey istaahishaa,ee Hiiliyow ha cadaabin,Aamiin.
Walaal Safiyo aad baad u mahadsantahay oo Rabbi ajar iyo xasanaad hakaa siiyo maansadan qiirada iyo xusuusta i gelisey.Anigu ma arag hooyaday oo markey i dhashey baa Ilaah qaaday,haddana maansadani wexey i gelisey dareen cajiib ah oo aan la ooyay,anigoo jeclaan lahaa in ey maanta i hor joogto oo nooshahay hooyadey si aan waajibaadkeedii u guto.Ilaahow ha cadaabin hooyo oo jannada hoygeeda ka yeel,AAMIIN.
Alow ale adaa weyn waaxid.
Walaasheen waxeey taabtay nabar aad uxanuun badan oo u baahan in laga hadlo.
Keliya ma aqrin aad baan ugu qiirooday oo aan garan waayey meel aan joogo.
Shukri alah raxmaanka ah waxaan kuu weydiinaayo inuu ku naxariisto adduun iyo aaqiro.
asc,hooyo, illahayow ha cadaabin, ameen ameen. walaal ilahay khayr haku siiyo qoralkan xasuus bu nagu reebay aad uwayn, waxana ka dhigtay, copy aan inta akhriyo, adigana ilahay misaanka xasanaadka haku saaro safiyo wll,
Amiira Hoyo macaan iyo Ali khalid dhamaantiin walalahayga qaaliga ah waan idiin mahadcelinayaa ilaaaaaaahayna ha,ii aqbalo ducadiiina hana ii ajiibo rabina haydinka siiyo ajar iyo xasanaad..dhamaanteena rabi haynaga dhigo kuwii baariya oo waalidkood khaas ahaan hooyadood aan habaar ka galabsan ducana ka gurubsada inta ay nooshahay haday dhimatona kuwii u duceeeya oo bixiya sadaqo una dhisa masaajid iyo makaano khayraad ilaahay haynaga dhigo hana ina awaafajiyo khayr dhamantiis aamiin aamiin
safiya aad baad u mahad san tahay inta ogna alahau adkeeyo intaan ogeeyna alaha soo hadeeyo hooyo waa qaali adigana qiiraa kaa muqatee hoyadeed tii kaducaaysatey alla hakaa dhigo aamiin
Ilah hakaa abal mariyo amin aad baan ugu farxay Sfiyo qoralkaad qortay wana kaa copy yeystay in to my flash-driver. thank you agin xasuus baad igu beertay. waxan leeyahay ninkii haysta jaaniskaa hoyo ay unoshahay haka faa’idaysto kay ka dhimatayna ilaah ha uwada naxristo isgaa naxariistee amin amin
Runtii maansadani wexey iga keentay illin ama ilmo,aad baanna u jecleystay oo hooyaday oo meel iga dheer joogta bey i hor keentay aniga laftigeyga.Safiyo walaal waa kuu hambalyeeynayaa waana kuu duceeyey.