Machadka OTTI Xaruntiisa Qardho oo shahaadooyin gudoonsiiyey ardayDhameysay Maadada Caafimaadka(Sawiro)
August 13, 2012 // Announcement, Warar SomaaliXaflad si heersare loo soo agaasimay oo ay ka soo qeybgaleen Gudoomiyaha Waxbarashda magalada Qardho Siciid Maxamed Faahiye,Isuduwaha Wasaaradda Hormarinta Haweenka Sahro Siciid jaqanaf,Maamulka Machadka OTTI xaruntiisa Qardho,Qaar ka mid ah Qurba joogta ka soo jeeda Magalada Qardho,Gudoomiyaha Dalladda Dhalinyarada Gobolka karkaar,Saraakiil ka socotay Hey’adda Save the Children,Odayaal,Waalidiin,Macalimiinta Machadaka OTTi iyo arday badan oo waxkabarata Machadkaasi ayaa lagu qabtay hoowlka shirarka Degmada Qardho.

Ugu horeyntii waxaa ka hadalay Xafladaani Maamulaha Machadka OTTI xaruntiisa Qardho Maxamed C/laahi Siciid waxa uu ka hadalay Marxaladihii uu soo maray machadka OTTI xaruntiisa Qardho,waxa uu tilmaamay tan iyo markii laga furay Qardho ay wax ka barteen arday aad u badan oo haatan ka howlgala Isbitaalka Guud ee magalada Qardho iyo xarumaha caafimaad ee ku yaalo magalada,Maamulaha ayaa sheegay in uu jiro xarun kale oo lagu barto caafimaadka oo lagu magacabo kuleejka Qardho,waxaana wax ka barta arday aad u badan.

Gudoomiyaha Gudoonka waxbaashda Magalad Qardho Siciid Maxamed Faahiye oo ka hadalay munaasabadaani ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in maanta u arko arday dhameysatay Maadada caafimaadka oo bahi weyn ay u qabeen dadka ku nool magalada Qardho,waxa uu tilmaamay in ardayda ka baxday Machadkaani ay ka howlgalaan xarumaha caafimaadka ee ku yaalo magalada Qardho,isaga oo xusay in loo baahanyahay in si wada jir ah loogu shaqeeyo sidii lo hormarin lahaa xarumaha lagu barto Caafimaakda.

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka karkaar Dr.Yaasiin Cabdi Xaaji oo ka hadalay munaasabadaani ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynayo ardayda maanta shahaadooyinka ka qaadatay Machadka OTTI xaruntiisa Qardho,Isuduwaha ayaa sheegay in Machadka tan iyo markii laga furay magalada Qardo u soo saaray arday badan oo si weyn u bartatay Maadada caafimaadka,Isuduwaha ayaa sheegay in ay la shaqeenayaan machadkaani ayna ka taageeri doonaan wax yaabo badan oo dhanka caafimaadka laxiriiro.

Sahro Siciid Jaqanaf Isuduwaha Wasaaradda Hormarinta Haweenka Gobolka karkaar oo ka hadashay Xafladaani ayaa sheegtay in magalada Qardho ay u baahneed in laga furo xarun laga barto maadada caafimaadka,waxa ay sheegtay in Ururuka OTTI ay aad ula shaqeyso dhanka Dhowrista Xuquuqda Caruurta,waxa ay tilmaamtay in ka wasaarad ahaan ay soo dhaweenayaan Haweenka wax ka barta Maadada Caafimaadka Machadkaani.

Nabadoon Cabdi Xuseen Xaaji oo ka hadalay Munaasabadaani ayaa sheegay in waxgaradka ku nool magalada Qardho ay aad u soo dhaweynayaan hormar walbo oo ku aadan dhanka caafimaadka,waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la soosaaro arday badan oo baratay maadada caafimaadka oo ka howlgala tuulooyinka ku xeeran magalada Qardho kaas oo ku tilmaamay in ay baahi weyn ay u qabaan dadka ku nool tuulooyinka in ay wax ka bartaan Maadada caafimaadka,waxa uuna ardayda ugu baaqay in ay tagaan tuulooyinka kana so bixiyaan cashiro si loogu faa’iideeyo dadka ku nool tuulooyinka.

Sidoo kale Xafladaani ayaa waxaa ka hadalay Sarkaal ka socday Hey’adda Save the Childaren Jaamac Maxamed Dacar oo sheegay in machadkaani ay sii yeen taageero ku aadan sidii ay u soo saari lahaayeen arday barata caafimaadka,waxa ayna hey’adda save ka caawisay muddo lix bilood ah koorso caafimaad oo ay qaateen arday gaareysa 50 arday oo dhameystay maadada caafimaadka,waxa uuna soo dhaweeyey ardayda maanta qaadatay shahaadooyinkaani,waxa uuna balan qaaday in ay gacan kale u fidindoonaan machadkaani,sidoo kale waxaa xafladaani ka hadlay Wakiilka Puntland u qaabilsan Dalka Maleysia Axmed Cismaan Shibiin kana mid ah Qurba joogta ka soo jeeda magalada Qardho ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in maanta uu arko arday dhameysatay Maadada Caafimaadka waxa uuna u rajeeyey in uu machadkaani ku guuleysto howlihiisa uu ka wado magalada Qardho.

Ugu Danbeyntii Xafladaani ayaa shahaadooyin lagu sii yey arday gaareysa 30 arday oo soo qaaday tababar lix bilood oo ku saabsan barashada Caafimaadka,waxa ayna xafladaani ku soo dhamaatay Jawi aad u heersareeyo.
pn



















Maasha Allah Waxaan leeyahay Ardada maanta Shahaadada qadatay waxaad taagan tihiin irida guushii aad ku haminayseen in muda ah waxaana la idinka doonayaa inaad sii wadataan waxa barashada, waxaan bulsho weynta soomaliyeed meel waliba ay joogaan ku boorinayaa in ay taageero la garab istaagaan walaalahooda waxa baranaya oo ayna u fudududeeyaan
maasha allah machadku arday badan buu waxbarashadooda kor u qaaday, sii wada dadaalkiina alle waa idinla garab galaayaye, in la taageero ayuu mudanyahay mar hadii uu intaasi mahda caafimaad ah uu soo saaray
mansha allaah guulaaytaa weliigiin baa reer qaardhoo
asc waxan salamaya bahda puntlandnews24 masha alaah waxan dareemaya waxbarashadi qardho inay so hagaagayso waa wax lagu farxo iyo dhamaan gobolka karkaar masha alaah mar labaad dadaala dadaala reer puntland dadaala all somali waa in markan loso jestaa dhanka waxbarasahada iyo hormarka