Madarasada Xifdinta Quraanka Kariim-ka ah ee Ibrahim Alkhaliil Nairobi Oo soo xirtay Tartan Quraan

August 15, 2012   //   Warar Somaali

Madarasada xifdinta Quraanka Kariim-ka ah ee Ibraaim Alkhaliil oo ku taala Nairobi, isla markaasina ay arday Somaliyeed oo badani wax ka bartaan ayaa todobaadkan soo geba gebaysay tartan quraanka kariim lagu tartamayey oo maamulka Madarasadaasi uu u qabtay Ardayda wax ka barata goobtaasi.

Xafladii lagu soo xirayey tartanka Quraanka kariimka ah oo socday 3maalmood ayaa waxaa ay ka dhacday dhismaha Madarasada ee ku yaala – Xaafada Pangani- ee Degmada Kama-kuchi ee magaalada Nairobi.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay- Culumada soomaliyeed ee ugu cansan dalka Kenya- sida Dr. Shiekh Maxamed Shiekh Cusmaan , Culimo ka socotay Safaarada Qadar ee Kenya , Agaasinka Imtixaanaadka ee wasaarada waxbarashada Kenya , Maamulka madarasada oo uu hormuud u yahay Al-Ustaad Maxamed Cabdulqadir ‘Mullah’ , waalidiin rag iyo dumar leh iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Maamulka Madarasada Xifdinta Quraanka-kariimka ah Al-Ustaad maxamed Cabdulqaadir Mullah oo ka hadlay munaasabada ugu horeyn ayaa kasoo sheekeeyey asaaskii madarasadaasi iyo marxaladaha ay soo martay waxana uu ka dhawaajiyey inay qorsheenayaan in madarasadu ku talaabsato horumar iyo balaarin sida in lagu soo daro waax Lagu barto aqoonta maadiga ah.

Maamulka Madarasadu waxa uu dhiiri geliyey , Ardayda tartantay , kuwa kaalmaha galay iyo kuwa guuldaraystay dhamaantooda iyadoo maamulku sheegay intartankan uu ahaa mid muhimad gaar ah madarasada u leh madaama uu kusoo aaday Bisha Barakaysan ee Ramadan.

Maamulka Madarasada ayaa sidoo kale xafladan kaga dhawaaqay in dhowaan ay furi doonaan Dugsi hoose/dhexe oo
lagu magacdaray Ibraahim Alkhaliil Academy.

Dr. Shiekh maxamed Shiekh Cusman oo ka mid ah culimada ugu caansan dalka Kenya ee aadka looga danbeeyo dhinaca aqoonta diinta , ayaa ka hadlay munaasibadaasi waxaana uu ku amaanay maamulka Madarasada sida ay u horumarinayso Xifdinta Quraanka kariimka ah iyadoo uu Shiekhu sheegay in Quraankugu ugu fiicanyahay wax la barto lana baro caruurta yar yar.

Waalidiinta caruurta tartamaysay ayaa iyana goobta ka hadlay oo uga mahad celiyey Madaxda iyo maamulka madarasada Ibraahim Al Khaliil taxfiidul quraan – sida ay u xifidsiinayaan quraanka ardayda. Dhinaca kale Madaxda wasaarada wax barashada ee Kenya ayaa iyana goobta joogay oo ka hadlay. Cali Xasan Faarax oo ah agaasimaha imtixaanaadka ee wasaarada waxbarashada ee Kenya –ayaa amaanay talaabooyinka ay qaaday Madarasada Ibraahim al-khaliil ee xifdinta quraanka kariimka ah taasi oo faa’idu weyn umada
soomaaliyeed iyo muslimiintaba.

Madarasada Xifdinta Quraanka-kariimka ah ee Ibraahim Al-khaliil ayaa dhisneed mudo lix bilood ah – waxaana wax ka barta 150 arday ka badan –, waxaana ay madarasadu leedahay labo qaybood – qaybt-a kowaad  ayaa ku taala xaafada Pangani- halka qaybta labaad ayaa iyana kutaala  xaafada Jamka- ee Islii Nairobi Kenya.

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. imran says:

    Mansha allah hanbalyo ardaydan yar yar oo kheyrka badan so barbaara mansha allah hanbalyo walidiinti dhashay iyo macaliminta dadaalka mujisay mabruuk dhamantiin

Leave a Reply