Madaxda caalamka oo kusii qul qulaaya Muqdisho
September 16, 2012 // Warar SomaaliWaxaa maalintii shalay warbaahinta dalka Turkigu ay shaacisey in Raysalwasaare kuxigeenka Turkiga Bekir Bozdag uu ka qaybgeli doono xafladda Caleema saarka isla markaana kulan la qaadan doono Madaxweyne Maxamuud marka caleemo.
Xaflkadda caleema saarka ayaa ka dhici doonta goobta sida weyn amaankeeda loo ilaaliyo ee horey loogu doortey Madaxweynaha J.F.S Mudane Xassan Shiikh Maxamuud, waana halkii la dhihi jirey Iskoolka Booliska.
Madaxweynaha Suudaan:
Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan Cumar Xassan al-Bashiir ayaa goor dhaweyd isaguna soo soo degay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde, waxaana halkaas loogu soo dhaweeyey si diiran iyada oo uu salaan ka qaadey ciidanka Soomaaliya waxaana loo galbiyey goobta caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Jabuuti
Waxaa la filayaa in goor dhaw uu ka soo dego garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana uu ka qaybgeli doonaa xafladda Caleema Saarka Madaxweyne Maxamuud.
Sidoo kale waxaa ka mid ah wafuuda ka qeyb galaysa Wakiilo ka socda Jaamacada Carabta, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD
Amaanka Muqdisho ayaa maanta ahaa mid aad loo adkjeeyey waxaana ka soo qaybgeli doona xafladda Madaxweynaha lagu caleemo saarayo Madax kale oo caalamka ka tirsan iyo kuwa Maamulada Soomaaliya.
Madaxda kale ee la filayo in ay ka soo qaybgalaan waxaa ka mid ah:
Madaxweynaha dalka Uganda, Raysalwasaaraha Itoobiya, Raysalwasaaraha Kenya iyo madax kale oo ka socota Beesha Caalamka. Sidoo kale waxaa la filayaa in uu ka qaybgalo Xafladdaas Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland. Dr.Cabdiraxmaan Faroole.



![muqdisho3[1]](http://puntlandnews24.com/wp-content/uploads/2011/03/muqdisho31-e1313298046272.jpg)
Barlamaan ay inta badan xubnihiisu yihiin laaluush qaatayaal, ka arradan soomaalinimo, waddaniyad, diin, damiir, maxaa laga filayaa. Lacago malaayiin dhan ayay ku qaateen in ay cod bixiyaan, kabadan haddii jeebabkoodu galo waxaan shaki ku irin in ay dalka iibinayaan. Bal waanu dhowrnaa farxaddan wixii ka danbeyndoona. Ilaahow soomaali u sahal.
masha”alah allow noosiyaaadi nabada! lakiin waxaan dhihilahaa boowe biri waa bodaa% iska illaliya khawaariijta oo kudhaha boowe aakulatahay” viva puntland viva calisaleban!!!!!%