Madaxda dowlada Somalia: Shacabyohow i dooro aan mar kale boorsada buuxsadee [Warbixin]
July 18, 2012 // Faallooyin, Warar SomaaliMadaxda dowlada KMG ah ayaa lagu soo waramayaa in la saarayo cuna qabateyn jawaab u ah dhaqaalihii faraha badnaa ee ay ka dhaceen shacabka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed, sidaas waxaa ku baaqay warbixinta QM.
Warbixintii hore ayaa oo ay soo saareen monitoring group ayaa lagu sheegay in madaxda haatan iyo kuwii horeba ay umadda Soomaaliyeed ka xadeen dakhligii dalka oo dhan 70%.
Kooxda warbixintan soo saartay ee monitoring group ayaa ku cadaadinaya qaramada midoobay in madaxda musuqmaasuqa dilooday la saaro cuna-qabaten deg deg ah.
Iyadoo madaxda DKMG Somalia iyo waliba R/wasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo ay dhaceen xoolihii umadda Soomaliyeed ayaa hadana waxay wali quud dareynayaan inay mar kale madaxda dalka noqdaan si ay boorsada u sii buuxsadaan, taasina waxaad ku arkeysaa ololahooda iyo damacooda bahalnimada ah oo ay ku doonayaan inay mar kale noqdaan hogaanka dalka.
Warbixin ka soobaxday Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan lasocodka arrimaha Musuqmaasuqa ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha, Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha haatan iyo kii horeba ay ku maqan yihiin lacago Malaayiin Dollar ku waasi oo la sheegay in ay lunsadeen Madaxda Dalka.
Gudigaan waxay warbixintooda ku sheegeen in 10 million oo Dollar oo dawlada soo gashay sanadii 2009 illaaa iyo 2010 ay maqan tahay 7 million oo ka mid ah taasoo ka dhigan in 10 Dollar oo kasta oo dawladu heshay la lunsaday 7 Dollar maarka dhinaca kale loo dhigo ay noqonayso in la lunsado 70% lacagaha dawladu hesho .
Warbixinta ay soo saareen gudigaan Qaramada Midoobay u qaabilsan baaritaanada ee monirtiring group la yiraahdo waxaa lagu yiri.
“Sanadkii 2011 xafiisyada M/weynaha, R/Wasaaraha iyo kan Shariif Xasan waxaa ku maqan 12 million oo Dollar” waxaana warbixintu intaa ku dartay in xog kale oo la helay ay muujinayso in sanadkii 2011 madaxda dawladu lunsadeen lacag dhan 40 million dollar.
Q,M waxay leedahay heerka musuq maasuqa Soomaaliya ee ay sameeyeen madaxda dawlada KMG ee Soomaaliyaa y tahay mid si weyn loogu xad gudbay hantida dawlada oo ay si gaar ah ugu takri faleen madaxda dawlada ugu sar sareysa.
Shariif Xasan Sh, Aadan oo xildhibaanada qaar sheegeen inay xilka ka qaadeen waxaay warbixintu si gaar ah u sheegtay in xafiiskiisa ay ku maqan tahay 130 illaa iyo 150 million oo Dollar taasoo lagu sheegay inuu dano qaas ah ku fushaday.
Intii Shariif Xasan ahaa wasiirka maaliyada dawlada ayay warbixintu xustay in lacag badan dawlada laga xaday waxayna sidoo kale war bixintaan lagu xusay in dhaqaalihii dawladu dibadaha ka heshay aysan waligood ku xaroon bangiga dhexe ama qasnadaha dawladu leedahay.
Marka laga eego xafiiska M/weynaha waxay wearbixintu xusat inay ku maqantahay 1.5 million oo Dollar taasoo uu ku bixiyay sida warbixintu xustay inuu siiyay ganacsato ay isku heyb yihiin si ay ganacsigooda ugu hor mariyaan.
Baasabooro ka mid ah kuwa cusub ee E-Passport oo la siiyay xubno ka tirsan Xarakadda Al-Shabab iyo burcad badeeda Soomaalida ayay warbixintu xustay inuu M/weyne Shariif fududeeyay ama uu ku lug lahaa.
Nin ay warbixintu magaciisa ku sheegtay Max’ed Cabdi Xasan oo Afweyne ku magac dheer madaxna u ah burcad badeeda Soomaalida ayaa la sheegay in M/weynuhu u sameeyay Passport nooca diplomatic , ga la yiraahdo iyo dukumiintiyo kale oo dambiyadiisa daboolaya
Gudigaan ayaa M/weynaha kasoo xigtay inuu u sheegay in laga yaabo in dhaqaalaha dawladu hesho ay ku dhacaan gacmo gaar ah xilli uu dalbanayay taageero dawladu hesho.
R/wasaarihii hore ee xukuumadda KMG Max’ed C//laahi Max’ed “Faraamjo” iyo M/weynaha Puntland ayay warbixintu xustay inay lunsadeen lacago loogu deeqay.
Warbixintaan waxay xusay in eedeyntaani ay keenayso in xubnaha la eedeeyay golaha amaanka ee Q,M cuna qabatayn deg deg ah saaraan.
Bangiga adduunka ayaa bishii May ee sanadkaan war uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in Soomaaliya laga lunsaday lacag dhan 131 million oo Dollar taasoo ku maqan jeebabka madaxda dawlada.
Eedeymaha noocaan oo kale ah dhawr jeer ayay soo laalabteen iyadoona madaxda dawlada lagu eedeeyo inay musuq maasuqaan dhaqaalaha ay helaan.
Shaqaalaha u shaqeeya dawlada iyo ciidamadaba inta badan waxay cabasho ka muujiyaan mushaar la’aan heysata.
Madaxda dawlada ee hadda warbixintu xustay waxay si weyn u haminayaan inay ku soo baxaan doorashooyinka dalka ka dhacaya bisha soo socota ee August.
Ma waxaa la gudboon umadda Soomaliyeed oo kaashanaya baarlamaanka cusub ee iman doona inay doortaan rag ku caan baxay tuuganimo, iyo wax isdaba marin oo horay loo soo tijaabiyey mase wadani daacad ah oo aamin ah?




Ninkaan soo diyaariyey warbixintaan iyo kuwii ka horeeyaba Mr.matthew Bryden wuxu ku sheegay madaxda soomaalida Koofur mid tuuga iyo mid burcadbadeed ah, iyo mid argagixisana, horena wuxu u sheegay, haddii uu siisocdo dhibta koofurtu in Hargeysa aqoonsi heleyso, isagoo weliba gabar ka qaba. Inbadan waxa uu sheegayo wax kama jiraan, burburka Soomaali ayuuna duulaan ku yahay!!!!
Weligey ma arag:
1) tuug Soomaaliyeed oo dambigiisa qirta.
2) badaw soomaaliyeed oo aqoonla aantiisa qirta.
Marka kuwaan waxoodu waa “ana-waa-ikan” !
No more traveling around the world… mr shariif kkkkkk
sida laga warqabo dadka la’edeynayo iyo kuwa Edeynaya midkodna shicibka somaliyed,uma rona sabab too ah markii horaba yakenay?waxa kenay kuwa edeynaya waa qorshe logu tala galay in ummadda masakinta ah lagu dhibateyo,sabab too ah dadka aan uqalmin marka xil aaysan aqoon dusha laga saray waxad oganaysa in dan laga leyahay,wana mida manta tagan,hadeer waxa socda in dadkale oo dan laga leyahay larabo in xilka lo dhibo hase yeshe kuwa sosocda ma kuwii oo kale mise waa kuwo dhama? waa la’arki dona.
allahu akbar umada yaa u maqan
tuugo la qabtay talo ma leh