Madaxda Somalia iyo Somaliland oo kulan ku yeeshay Dubai

June 28, 2012   //   Warar Somaali

Waxaa maanta kulan kooban ku yeeshay magaalada Dubai madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. 

Sheekh Shariif ayaa saxaafada u sheegay in somalida ay yihiin dad walaalo ah, isku diin ah, wax walbana ay ka heshiin karaan, dhowaana inuu rajeynayo in xal loo helo arrimaha u dhaxeeya Somalia iyo Somaliland.

Axmed Siilaanyo ayaa isaguna sheegay  inuu soo dhoweynayo kulankan, Somaliand iyo Soomaliyana ay ka wada shaqayn karaan arrimaha nabada, argagxisada iyo la dagaalanka burcad badeedka.

Kulankan oo ay madaxdu yeesheen xiligii nasashada ee shirkii ka dhacayey Dubai, oo ay soo qaban qaabisay dowlada imaaraadka carabta.

Dhanka Somaliland waxaa kamid ahaa madaxdii shirkan ka qayb galay Daahir Riyaale Kaahin, dhanka Somalia waxaa iyagu goobta shirka joogay madaxweynaha Puntland iyo kan Galmudug.

Waa kulankii u horeeyey oo dhex mara dhinacyada Somalia iyo Somaliland teer iyo markii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Somalia inteeda kale 1992-dii.

Puntland News-24

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Khaalid says:

    Walaalayaal ilaahaybaan idinkudhaariyee bal in yar kafikira halkaan aduunka kaga jiro… Walaal u,ma baahnin awdal state… Khaatumo.. Iyo wixii lamida ee waxaan u baahanahay kaliya in ilaahay soomaali mideeyo..,, somaali waa walaalo waa dad is jecel waa bilaa reerhebel iyo reer hebel ilaahay ha ina wada daayo,, reerna dhibaato yaynaan ugu ducayn cidii doontaana ha ina maamusho ee kaliya aan awood iyo sharaf iyo meeqaam aduunka ka helo. Magaalooyinkeenana aan u sinaano. In sha alaah waanay dhacaysaa

  2. keenadiid says:

    Hali,ninkii lahaa yaa maala,rag la lahaa waa badeeco,(house nigger)Kun sano haday ka soo wareegto ma is badalo.Ingriis baa intaa ii xariiqay kaama yeelin dhulka anaa leh wayne yaa isiiyay nigger.Shariif waa wadaad,siyaasad looguma tala gelin.Annigu hadaan Faroole ahaan lahaa labadaba ma seexdeen habeen iyo maalin toona,ilaa ay soomaalinimo dhab ah la yimaadaan.Awoowgay lama lahayn iyo aabahay toona.Nina dhulkayga iima kala xariiqo waa wax laga faano.

  3. mursal says:

    horta m/wayne siilaano wuxuu metelaa oo uu uhadlayaa reer Somaliland oo dhan muxaafid iyo mucaarid , wixii mucaaridku ka cabanayana waa la dhamaynayaa dhowaan inshaALAAH..
    Siilaanyo haddii uu cid uhiiliyay wuxuu uhiiliyay dhulbahante ilayn waa ninkii raggii caruutayada laayay lacagta u qaybiyay ee ku celiyay guryohoodii..
    Waa ninka taliyihii ciidanka qaranka xilkii kaga qaaday maxaad uqabsatay boohoodle.
    Waa ninka siddii uu xilka uqabtay lahaa waar dhulbahantaw nabada qaata oo dalkiina iyo dadkiina wax u qabsada oo wax tara.
    Siilaanyo waa ka dhulbahante maanta halkaa nagu soo gaadhsiiyay , laakiin maxaa loogu abaal guday?

  4. hahaha afnooli wuu hadla eynawuu ciyaa amiira adigu gacan taaydaad ku jirtaa ay ciyaayad tahay intaad sheegtayba anaa u taliya hj waligaa baad kabaqaad u ahaayd ya qabxa somaliland guuuuuuuuuuuuuul afdhaleecona waakaas admodid inuu dhuku saayo sidii inan yar oo xan dhegeeysaneeysakkkkkkkkkkkk

  5. haa laakiin ma ciwaanka aad siiseen warka ayaanba ka diday oo aan sax ahayn, madxada Somalia iyo Somaliland ma ah ee ee madaxda xukuumadda ama dowladda federalka ku meelgaadhka ah ee Somalia iyo Somaliland, waayo Somalia waa qaran , laakiin dowlad iyo xukuumad macnahaasi ma wada biixinayaan marka Somalia iyo Somaliland ma jiraan wax la yidhaahdo eeb waa dowladda TFG iyo Somaliland xitaa sidii ku qornayd war-murtiyeedkii shirkii london .

  6. amiira says:

    waxaasa riwaayad ah siilaanyo habaraha carooday buu u hadli karaa uma hadli karo beelaha kale ee laandheeraha ah awdal satate khaatumo .maakhir iyo lughaya

    siilaany ilawsho dhowa soo maaha labada beelood oo deriska ah ninkii u kala hiiliyey habarjeclo iyo siciid harti kalshaale iyo qorilugud .

    wuxuu u hadlaya waa habarjeclo inay ka hesho somaliya kursigii habraha kale yaan riwaayad aan soconayn la jilin

Leave a Reply