Madaxda Soomalida oo is-afgarad ku gaaray magaalada Nairobi

June 21, 2012   //   Warar Somaali

Magaalada Nairobi ayaa goor dhoweyd madaxda Soomalida ku gaareen qodobo hor dhac ah, iyadoo horumar laga sameeyey arrimo si weyn la isugu hayey.

Xubno aysan qayb ka ahayn saxiixayaasha ayaa la magacaabay, kuwaasoo isku dubaridaya war murtiyeedka berri la soo saarayo, waxaana la sheegayaa in arrimo badan laga heshiiyey.

Qodobada la isku afgartay ayaa waxaa ka mid ah qodobo la rabo in Dastuurka laga bedelo, kaasoo ahaa kan ugu weyn ee saxiixayaasha isku khilaafeen.

Waxaa la isku afgartay in la qaato nuqulkii hore ee Dastuurka qabyo qoraalka ee Gudiga madax banaan ee Dastuurka soo diyaariyeen. Waxaana la iska diiday qodobo Puntland ay u ololeyneysay.

Sidoo kale waxaa dhinacyada saxiixayaasha isla soo qaadeen sida laga yeelayo Aqalka sare ee Baarlamaanka, oo ah Odayaasha dhaqanka, inkastoo aan la ogeyn waxay isku afgarteen.

Madaxda sare ee dowlada Somalia ayaa isku fikir dhowaa, halka Puntland ololalaheedii uu mira dhal noqon waayey, kadib taageero diblomaasiyadeed oo ay waayeen.

Qodobada madaxweynaha Puntland ku eedeeyey madaxda sare ayaa waxaa kamid ahaa oo kale inay kaabayaan xiriir wanaagsana la sameysteen issimada Puntland ee  Xamar ku sugan iyo sidii dowlada Puntland u yeelan lahayd go,aanka xulista ergooyinka iyo baarlamaanka qaybta ay xaqa u leedahay Puntland.

Faah-faahin intan ka badan kala soco wararkeena dambe inshallaah

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply