Madaxda ugu saraysa dowlada oo salaadii ciida kuwada tukaday masjidka isbahaysiga

October 26, 2012   //   Warar Somaali

Madaxda ugu sarreeysa dalka ayaa dadweynaha Soomaaliyeed Salaadda Ciidda kula tukaday Masjidka Isbaheysiga ee Muqdisho.

Iyadoo saaka Muqdisho looga ciiday si aad u weyn ayaa haddana madaxda ugu sarreeysa dalka waxa ay kumannaan dadweyne ah salaadda ciidda kula dukadeen Masjidka Isbaheysiga Islaamka, waxaana madaxdaasi ka mid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Muudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Baarlamanka, iyo R/wasaaraha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaaddii Jimcaha kadib Masjidka Isbaheysiga kula hadlay Kummanaan Muslimiin ah ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, isagoo kula dardaarmay ummadda in ay Alle dambi dhaaf weydiistaan, isla markaana ay u kaalmeeyaan dadka danyarta ah si ay farxadda ula wadaagaan ummadda inteeda kale.

Masjidka Isbaheysiga oo ka mid ah Masaajidda ugu waaweyn Muqdisho ayaa waxaa buuxdhaafiyay dadweeyne aad u farabadan, kuwaas oo qaar ka mid ah ay ku tukanayeen Bannaanka Masjidka, iyadoo ammaanka ay sugayeen ciidamada nabadgelyada dowladda.

Waana markii ugu horreeysay ee madaxda dowladd aan KMG aheyn ay si nabadgelyo ah ula tukadaan shacabka Soomaaliyeed muddo ka badan Labaatan sano.

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Warsame Khalaf says:

    This is a Mosque built for racism.
    Isbahaysi racist.

    Waa guul daro.

    W.Kh.

  2. Wiil bari says:

    Masha alaah waa arin lagu farxo waxana leyahay somaliya sidaa ay iskula tukaneyso haysku raacdo viva viva guuuuuuuuuuuuuuuuul

Leave a Reply