digg icon delicious icon

Madaxwaynaha dowladda Puntland oo kusoo guryo noqday Garoowe {Dhegayso}

February 7, 2012   //   Warar Somaali

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa uu ka hadlay shirrar uu dhawaan kaga soo qaybgalay dalalka Imaaraatka Carabta iyo Jabuuti.

 

Madaxwaynaha ayaa ugu horayntii sheegay dalka Imaaraatka Carabta  oo uu booqasho ku tagay inuu kula soo kulmay madaxa dalkaasi islamaarkaana ay isku afgarteen inay dowladda Imaartaaka ka taageerto dowladda Puntland dhinacyada hormarinta waxbarashada, wax soo saarka khayraadka dalka iyo la dagaalanka burcadbadeeda.

 

Waxaa uu sidoo kale sidoo kale sheegay dalka Jabuuti inuu uga soo qaybgalay shirkii kooxda ICG ay ku yeesheen dalkaasi,kaasi oo looga hadlay amaanka Soomaaliya,shirka London iyo arimaha dhamaystirka dastuurka.

 

Madaxwaynaha oo ka hadlayay weerarado Somaliland ay ku hayso deegaanada Buuhoodle iyo Sool ayaa waxaa uu sheegay talaabooyinka ay Soomaliland ka wado deegaanada SSC inuu u gudbiyay dib lumaasiyiin iyo madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle intii uu waday socdaalkiisa Jabuuti.

 

Halkan ka dhagayso Shirka Jara’id

Play

 

Waxaa uu sheegay dowladdiisa inay cadaysay mowqifkeeda ku’aadan weerarka Somaliland ay ka wado degmada Buuhoodle,isagoona sheegay waxyaabihii uu kala soo kulmay madaxwaynaha Jabuuti iyo madaxdii beesha caalamka ee uu kala hadlay fara galinta Somaliland ee deeganaada SSC inaysan ka sheegayn saxaafadda.

 

Maxamed Xaaji

Puntlandnews24

Garoowe.

 

RSSComments (0)

Leave a Reply