Madaxwaynaha Puntland oo soo dhoweeyey doorashada madaxwaynaha [AUDIO]
September 11, 2012 // Warar Somaali
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroolle ayaa siweyn usoo dhoweeyey doorashadii madaxwaynaha ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaasi oo xilka madaxwaynaha Jmahuuriyadda Soomaaliya ee 4-ta sano ee soo socoto loogu doortay Prof Xasan Sheekh Maxamuud.
Dr Faroolle oo shirjara’id maanta ku qabtay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland ayaa waxaaa uu sheegay isagoo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan xukuumadda Puntland uu ku faraxsanyahay xilka madaxwayne ee loo doortay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa uu sheegay madaxwayne Faroolle inuu rajaynayo xilka loo doortay madaxwaynaha cusub ee Jamhuuriyadda Dalka Soomaaliya, islamarkaana uu kasoo bixi doono waajibaadka loo igmaday , islamarkaana uu ku kalsoonyahay.
Dhagayso Shirka Jara’id
Waxaa dhinaca kalle hambalyo gaar ah uu u diray xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya , isagoo xusay baarlamaanka faderaalka ee doortay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka badalnyihiin baarlamaanadii hore ee dalka, kalsuuni buuxdana uu ku qabo doorashadii ay sameeyeen.
Dowladda Puntland ayuu sheegay Dr Faroolle inay u taagnayd sidii loo heli lahaa Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo dalka qayb uu ka noqdo, waxaana intaasi uu ku daray door wayn inay Puntland kasoo qaaday shirarkii RoadMapka, mirihii kasoo baxay ayay qayb ka ahayd doorashada Xasan Sheekh Maxamuud ayuu yiri.
Dhinaca kalle magaalooyinka Bosaso, Qardh, Garoowe iyo barriga gobolka Sanaag ayaa siweyn looga soo dhoweeyey doorashadii xalay, waxaa dad waynuhu ay ka hadleen warbaahinta iyagoo hambalyo u diraya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay codad aqlabiyad leh kaga guulaystay madxawaynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Puntland-News24
Xafiiska Garoowe.



King koshiin. Sxb qanyare xaq ayu uleyahay beshisa so xushay wa. Rugcadaaa wana nin hadi muqdisho caan ka ah marka ciid is hor istagikarta majirto qanyare wa nin uqalma wa nincodkar ah oon runta kagaban siyasiyinta muqdisho ninka kaliya oo ugu caqliga badna ayu ahaa wa ninka kaliya ooo ugu hadalka wanagsana marka beshisa aya jecel oo so ceshtay beshisa ayu uso halgamay ayako dhulkoda laga qabsanrabo ayu ka ceshay qanyare dadkisaaa rabaaaan oo kuqanacsaan sa wuxu uso qabtay aye ogyihiin marka sxb. Afarahas kuma quseyaaan ina kahadasho. Iyo dad. Inka foog afarahoda ha galin tankale ninka ledahay aqonyahay mana wa nin ka aqonbadan adi ahaaan wa ninka jamacadaha muqshido. Mamulaha ka ahaaa aso dibad adin ayu dalkisa wax kabartay males zanawi ad arkesa jamacadi lafoore ayu wax kubartay marka ninkaaan dhulkisu wax kubartay tagero kaganu bahno mar hadi uu faroole tageray faroole ooo shacabkisa matalayo ba tageary adina shacabkas aya kamidtahay marka duqa haiswalin ee idajiiii tani way socotay sonoqosho maleh cisman jawaaari na wa nin aqon leh oo ka cilmi badan adi bal horta aqonta ledahay bal so bandhig maxa madaxda ugu mashqulesaaaaaaa bal is waydi faroole. Xagu waxkusobartay iyo aso ebglish kuhadlayo waliga ma aragtay bal ka jawab taaas
waad ku mahad san tahiin madaxda iyo shacabka puntuland sida somali nimada aad u jeceshihiin waana wax lagu faano ilahay mid wanaagsan hanooga dhigo madaxweyn hasan shiikh
Waar 1000 jeer ayaan soo qoray Yaan la Biliqeysan Magaca Professor, Wiilkaan Loo Doortay Madaweynaha Hassan shiikh maáha Profesor, Bal sheega meesha uu Ka soo qaatay Shahaadada Professonimada iyo Jamacad ku Taal Aduunka ee la ictiraafsan yahay uu ka noqday Professor, Odeyaagaan Afhayeenka Parlamaanka xataa Xagee ayuub ka soo qaatay Shahaadada Professornimada ?
WAA DOORASHO BAADIL AH. Sababta oo ah tan koowaad waaxa Ninkaan Afhayeenka Parlamaanka ah ay kuwa musuq maasuqa dilooday ooda ka soo qaadeen Ninmankii Dagaal Oogayaasha ahaa sida Qanyare. Tan labaad Maxaa 3 nin oo Abgaal wada ah ku soo reebay Finalka ? Somalida kale maxaa ku dhacay, mise Xamar waa Gookoodii , oo lagula tartami kato, hadii ay arrinta sidaas tahay, dee Caasimada ha laga wareejiyo, tan labaad. Faroole in uu taagero maahayn, sidii uu Ex Madaxweyne Abdulahi Yusuf uu u Mucaaraday Abdi Qasim, in uu faroole u Mucaarado ay ahayd Nin Xukuma Magaalo Xamar Ku Taal oo Ilaaliyaan Ciidamada Ugandheeska iyo Kuwa Burundi
madaxweynuhu waa kusaxanyahay inuu soodhaweeyo madaxweynaha cusub ee jamuuriyadda fadaraalka soomaaliya ,cadawbadanse baad leedahay waadna kaguulaysan inashaa allaahu inta soomaali caasigaa iyo kuwa jid iyo jaha diidkaa iyo shabaab …scww
@ xaydar,
Mr.Faroole khudbad wanaagsan buu jeediyey ee adiga xagee ku xanuunaysa?
I don’t understand your point, walaale.
Sidaas iyo salaan wacan!
waa lagu yaqaan degdega faroole hadhoowna cabaad buu ku dhufan doontaa