Sh. Shariif oo ku goodiyay maxkamadda sare ee dalka inay go’aan ka gaari doonto hogaamiye kooxeedyada lasoo celiyay
August 26, 2012 // Warar SomaaliMadaxwayne Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay ku shaaciyay shirsaxaafadeed uu ku qabtay xarunta madaxtooyada arinta ka mid noqoshada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee hogaamiye kooxeedyada in loo gudbinayo maxkmadda sare ee dowladda, islamarkaana ay qaadan doonto go’aanka ugu dambeeya ee hogaamiye kooxeedyadii dalka uga mid noqonayaan baarlamaanka.
Madaxwaynaha waxaa uu ku celiyay mar kalle hogaamiye kooxeedyada inaan la oran karin dambiilayaal, balse ay yihiin muwaadiniin xaq u leh inay kusoo biiraan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, maadaama sida uu sheegay aanay jirin maxkmad ku cadaysay dambiyo dagaal oo ay galeen.
Shariif Sheekh Axmed oo Mandate-ka dowladiisa ay ku ekeeyda 21-kii bishaan ayaa xusul duub ugu jira mar kalle inuu kusoo laabto xafiiska madaxwayne ee dalka, isagoo loolan adag ay kula jiraan inka badan 30-musharax oo uu ku jiro r/wasaarihiisa.
Heshiisyadii Roadmapka ay saxiixdeen dhinacyada Soomaalida ayaa dhigayay shuruudaha ka mid noqoshada baarlamaanka ugu yaraan shahaado dugsi sare iyo in xildhibaanka uusan ahayn qof dambi ka galay dalka muddo shan sanadood,arintaasi ayaa dadka qaarkood ku tilmaamayaan inay ka horimaanayso xusul duubka madaxwayanaha uu ugu jiro inuu baarlamaanka keensado hogaamiye kooxeedyo baarlamaanka ku keeni kara dib u dhac iyo gacan ka hadal sidii ay caanka ku ahaayeen xildhibaanadii ugu dambeeyay dowladda ee waqtigoodu uu dhamaaday
Puntland-News24
Muqdisho



Wiilkagan labacay C/raxman garoowe sxb shiikh shariif ha ugafin wa madaxweyne dalka hogaminayay 5sano hadana wuxuu xaq uleeyah inu is sharaxo hawiyana wa muwadinin somaliyeed kursigana wa mudan yihiin waliba waxay ka mudan yihiin dad badan okale macaanka kursigana wa midkaad qarankii somaliya oga hor imateen shiikh shariif iyo faroole manta waxaa cadalad iyo wadaniyad u dhaw shiikh shariif hawiye iyo m. Saleebana waxa hogaanka iyo cadalada ku fiican hawiye sida dad somaliyed o badan qaban
Waa Yaab, sheekh SHariif waa cadaadis adag ku haaya beesha Hawiye, oo ugu hanjabtay haduusan soo celin qab-qablayaashii dagaalka ee laga saaray liiska xildhibaanada in aysan cod siineyn
Odayga waa waashay, Alla malaha kursiga macacaanaa; waa laga furfuri l’ayahay. Hawiye waxay rumeysanyihiin inay yihinn qabiilka ugu badan Soomaaliya, sidaas darteed aykursiga madaxwynanimada ku fariistaan