Madaxwaynaha oo wafdi u diray Kismaayo xilli wali ay socdaan qabanqaabada shirka

February 25, 2013   //   Warar Somaali

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u diray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose wafdi isugu jira xildhibaan iyo masuuliyiin uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

Wafdiga oo ay wehliyaan wariyeyaal ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, dowladda kama aysan hadlin ujeedada socdaal ee wafdiga hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya inay u tageen Kismaayo xalka gaarista dagaalkii dhawaan kadhacay magaalada Kismaayo ee dhexmaray ciidamada maamulka Kismaayo iyo dad kasoo ka carsayn dad ay xireen ciidamadaasi.

Masuuliyiinta maamulka magaalada Kismaayo ayaa wafdiga dowladda kusoo dhoweeyey magaalada Kismaayo, iyadoo amaanka ay sugayeen ciidamada AMISOM gaar ahaana kuwa Kenya kasii jeeda.

Dhinaca kale qaar ka mid ah ergooyinkii u tagay magaalada Kismaayo ka qaybgalka shirkii lagu balansanaa inuu furno maalintii sabtida ahayd ee lasoo dhaafay ayaa wali ku adkaysanaya inay qabanayaan  shirka maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo oo horay guddiga shirka uu sheegay in loo baajiyay kadib markii madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha oo loo diray codsi ah inay shirka furaan  laga waayay wax jawaab celin ah.

Wali waxaa muuqanaya diidmo ka imaanaysa qaar ka mid ah beelaha oo iyagu sheegaya inay sualuugsanyihiin shirka Kismaayo hanaanka loo soo abaabulay iyagoona ku talinaya dowladda Soomaaliya inay arintaan ay soo dhex gasho.

Puntland-News24

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. ismail says:

    SELF RULE- government of a political unit of it’s own people.
    Self determination,self government,autonomy,liberty. Immunity from arbitrary exercise of authority.
    Home rule – self government in local matters. We do’nt need authoritarian government that its head clan is the decision making person and ministers are nothing but yes men who can’t voice their concern even if injustice and impunity is order of the day.This ministers are only conveying messages because the is no government policy to sell that is why their energy and time is displacing peaceful,peace loving jubalanders.ismail,s.africa.

Leave a Reply