Madaxwaynaha Puntland oo dadwaynaha Garowe la dukaday salaaddii ciidda[Sawiro]

August 19, 2012   //   Warar Somaali

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroolle,kuxigeenkiisa Gen. Cabdismad Cali Shire iyo golayaasha baarlamaanka iyo xukuumadda Puntland ayaa maanta ka qaybgalay salaadda Ciiddul Fidriga  ee magaalada Garoowe laga oogay .

Garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garowe ayaa waxaa isugu yimid dadwayne badan oo ka yimid xaafadaha magaalada Garoowe, waxaana siwadajir ah ay salaadda Ciidda ugu tukudeen Garoonka Mire Awaare ee Garowe, halkaasoo madaxda Puntland ay ka qaybgaleen.

Kadib salaadda ciida waxaa goobta ka hadlay madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroolle iyo Islaam Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah issimada waawayn ee deeganada Puntland sida wayn looga tixgaliyo.

Madaxwayanaha Dr C/raxmaan Faroolle oo ugu horayntii hadlay ayaa waxaa ka baryay Eebbe ciidan mideeda kalle in lagu gaaro nabad iyo barwaaqo.

Waxaa uu dadwaynaha uu kula dardaarmay inay dowladda iyo ciidamaduba ay kala shaqeeyaan nabadgalyada, dowladda kaligeed wax ma qaban karto ayuu yiri madaxwaynaha.

Waxaa uu xusay nabadgalyada in loo soo maray dedaal dheer, loona baahanyahay nabaddaas in lawada ilaaliyo, isagoo dhanka kalle hoosta ka xariiqay inay jirto dhibaatooyin qabyaaladeyd oo uu xusay in caqabad ku keenayso arimaha nabadgalyada hadii qofka dambiilaha ah laogu doodayo qaab qabyaaladeed.

Dhinaca kalle waxaa uu soo hadal qaaday madaxwaynaha sicir bararka lacagaha sh.so oo uu ku sifeeyay inay ugu wacantahay lacagihii sh.so oo aan lasoo daabicin iyo macwaawinadii koonfurtu geeyay caalamka oo dhaqaalaha Puntland ku keenay sicir barar, isagoo madaxwaynaha taasi ka hadlay waxa uu tilmaamay inay saamayn ku yeelatay xukuumadda lacagaha sh.so ee yaraaday dowladuna ay mushaaraadkii ugu dambeeyay ay ku bixisay doolarka.

Dhinaca argagaxisada mar uu qudbadiisa kusoo qaatay madaxwayne Faroolle waxaa uu sheegay inay jiraan kooxo koonfurta ka imaanaya oo dilal qorshaysan u gaysanaya dadka muhiimka ah iyagoo taageeraya kooxaha kusugan buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Xiliga KMG ee dowladda Somaliya

Madaxwaynaha Puntland Dr c/raxmaan Faroolle ayaa sheegay dowladda KMG ay ka baxayso xiliga KMG oo ay kusoo jirtay muddo dheer, waxaa uu ku faanay kaalin wayn inay Puntland ku lahayd geeddi socodka KMG ,shirarkii Garowe iyo ansixinta dastuurka cusub ee dalka oo uu ku tilmaamay guul.

Waxaa dhanka kalle uu soo qaaday arimaha baarlamaanka oo uu sheegay inay soo jeediyeen taloooyin la xiriira in lagu saleeyo qaab deegaan, hasse ahaatee taasi ay diideen dad gaaro ah oo uu sheegay inay door bideen nidaamka 4.5-ka oo uu siweyn u dhaliilay.

IslaaN Ciise oo ka mid ah issimada Puntland ayaa isaguna dhankiisa ku bogaadiyay dadku inay nabadda iyo midnimada ka shaqeeyaan.

Si kastay ahaabata khudbadaha madaxda,culimaa’udiinka iyo issimada ay jeediyeen kadib saaladda ciidda ayaa kusoo dhamaatay jawi wanaagsan iyadoo dadkuna ay siweyn isugu hambalyeeyeen farxadda ciidda.

 

COMMENTS

RSSComments (9)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. cabdiburhaan says:

    faroole waa ka hadli garaa goonfur maxaa yeelay waa muwadin soomaliyeed teeda kale sxbyaalow aan wax idin sheeko sow ma ogidin in faroole inuu dakiisu ay degaan jubooyinka sida kismaayo iyagaa ubadan wallahi anaa ku dhashoo oo intaas ku soo le egaaday waxay kaloo degaan joore ama baadiyaha kismaayo sida sandaro ilaa bilis qooqani hadii dhinaca xeebta loo baxo waxay degaan madhawa kudhaa ilaa xadka woqooyi bari kenya

  2. To yusuf sh sxb wa qaldantahay faroole banaadir iyo goboladas kama hadlikaro wa u qaldanyahay badaas isaga umatalo just. Wa inu kahadla wixi deganadisa quseya mahan muqdisho iyo hargaysa oon aqonin faroole inu jiro inukahadlo ala sheek qabiil aye ka dhasheen qabiladodi ayana kensaday hogamiye koxedyada qabiladodi aya kensadeen mana laga didikaro wayo xamar iyaka leh hadi la didona meshu nabad ka iman mayso beri aya. Lagukala carar ee wa qasab in la aqbalaaaa qaqablayashas wa hadi somalia ay dowlad rabaaan adeer

  3. daljire says:

    IID WANAAGSAN DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED.
    NABADU WAA AASAASKA NOLOSHA, ALLAHA RAXMAANKA AHI HANI GRANSIIYO, AAMIIN. AAMIIN.

  4. naasir says:

    waxaan salamaya dhamaan reer buntland sanadkan sanadkiisa ku gaara barwaaqo iyo midnimo iyo qaranimo

  5. Cajaaib says:

    Ciid Wanaagsan soomaali oo dhan meel walba oo ay joogan. Waxaan Ilaah ka rajeynayaa ciidaan ciideeda kale inaan aragno wadankeena oo nabad ah oo soomaali oo dhan ku noqotey oo midowdey..hal meelna ku wada ciideysa.Insha Allah Guul.

  6. cool_zu@hotmial.co.uk says:

    ciid wanaagsan umada somliyeed meelay joogto iyo muslimiinta dhan , ilaahay waxaan ka baryeynaa danbi dhaaf iyo jandiisa inu nagalayo aamin , dalkeena iyo umada somliyeedna nabad iyo cafis inay isu yaboohan , hadi aan ka hadlo sheekh shariif maxaa ka si ah wadaad diin yaqaan boo iska dhigaa hadana 4.5 isgaa u doodyey iyo hogmiya kooxeedkaba , anagoo hadan shacbka nahay marbno 4.5 iyo dAGAAL OOGE DANBE , WAXAAN DOONYNA DAD CELMI LEH DIINTO DACAD KA TAHAY DADKUNA IYO DALKUNA U SIMAN YAHAY ILAAAHYNA INU NAGA AQBALOO TAAAAS

  7. ahmedpunt--------------- says:

    ciid wanaagsan ciid wanaagsan ciid farxad leh ,ilaahow ciidii nabad lakowsata noogayeel aamiin aamiin aamiin ilaahow ciidii barwaaqo iyo bashbash lakawsata noogayeel dhamaan gobolada puntland iyo soomaaliya oo dhan aamiin aamiin aamiin

  8. trck says:

    DHAMAAN UMADA SOMALIYEED GAR AHAAN REERBUNTLAN WAXAAN LEEYAHAY CIID MUBARIK SANADKAN SANADKIISA BARWAQO IYO BASHBASH AMIIN

  9. Yuusuf Sh says:

    HANBALYO IYO CIID WAANAAGSAN Puntland iyo Somaliweyn iyo bahda Puntland 24

    Waa wax lagu faro in la arko reer Puntland oo nabad kuwada ciidaya, hal maalin wada ciidaya.
    Madaxweyne Faroole waa ku mahadsanyahay inuu ka hadlo waxa ka socda Muqdisho
    Waayo Aalaa Sheekh waxay wadaan qorshe ay rabaan in baarlamaanka lagu soo celiyo qab-qablayaashii hore ee dalka baabi’iyey. Ilaah ha nagu soo celin kuwaas

Leave a Reply