Madaxwaynaha Puntland oo sheegay in lasoo qaban doono dadkii dilay suldaan Muuse Faarax Onkod
February 2, 2013 // Warar SomaaliMadaxwaynaha dowladda Puntland ayaa ka hadlay dilkii suldaan Muuse Faarax loogu gaystay magaalada Bosaso.
Madaxwaynaha ayaa ku tilmaamay dilka inay fuliyeen kooxo nabad diid ah, waxaana uu sheegay dilka inuu yahay mid la doonayo fitno laga dhex abuuro dadka walaalaha ah ee wada degan.
Waxaa uu si gaar ah uga codsaday dadka uu kadhashay suldaanka la dilay inay isxakameeyaan, waxaana uu intaasi ku daray inay hadda baaris ay socdaan oo lagu soo qabanayo dhagarqabayaashii suldaanka dilay.
Suldaan Muuse Faarax Onkod ayaa dilkiisa waxaa ka xumaaday oo siweyn u cambeerey qaybaha bulashada iyo madaxda dowladda Puntland.
Puntlandnews24



well too bed he is not prst anymore faroole
Suldaanka naxariista janno allaha ka waraabiyo, umaddana samir iyo imaan alaaha ka siiyo.
Madaxweyne,
Enough is Enough, Dadku waxay aaminsan yihiin inaad ogtahay waxa ka dambeeya dilalka ka dhacayaa Puntland .Dadku waxay ka sugayaan in suldaanka wixii dilaya aad maxkamad hor keento madaama aad ogtahaty meesha ay ku sugan yihiin.
Alle waxaan uga baryayaa inuu u naxariisto Suldaanka qarabadisii iyo dhamaan shacabka Puntland samir iyo imaan ka saayo?Faroole waxaan leeyahay “Hal xaraana nirig xalaala madhasho” indhahaad naga riday alle indhaha hakaa rido,puntland waxaad ugu talo gashay inaad baa’bi’iso sidaad hadba qof u dilaayso,kacaankii hantiwadaaga kamaad duwanid,adigaana ka danbeeya dilka suldaanka,yaad soo qaban ma wiilkaaga iyo maxamuud shido iyagaa dadka laayee beenloow ayaa tahay,khaayinimo ku darsaday????????
Madaxweynihii hore weligii wax masoo qaban hadana u malaynmayo in uu wax soo qaban doono dadka yuusan iska horkeenin iimaanlaawuhu.
Imisaa Puntland intuu joogay lagu dilay waa kee ninka la dilay ee wax loosoo qabtay?
test.
Allaha u naxariisto Suldaan Muuse Faarax ehelkii iyo Bulshoweyntana Puntalandina Allaha ka samirsiito.
Waxa wax fajiciso ah noola muuqda dadkuna ay isweydiinayaan maxaa ku kalifay in uu Faroole yiraahdo (Waxaa uu si gaar ah uga codsaday dadka uu kadhashay suldaanka la dilay inay isxakameeyaan,meel kalena uu ku sheegay in uu uga digaayo in la marin habaabiyo, waa iska caddahay warkiisu, waana muuqataa in uu dad isku guubaabinaayo, waxaanse u sheegaynnaa in uu ogaado in ay shacabka reer Puntaland intaa ka caqli badanyihiin uu sanna cidna isku dirikarin, lana heli doono xaqiiqda dhabta ah.
Allaha u naxariisto Suldaan Muuse Faarax gacan ka xaqdaran baa dishay,eheladiisa iyo Bulshada reer Puntalandina Allaha ka samirsiiyo, waxaa wax lala yaaba ah haddii qofkasta oo qiima lahaa la dilo oo loo adeegsado dil qorshaysan haddana Faroole yiraahdo waan garanayaa waa dil qorshaysan.
Haddaba taas dadku waa ogyahaye please dadka ehelka ah yaan laysku layn oo jago waa sahale
dadka qiimaha leh yaan la xaalufin.
Waxaanse u sheegaynnaa cid kasta oo wax aan Ilaahay raalli ka ahayn samaysa in waxa uu raadinaayo dhib ka weyn uu kororsaday ayna sugayso ifka iyo aakhiradaba, Ilaahayna kashifidoono.
Waa hadal wanaagsan ayuu ku hadlay madaxweynaha
KU: HERSI
Ninka la baxay Hersi, sxb, hurdada ka toos, meesha waxaa bilaabatay tartan xisbi, marka ka qayb gal. Waa kaa dr. Enow Garowe maanta ku shirinaya xisbiga Midnimo.
Colaad jooji.
asc wr wb webka Puntlandnews24 iyo shacabka Puntland. Allaha hau naxariisto suldaaanka gacaka gardaran ayaa dishey balse ruuxaas diley ee lasoo adeegsaday isaga iyo kii soo adeegsaday ha ogaadaan Alle waa og yahay Cida ee yihiin labaduba. Ruux waala dili karaa balse Dhismasho Iyo Qabri iyo cadaab Alle halkee loga fakanayaa waa meel. Suldaanka Allaha ha geeyo Jannatul Fardawsa Al-acalaa—aamiin.
Puntland waxaa lu dhacdey dhibaato oo ah Ninkaan Faroole la yiraahdo ee xukunkii ka dhamadey ee wali dhex taagan Puntland Allaha hanaga qabto aamiin dalkii waa burburiyey, shacabkiina waala laayey, wax uu qabteyna maleh aan ka. eheyn isku dirka qabiilada Puntland iyo inuu lacagtii Puntland dhigta dibada. Waxaa maalin dhaweyd maqlayey isagoo leh waxaan ku biiraynaa Somaliland. Faroole halaga qabto Puntland isaga iyo caruurtiisaba. Maxaa Odayaashii Puntland dhisey la aamusan yihiin mise Jail beey ka cabsadeen waxaa idiin kula talinayaa afka kala furta runta halo sheego Faroole waa diidey inuu xukunka wareejiya, hadduu diideyna waa in xabad lagu ceeriya. Ruux kasta ee Puntland waa hubeysan yahay. Hala doorto nin Alle ka cabasada waxaa aniga haddeer iigula muuqataa in X wbisbiga Midnimo uu yahay xisbiga kaliya ee Puntland badbaadin kara kana aadkaan karo Tuugaan Faroole. Ku dadaala midnimada iskana dhiciya tuugtaan caruurtooda dibada ujoogta ee lacagtii Puntland ku cayaaraya. asc wr
Anigu Ma qabo in loogu yeero mudane faroole (madaxweye ) Waayo xilligiisii Waa uu dhameystey, halsano oo aan sharci aheynna Waa xoogsadey ..haa Waa xoog iyo fara maroorsi, sidaasi daraadeed ka daaya laqabka ah madaxweye , dhahaya uun mudane.