Madaxwaynaha Puntland oo soo dhoweeyay kalsoonida baarlamaanka uu siiyay raysal wasaare Saacid
October 21, 2012 // Warar SomaaliDowladda Puntland ayaa qoraal kasoo baxay shalay gelinkii dambe waxa lagu soo dhoweeyey kalsoonidii mudanayaasha Barlamanka Somalia ay siiyeen Raysal wasaaraha cusub ee DF Somalia Cabdi Faarax Shirdoon saddex maalmood ka hor.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegey in kalsoonida 100% ee aqalka hoose siiyey Wasiirka Koowaad Somalia ay tusineyso taageerada uu haysto sidii uu u gudan laha waajibaadka ka saaran dalka iyo howlaha hor yaala xukuumadda cusub.
Sidoo kale waxa Puntland ay ku dhiirigelisey Saacid Faarax Shirdoon inuu hawsha koowaad ka dhigo amaanka Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran,waxana soo raaceysa xiriir wanaagsan uu la yeesho dowladaha dalka ka jira sida Puntland iyo kuwa dhalanaya oo Jubaland ugu horeyso.
Pn24
Garowe.


