Madaxwayne Caalin oo diiday wasiiro cusub oo loo magacaabay Galmudug

August 20, 2012   //   Warar Somaali

Madaxwaynaha maamulka Galmudug ee xaruntiisu tahay koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa kasoo horjeestay wasiiro cusub oo uu magacaabay Gen. Cabdi Xasan Cawaalle Qaybdiid oo xildhibaanada Galmudug ay u doorteen madaxwaynaha maamulkaasi.

Mudane Maxamed Axmed Caalin oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay jiraan dad dhibaato ku haya maamulka Galmudug islamarkaana doonaya inay qilaafaadyo ka abuuraan deegaanada maamulkiisa uu ka jiro.

Waxaa uu xusay magaalada Muqdisho inuu u tagay sidii uu madaxda dowladda iyo beesha caalamku uu kala hadli lahaa dhibaatooyinka deegaanada Galmudug sidii loo dhamayn lahaa.

Maxamed Axmed Caalim ayaa ka mid ahaa lixda saxiixayaal ee Roadmapka, waxaana uu waxbadan kasoo shaqeeyay sidii dowladda Soomaaliya uga bixilahayd nidaamka KMG ee maanta ku ekaa.

Puntland-News24

Muqdisho.

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Warsame says:

    Education, understanding and experience make
    leaders acceptable to their nation as a whole, you need to get confidence and support from those you think are further from you. Do not depend religion, political orientation, gender, and who they are belong to. you need to protect rights and responsibility and be careful about what you said or done and consequesce that will create for you and for what you are about to involve and do.
    Somalia will never be somalia without Mudug, consider and take it on board to help resolving the somali problem. Take this from me and accept if that is the interest of mudug and Somalia.
    thaks

    Warsame Khalaf.

  2. Cheyyene says:

    Gaalkacayo madaxweyne u Noqo, dhib ma ahoo !

    Xamar, Garoowe iyo Hargeysa, xildhibaanada qeybtood ayaa ku diidi kara, qeybtood ayaa yara xishood qaban karaa ! Balse Caasimada dhabta ah ee Soomaaliya ee “Gaalkacayo” Xildhibaanadu waxey dhahey: “Oo walaaleey, ka warama hadeynu ninkan Caalin la dhaho iskaba tuurno”
    hehe, hee , Via @mudugs!

Leave a Reply