digg icon delicious icon

Madaxweyne Faroole: Weerar Qaawan ayey Somaliland Buuhoodle ku soo qaaday deg-deg ha uga baxeen {iyo qodobo kale oo xiisa leh Dhegeyso}

February 8, 2012   //   Warar Somaali

Madaxwaynaha Puntland Cabdiramaan Maxamed Faroole ayaa markii ugu horaysay ka hadlay weerarada ay ciidamada Somaliland ku hayaan deegaano ka mid ah gobolka Cayn.

Madaxwaynaha ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay munaasbad lagu daah furayay dastuurka Puntland ayaa waxaa uu sheegay inuu ugu baaqayo maamulka Somaliland inuu ciidankiisa ugala baxo magaalada Laasnood kahoor inta uusan furmin shirka London 23 febraayo.

Madaxwaynaha ayaa sheegay cidkasta inay xor u tahay inay aayaheeda ka tashato loona baahanyahay maamulka Somaliland inuu ciidankiisa si degdegh ah ugala baxo magaalada Laascaanood.

Dhagayso Codka Faroolle

Play

Madaxwaynaha oo soo hadal qaaday maamulka Khaatumo ee looga dhawaaqay degmada Taleex ayaa yiri”"Kuwa iyagu meel aan waxba ku jirin wax ka raadinaya ama hadba dhinac usoconaya oo raadinaya in hadba geedi socodka Soomaaliyeed dhiig ku raadiyaan oo maalintii Buuhoodle lasoo weerarayay ku sugnaa,dabadeedna Itoobiya u cararay waxaan u sheegaynaa sida aad wax ku raadinaysaan waxba ku heli maysaan”.

Dr Faroole ayaa sidoo kale qiray dowladda Itoobiya inay ka shaqaysay inuusan maamulkiisa  weerarin magaalada Laascaanood,isagoo arintaasi ka hadlaya ayaa waxaa uu sheegay dowlada Itoobiya inay ku wargalinayaan inay  runta u sheegto maamulka Somaliland.

Puntlandnews24

Garoowe.

 

 

RSSComments (30)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Wiilkii-Raaska` says:

    Maanta ciiddii soomaaliyeed waxaa ku jira ciidamo ka yimid Keenya, Itoobiya, Ugaandha, Burundi, Jabuuti. Badihii Soomaaliyeed waxaa fadhiya maraakiib ciidan oo ka socda 18 dal. Waxaa ka shaqeeya dalka gudihiisa ciidamo war-doon ah oo ka socda 35 dal. War miyednaadan marna isla yaabeyn oo aydnaadan isu quurin xataa erey wanaagsan. Waad fashilantihiin, uabdkiinana fashilaad baad u gudbineysaan ee towba yaa rabbi dhahaya, si ay wax idiin kaga haraan.

  2. Somalia says:

    War bal eega umadan waxay isku haysato war alle ka baqa oo qoralada aad qoraysan umadan muslimka ah haysugu ifina dagal dad muslim ah dhexdisa wax faa’ida ah uu leyahay majirte

  3. dal jacel says:

    Qolyaha u hadlaya somaliland riyo ayaad ku jirtaan cidina idin aqoonsan mayso never-ever. Dr. Farole run ayuu sheegay ka baxa buuhoodle dakeeda ayaa leh ayahooda. Puntland hadii lagu soo xad gudbo way is daafacayaan, ogaadana cidii isku dayda inay soo gardaraysato jab iyo halaag ayay kala kulmi doonaan.

  4. Naasir says:

    Faroole waxaan odhan lahaa.
    NiN Walaalkii doorsaday ilaah derjo siinwaayee.
    Carab dalab leh iyo doqonimaad dabada haysaay.
    Wax kale oo digasho kuudhaama doorkan maad keentid.

    waxaan tixdan u soo qaatay maanta wixii kula gudboonaa maad garan, hadaad garan waydayna kamaad gaabsan. waar nimayow haduu ninkani nacaybka reerkan uu u qabo uu qarsan kari waayay walaalayaaloow dee hanalaga qabto ilayn nikii waalan tolkii baa u miyir qabaa la yidhiyee. Faroolana haloogu dhaarto waxa dagaalamayaa in ay yihiin Isaaq oo dhan iyo maamulkoodii iyo reer Buuhoodle oo keliya. waxaase leeyahay Faroole iyo cawaanka Sacabka u tumaya ee cabdi-neef ka mid yahay waar waa la doogiye yaan la dacroon.

  5. ibnu zaki says:

    kkkkkkkkk shaw ninkii baxaya buuraha jinkaa loo bidhbidhiyaaa wr far laawe qoom kaa si jeeda ha isku soo jeedin ader somaliland army even 30 min kuma qadanayso inay adiga iyo budhcad badeedaa kuso qabtan talabad malaha phd,president silanyo waxad modaysaa sidii dahir riyalihii mrkuu cidankisa talex gadhsiyey isagoy growe u muqato ka soo celiyey. takale shirka london wd ogtahay in heshis hore loga tashaday la saxeexayo oo ay ku jirta saxexa inay somaliland ka go’oda somaliya ee mrkasad arki waxa kugu dhaca ilen afkad haysan waydeee wooow viva walee qaran jira iga dheh somaliland………..!!!!!!!!11

  6. digniin seedi says:

    faroole adiga iyo inamadaadu waanu idinka naxaynaaye qorshihii laydinku qaarajin lahaa baa soo geba geboobay aad isu ilaaliya puntland ku faana waxadse ogaataan in ay puntland dad u dhashay oo aan been ahayn aad ka badbaadeen in badan hadase dabada laga riixayo oo majeerteen dhexdiisu idiiin tashatay markaa seedi ama somaliland ku mashquul ama naftaada ilaali raga nairobi ku soo dhisay qorshahana waa ganacsato u dhalatay puntland inantayada cidlada lama doonaynee is ilaali uun.somaliland iyada taqaana hawlaheeda look after your self oday.

  7. keenadiid says:

    waar faroole waa madaxweynaha puntland waana madaxweyne runta sheega ma waxaad kuhaystaan shido wadayaasha uu sheegay waar looma baahan shido wadayaal kuwiina meesha wax kuqorayna waxaan idin leeyahay maamulkaad sheegi jirteen meeyay waa maxday baroorta intaa leegi hadii aydaan waxba iska celinayn miyaa raga ladoontaa

  8. Qardhaawi says:

    Faroole Puntland waa burburshey waxaan lee yahay Adeerow dadka kadaa hadalkaaga xun. Khaatumo adiga waxba kaama rabto nin la yaaban Faroole iyo Hadal xumidiisa.

  9. P land law firm says:

    Kkkkkk kkkkkkkkk anoo ku hadlaya magaca moha harti waxaan raali gelin u dirayaa walaalahayo siciid harti,kkkkkkk leeyahayna karaali ahaada hadalada aan munaasibka ahayn ee hogaamiyaha pland maanta saxaafada kasheegay,guul baan idiin rajaynayaa,wabillahi towfiiq

  10. Bossaso says:

    Waaciye, war ninyow magaca hanooga ciyaarin, reerka aad sidato magacooda, wey taageerayaan Khaatumo, oo qofkii Damiir leh ayaa taageeraya adeerow, adigoo reer Hargeysa ayaad nagula daaqeysaa magac Puntland. Punt24 waxaan lee yahay hanagu fasixina kuwa magacaya Puntland Isticmaalaya ee jambalka u dhigaya dadka walaalaha ah ee Harti amase Daarood. Faroole waa faashil.

  11. Naasir says:

    P/L hadii ay Laascaanood sheeganayso may wax ka qabato intay sheekadii cigaal Shiidaab ee anaa jab lamaagan wado. Adeer P/L na reer Gaalkacayo ayaa difaaca ee nimanka kale waa riyoolay iyo Kaluun lay reer SSC Na reer Buuhoodlaa difaaca ee inta kale waa maxaan cunaa markaa 2daas reer ee mudug iyo Buuhoodle dega ayaa isku darsanaya inta kalana sidaas hadhqoodaalada ha uga sheekeeyee ilayn waa wada daba dhilfee KKKKKKKKKKKKKKK bal kana Xilka loo dhiibtay ee dadkoodana cayaya dadka kalana u caalaacalaya day ee Xabashidana amaanaya KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK bartaada inta laguugu imanayo sii fadhi oo hadal caruureed sidaa u shub ilay nacas kama soo reeryee.

  12. waxaan u arka in madax weynuhu ku saxan yahey fekerkisa wayo nimanka rer sool wa niman walalhey ah ano an xumanto uturjumeyn hadafkoda siya saded waxan leyahay waxa walaya 4 lacag qatayal ah oo magaci iyo mamauski rerka ku ciyaraya marka waxan u arka in ey walalhey iyagu marka hore isa so saxaan oo ey iskaqabtan jajuska hadba mel hadu ula bodeyso tan kalo ah ethopia wa run ethopia somlia oo dhon ayey ku takri fasha waxna uyerisa ma aheyn mudane faroole kaliya cabdulahi yusuf iyada wadey marki danbena mowjadaha siyasada ku kicisey marka wa wax wadixa tasi hada kahtumo iayad aburty oo hadafki ay somaliland ka lehyd ayey ka wydey

  13. Nur says:

    Walaahi waxa uu sheegey in aanan fahmin. Hadalo iska soo horjeeda iyo kuwo iska sacabatumaya !. War hooge dadka xabada lala dhacayo waa reer Puntland dhiig iyo dhalashaba. Waxaad ilaashanaysaa dhaqaale iyo dhaadhac ee ilaahay hanaga kaa hor leexiyo adiga iyo wiilashaada aad u afduubantahay !!!!!!

  14. qabyaaled diid wadani says:

    kkkkkkk war Abu mucaad qardhaawi ninkaan faroole la leeyahy maa isku qarxid inta dhexda qarax ku soo xiratid anigu hadii aan sidaa qof u nebca’hay waan isku qarxin lahaa ama waa iska aamusi lahaa ee intaa wax iskama caayeen sidaada meesha caanbaa ka noqotay another way magaca badalo kkkkkk

  15. Naasir says:

    Waar yaadhehee waxaa layidhi Mullac Caruuri qabatay nina waaba la qosol nina waa ku qudh-gooyo, Waar bal qoodhiin iyo xeradiin ninkaasi wuxuu ku hadalayo maqla.Isaga lama yaabin oo waa uunkii aan ogayee waxaan la yaabay kuwa sacabka u tumaya. Adeer Ragan aad waxaas kula hadalayso waadan aqoonee u kaadi, Gobi waa liicdaayee ma jabtaa la yidhiyee. Iska damaashaad waa aqoontaadee Faroolow.Ragani geri kama baqaan guulina waxay tahay way yaqaanaane adigu sidaa Tolkaa u cay marna Xabashida ugu dhiib doqonyohow dhareerka leh KKKKKKKKKKKKKKKKKKK Waar nimanka mahamed Hartiyoo dee ilmaadeerayaalow naga qabta neefkan ciyay hanagu siidaynine KKKKKKKKKKKKKKK wuxu waa nacasee.

  16. puntlander says:

    Faroole magaca Dawlada Somaliland ayuu leeyahay, goormay somaliland dawlad noqotay mise minyaradiisa ayaa reer hargaysa ah oo wiilal doora oo bada orda ay udhashay nasiib daro weeyan

  17. Ali says:

    Qof fahmay ma idinku jiraa waxa uu qoray ninka la baxay XAYDAR.Anigu waxa aan la yaabbanahay ciyaalkaan xitaa afsoomaaliga aan qori aqoon oo haddana raba in ey ra’yigooda dhiibtaan.Mar haddaaan la akhriyi karayn waxa aad qortaan maadba iska deysaan gabigeedaba.

  18. abu mucaad qardhawi says:

    hoogamanta faroole horseedka burburka puntland,

    intii loo dhibay hogaanka puntland madaxweyn faroole waxa dowlada puntland iyo shacabkeed la degay dhibto xasusu ku reebi doonta shacabka waxa farah ka baxay amankii guud ee puntland,
    wax burbur iyo qaybsanan so wajahaday shacabkiib puntland taas waa mid ka dhalatay cadaladdaro iyo hananxumo mamulka madaxweyn faroole iyo kooxdis,taas waxay sababtay in shacabka puntland laso weeraro, sida buuhodle iyo laascanood shacabka puntland logugaysto dil iyo kufsi joogto ah,
    wax kalo madaxweyn faroole hor istagay masharci badan oo horumar u ah shacabka puntland dhamantii sida airport bosaso iyo dekedda bosaso taaso u ku tilmamay waa horumar hal gobol.
    wax kalo meesha isag baxaya gobolo sida bari oo mamul samaysatay iyo sanag, siyassadda xumada faroole waxay puntland geelisay dagal sokeye sida duulaankii garsoor iyo dagalkii galgala.
    puntland wax u bahantahay badbado shacab iyo midnimo fadlaan hadtahy wadani sii xor u fekerha dhaman dhililahn wax jira, ha difacan faroole ha difacan qabiil puntland difaca

  19. P land law firm says:

    Kkkkkkkk kkkkkkkk too late,ader iska naso siciid harti hada hiil kaagama baahnee,wabilaahi towfiiq

  20. M.adan says:

    Dadka meesha wax kusoo qoray Kan Xaydar la baxay ayaa ugu nacasisan oo ugu liita runtii bal eega Ilaah baa idinku dhaarshee Ladaba wax uu is badhbadh dhigaayo Waa jilibka mid ah majeerteen & Tol dhan xataa ma aha Daarood haddee.

  21. askari reer somaliland ah says:

    kkkkkkkkkkkkkk fareh waad iga qoslisay kkkkkkk odaygan faroole muu yara waashay waa maxay ka baxa. intuu dad walaalo ah isu basbaaseeyo.
    qoladan khaatumo waxaan leeyehey adeer wadankiiniibaad joogtaane nabada ilaashada dawladahana iska celin kari maysaane. inamada geela la jooga ee maalin walba aad dabka galinaysaan ka daaya . khaatumo dawlad ma noqon karto wax macne ku fadhiyana maaha ,waa fidno cali khaliif watay oo uu rabay in dhiig muslim ku qubto.. waar caqli yeesha ubadkiinana ha laynina intaad siyaasad ayna waxba ka aqoon uga sheekaysaan. salaada tukada miyay yidhaahdaan.mida kale markaad dagaalamayso waa inad ku dagaalantaa wax u qalma dhiigaaga. imika inada dhulmahante bilaash iyo baadil bay ku dhimanayaan. waana rag soomaaliyeed cid wax u sheegtana ma haystaan.siiraanyana maqli waaye, faroolana isagaaba soo dira . cali khaliif kaaly maydka ciyaalkaad laysay was dhe.isu soo wada duuboo somaliland waxay ka mid tahay meelaha soomaali u fayaw.dhulba hantana iyagoo wadankoodii jooga walaalohoodna la jooga ayaa nabad loogu taag layahay. sscta uu faroole ku dacwoodo anagu waxan u soo gaabinaa SIILKA SAADO CALI

  22. Asc waa must in shacabka ssc iyo dhaman gobalada sool iyo ceyn ba laga sifeeya mamulka silaanyo silaanyo waa dhiigyacab waana in maxkamad deg deg ah lasaara faroole iyo maamulkisa hada afka un ka hadla waxan leeyahay nabada ad rabtan hadan laydin larabin ka kaaftoma oo shacabka ssc waa shacabki pl hadana waa yihin oo shacabku waa halmid mana kala maarmo lakin ama difaaca oo deeganadooda iyo dulka silaanyo ku soo dulay tilaamo milatari ka bixiya ama iska daaya hadalka oo indhaha ka daawada

  23. waranl says:

    Waar Faroole maxaa ka si ah,Khaatumo State waa rajadii Somalia, waa mida kale madaxda khaatumo iyo shacabka SSC xaguu u kala wadaa

  24. Darwiish says:

    Faroole hanoo hiilin, ee nagadaa hadalka xun iyo cayda aad ceyneyso Hogaankeena. Ragan aad ceyneyso anagaa dooraney ee walaalo Inadeerow noo daa hogaanka, hadii aad tahay nin dhex-dhexaad ah maad ka sheegto wax Raga SNM horjoogayaasha u ah, waa adiga raga SSC afka ku balaarinaya, Faroolow waxa waliba waxaan ku ilaaweynaa Tolka aan wada dhalaney, balse adigu ma ahid nin Tolnimo leh. Dhulbahantow Faroole dartii ha u caroonina oo tolkiin yuusan idin ka hor keenin. Faroole Puntland waa burburisey Harti waa ceebeysay.

  25. farax bosaso says:

    aniga waxaan qabaa somali land halasoo gaba gabeeyo oo ragaas walaaleheen ah ha laga rido ileeyn hilib ayaa inooku yaale isku soo wada duuboo warkayga biya dhiciisu waa kaas

  26. farax bosaso says:

    anigu waxaan qabaa in somaliland ay ka baxdo gebi ahaanba dhulka puntland ka tirsan hadey noqoto sool cayn iyo weliba sanaag qayb ka mid ah sida ceerigaabo hadii aysan taasi dhicin oo aysan ka bixin waxan qabaa sida madaxweynuhuba sheegay in ay kalifayso dagaal sokeeye oo ilaahay hada soomaaliya ka bixiyey in uu dib u bilaabmi doono taasoo ka lifeysa in qawmiyad dhan oo somaliland la yiraahdo la waayo lagu mayracdo galab ileeyn puntland iskama saari waayine waxay xeerineysaa waxyaaba badan oo maangaab oo dhaami uusan fahmi karin hadii kale yaa waylak qad acdara man andar ama si kale hadaan u dhigo nin kuu digey kuma dilin ….

  27. abu mucaad qardhawi says:

    faroole waxa ku haray sacado yar burburka puntland waa ka baxaysa dadka reer puntland faroole dhibta u uga teegayo ma ilawi doonan madxweynah garowe faroole wuxu ku caanbaxay kal qaybinta dadka puntland ee walalah ah iyo in puntland gobol gobol loo qaybsho laakiin alle mahadi way ka baxaysa. faroole nin guuldarayastay shacabka puntland dulaqad u maharin, puntland oo mid ah baa lagu warjeeya hadan waa burbur iyo kal tag

  28. KD says:

    SHARAF WALE FAROOLE WAA HOGAAMIYE JIRA XIFIDULAAHI MADAXWEYNE FADLAN NIMANKAAN GACAN ADAG IYO CASHAR LAMA ILAAWAANA HA LASIIYO WAXAAN WAA DAAMIIR XUMO IN MAALIN WALBA DAD REER MIYI AH OO AAQN WAX AQOON IN MAALIN WALBA BUUHOODLE MAGAC DAWLADEED LAGU SOO DUULO OO LAGU XASUUQO JIIRKAYAGII OUR BLOOD AND FLESH WAXBA HA LA FICIL TAMIN NINAMKAAN KHAATUMO SHEEGANAYA WAAD SHEEGTEY WAXA AY YIHIIN .
    LAAKIIN DADKAAN MASAAKIINTA AH OO MAALIN WALBA LA XASUUQAYO WAA IN CASHAR TAARIIKHIYA LAGA BAXSHAA HADA TAARIIKH BAY KA SHEEKEEYAAN LAAKIIN WAA IN MID KA DARAN OO KA XUN WAXA AY HADA ISKU MAAWEELIYAAN LOO DHIGAA WALIBA BAAQAAS WAXAAN U SOO JEEDINAYAA QOFKASTA OO (D) U ABTIRSADA
    GUUL MADAXWEYNE C/RIXMAAN SHIIKH(FAROOLE) IYO XUKUUMADIISA
    GUUL PUNTLAND AAAAMIIIN AAAAMIIIIN

  29. Xasan says:

    Haye maxaad qaban hadeeynan sameeyn af biiyo

  30. fareh says:

    Waar adeer Faroolow caga dhigo oo budhcad badeennimada ha iska ciidayn, buuhoodle iyo laascaanood waad ogtahay halkay ku taallee, libaaxyada hurda ha isku kicinnin yaanay faraha inta kuu hadhay kaa goyanne.

Leave a Reply