Madaxwayne Faroolle oo dalka dib ugu soo laabtay
July 5, 2012 // Warar SomaaliMadaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Madaxwaynaha iyo wefdigiisa oo ay ka mid ahaayeen wasiirada amaanka,arimaha gudaha iyo waxbrashada ayaa waxaa ay kasoo dhoofeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maalmihii ugu dambeeyey.
Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa Saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada,wuxuuna sheegay in uu safaro shaqo ku tegay dalalka India,Itoobiya,Turkiga,Imaaraatka,Kenya iyo Jabuuti.
Wuxuu sheegay in labo jeer ka qaybgalay Shirar ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya gaar ahaan Saxiixayaasha Road Map-ka oo dhamaadkii Bishii May iyo June ka kala dhacay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi.
Sidoo kale Turkiga ayuu sheegay in uu kaga qaybgalay Shirkii Istanbul oo ahaa kii wejiga labaad ee London ka dhacay loogana hadlayay xaaladda Soomaaliya,wuxuuna sheegay in markii hore la marin habaabiyay qodobada shirka kadibna la xaliyay cabashadii kasoo yeertay Dowladda Puntland oo mar sheegtay in aysan ka qaybgalaynin.
Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in uu la kulmay masuuliyinta dalka India mar uu booqday isla bishii May ayna ka wada hadleen arrimaha la dagaalanka Burcad badeeda iyo xasilinta Soomaaliya,wuxuuna xusay in India ay daneynayso in mashaaric horumarineed ka sameyso degaanada Puntland.
Soo noqoshada Madaxweynaha ayaa imaanaysa xilli Baarlamaanka dood xasaasi ah ku leeyihin xaruntooda iyagoo si weyn u dhaliilay Siyaasadda Dowladda ee dhinaca Dhaqaalaha,Amaanka iyo arrimaha gudaha.
Dr Faroolle ayaa dalka ka maqnaa muddo dhan bil iyo bar, waxaana uu dalka dibadiisa intii uu joogay meelihii uu booqday ka mid ahaa Itoobiya,Kenya,DDS Itoobiya iyo Istmabuul oo uu kaga soo qabgalay shirkii dowladda Turkiga ay u qabato dhinacayada siyaasadda ee Soomaaliya.
Puntland-News24





Dhammaan dadka reer puntland iga hoooya salaan wacan. Maanta waxaan dhegeystey dood parlamaanka reer puntland oo ku saabsan sidii dib loogu soo celin lahaa laascaanood, runtii maanta xubnaha parlamaanka waxay muujiyeen geesinnimo iyo dood daacadnimo ku dhisan.
Wax badan ayaan maqlay waa BEEN MA SHEEGAYAAL balse waxay horay u qaadeen tallaabo geesinnimo leh, waxayna garwaaqsadeen in ay mas-uuliyadi saaran tahay.
@ Suufi,
Waxaad tiri caruurta Cadde Muuse iyo C/lahi Yussuf ma fiicnayn. Warma waxaad ka mid tahay ku nool SHAXAADKA ilma Faroole??
Marka waxaan ku weydiinayaa “fiicnaanta & diric-nimada” ma waxaad u taqaan tuugnimada, musuq’maasuqa iyo kibirka uu muujiyey Mr.Maxamed Faroole??
If this greedy, spoiled kid were “diric” intelligent or gentle guy, he should make a career of his own without wearing President Faroole’s shirt. He should avoid seeking advantage of being son of the President. But obviously, he doesn’t have the capacity of creating his own position without being the President’s!
Waxaad ku tiraahdaa: Maxamed war “NABSTA” hooyo ka bax,ninbaa alle kaa dhigaye, KKKKKK!!
Remember Saddam Hussain’s sons, Qadaaf’s sons, Husni Mubarak’s sons and even siyaad Barre’s sons!!!
maxamud saleebaan dowladii siyaad bare jagooyinka ay soo qabteen
1-cisman mohamuud
a- mohamud geele wasiirka dekedaha
b-yusuf cali cisman wasiirka xanaanada xoolaha
c-weyrax wasiirka maaliyada
d-dhigic dhigic wasiirka ganacsiga
e- osman nuur ali qonof wasiirka gar soorka
1-cumar maxamuud
a-xasan cali mire wasiirka wax barashada
b-cabdi risaaq cali obokor wasiirka wax barashada
c-shuuke wasiirka wax barashada
d-cabdalla ow faarax wasiirka beeraha
1-ciise maxamuud
a- mire awaarw wasiirka ciyaaraha only
war niman yahoow ciise jeeb yare ayaad ka qaylineeysaan ka warama adeer cali kolay ha duu xukunka hayn lahaa salaan iyo kala taga ayeey noqon lhayd
salaan
waxaan oran lahaa maanday buntland waguulaysaday waayo waxaa xukunka uhaya madaxwayne aqoon iyo cadaalad leh marka jaale madaxwayne umada xukundid markasta udulqaado hayday sms kusoqoraan waxaan munaasib ahayn
Kuwa u doodaya Faroole iyo kuwa ka soo horjeeda labaduba waa khaldan yihiin oo caadifad la indha tirey aa ka hadalsiineeso. Dantiina raacda, dantuna waxay ku jirtaa inaad kheyr sheegtaan ama iska aamustaan
Madaxweynaha waanu soo dhoweeneynaa oo xilka uu hayo waa mid magaceena uu ku hayi. Wixii khalad iyo wanaag uu leeyahayna isagey u taal oo adduunkana taariikhda u geleysa aakhirona ilaah ku xisaabinayaa. Idinku haaddii eydnaadan xil u heyn Puntland,waxaa dantiinu tahay inaad caadil ka noqotaan waxyaabaha dhacaya
Aniga waxan la yabanahay safarkan aan macnaha la hayn iska socdawadanka amankisu ma wanagsana noloshi wa qaali dhaqalihi sidi hore wu ka xunyahay dollar ki wu dhacay macayshadi wa kacday, wax la xisabtamayaa jiran ganacsatadan dadka walaysa,tax wa high musan ma jiro wa khald wayn mida kale amanka wadanka faraha ayu ka si naxaya puntlandahan garoe oo kaliya gaalkacyo dad badan oo magac laha aya la iska laayay waxba lagama qaban xita baritan lama samayn waxa ka danbeeya iyo sababta keentay in la raadsado umad magaca leh oo hadana ubadan hal beel, nasiib wanag wa dad amankooda.ilashan kara reer mudug balse dadwlad haday jirto wa in cadaladnimo jirto oo wadanku isku mid ahaado amankama la sugu, danaha guud lawada eego wadankana horu markisa iyo amankisa laga shaqeeyo xilna la iska saaro garoe yaysan ku soo ururin puntland!!!!
waxaan aad ula yaabaa kuwa indho la aanta firdhiye ku taageera waxay ku leeyiihiin fadlan baa lajoojiyay marka lacagtii maxaa lagu qabtay ma airport ayuu ku dhisay ma waduu ku dhisay ma hospital buu ku dhisay kama jawaabi karaan waxay kuleeyihiin firdhiye ayaa haya maanta waxaan joognaa heer feysal cali waraabe noo hanjabayo ma ceeb ka weeyn ayaa jirta
Sure pres.Foole Sr is welcome home, but not his spoiled son Maxamed Faroole.
BTw,who tried to feyk my name “gacaliye”
if not Maxamed
SOO DHAWOOW MADAXWEYNE. Hawl fiican baad dalka iyo dadka u qabatay. USC iyo SNM iyo Khaatumo halkaas bay cabbaad iyo habaar la fadhiyaan
Meelaha ka caytama dheh, waa iska caadi. Laakiin Puntland tagtay. Mar dhow ayaa la furayaa ceelasha saliida Insha Alaah. iska soo nqda jaalayaal
sagal
soonoqotaye maxaa umada uwadaa?
mase dalxiis un bad kumanayd.odayaashii kusoodootey na ayaantan wey kugu kacsanyihiin.waa inaad karbaash kooodi utuurtaa.kkkkkkk
garowe kama soojeedo faroole iyo islaan maxad toona ee beenta iska daa qabyaalad baa ku dishayhiilna waa kii halkaas somali dhigay waana fashilan yihiin faroole iyo guruubkiisuba
GACALYE WAXAAN U SHEEGI LAHAA ALLAHA U NAXARIISTEE ABDULAHI YUSUF IYO CADE CARUUR FIICAN MA DHALIN HANDICAP AYAY DHELEEN MARKA SIDAAS ULA SOCO
SOO DHAWOOOOOOOW MUDANE MADAXWEYNE ADIGOO SHARAF IYO IXTIRAAMBA MUDAN.
WAXAAN LEEYAHAY WASAKHDA UU XAYDAR XAARRE KA MID YAHAY YAA HADALKIINNA AFKA JAAHILKA KASOO BAXAY WAX KU FALAHAYA CAWAANYAHAY XAASADKA IYO HAGARDAAMADU KA BUUXDU, YUR IYO YAL BAA LA IDIN YIRI MOORYAAN AAN KHAYR LAHAYN BAA TIHIIN KA JEEDIYA AFKIINNA HUURADA LEH MADAXWEYNAHEENNA SHARAFTA LEH XAADUHULLAAH.
Wax faa’iido ah ma kordhinayso imaanshihiisa, waayo Faroole waa laga raystay intii uu ka maqnaa Puntland, waxaan hubaa dhibaato ayuu kusoo kordhin doono waayo wali waxaa taagan khilaafkii uu ka dhex abuuray isimada qadiimka ahaa iyo kuwo uu asagu samaystay. Waxaan la soconaa in markii uu tagay Jigjigga uu dacwo ka qoray isimo dhowr ah oo u badan reer Bari iyo reer Mudug isla markaasna uu rabo in loo xiro haddii ay soo galaan Kilal 5 amase Itoobiya.
Runtu rag kama nixiso maanta Puntland waxay ku socotaa wado khatar ah ee haddii aad ka naxaysaan badbaadiya. Hadaan nahay dadka degan Kilal 5 diyaar ayaan idinla nahay inaan wax idinla qabano in kastoo aad nagu samayseen xadgudub ka dib markii maamulka Faroole uu si xaq darro ah Itoobiya ugu gacangaliyey xubno ka tirsan ONLF oo joogay Puntland iyo dad aan waxba galabsan oo kasoo jeeda Kilal 5.
Ilaahay ha badbaadiyo Puntland waayo waxaan nahay dad wada dhashay.
ninka magaca sharafta badan ee Garowe watow garowe waa magaala lagu yaqaan ixtiraam iyo maamuus aad u tira badan ee kama yimaadaan noocaas oo kale waa hooyada puntland isku xirta hooyadana u ah, waa meeshii isu keentay dadka puntland ku abtirsada 1998 kii waa meesha ay ka yimaadeyn dadkii hormuudka u aha dhismihii puntland waayo waxaa ka soo jeeda islaan moahamed islaan muuse AHU, Hassan Abshir Farah iyo madaxweynaha hada talada puntland haya waa wax taakhii ah taasi. marka magaca aad rabtid soo qaado garowe waa magaaladaa aan kuu sheegay caydu waxba kuuma tareysee sakiimo laqlaq
M/weyne (afbaqash),
caruurta Cadde Muuse iyo kuwa C/lahi Yuusuf midna iyagoo shaar m/weyne gashan dad weynaha nafta uma keeni jirin mana layin jirin, marka caruurtaada edebta daran (sida Maxamed Faroole) xakamee, hadii kale ceeb iyo qaxooti’nimo baa idiin dambeyn doonta mar 2aad, waa iga talo!!!!!
Madaxweyne soo dhawow.
Macaan jeceshii aad fadlan ka joojisay oo busaaradsaday caydoodu waxba kaama dhimayso!!!
Nacas iyo nin liita waa lagu yaqaan cayda iyo aflagaadada.
Waxaad tahay nin waxqabad, haddiiba wax khaldan yihiin waa la saxayaa!!!
Wax kaa yaabiya markaad aragto waad sii yaabin,mid waxuu u yaqaan firdhiye,sidoo kale mid buu u yahay kulmiye,war waxaani waa qabiilnimo ee,intaad eebe ka baqdaan,wixii xun ha qarsanina,hadaad u daneeyneeysaan umadda reer Puntland ku abtirsata,Faroole waa firdhiye ,waxaana taas qirey baarlamaankii xaaraanta ku dhisnaa oo sheegey,markeey mushaharadii ka waayeen,waa wax aan umadda u naxayn ee dantooda meesha ku ilaashanaya,bal eeg qoraalada isdaba jooga ah oo ay soo saareen,dhinaca siyaasadda.abniga,dhaqaalaha,bulshadda,waxay qireen kulli ineey zero ka hooseeyaan
war ma firdhiyaa yimi kkkkkkkkkkkk wejigaa gubay taariikh madow ka tegi doona
jaale madaxweyne soo dhawow welcame home for capital city garowe