Madaxwayne kuxigeenka Puntland:Barakacayaasha nabadda hanagala shaqeeyaan

August 16, 2012   //   Warar Somaali

Madaxwayne kuxigeenka dowladda Puntland Gen C/samad Cali Shire ayaa ka codsaday dadka usoo barakacay Puntland ee jooga magaalada Garoowe inay dowladda kala shaqeeyaan arimaha amaanka.

Hadalkan waxaa uu ka sheegay Gen.Cabdi Samad munaasbad afur loogu sameeyay boqolaal ka mid ah barakacayaasha magaalada Garowe oo xalay kadhacday magaalada Garowe, dhinaca kallena ay daba socotay munaasbadda sagootin loo samaynayay madaxii hay’adda UNDP ee Puntland Mr Nick Smith oo shaqadii Puntland uu u joogay uu ka dhamaaday.

“Waxaan idiin kula dardaarmayaa  anaku idiinkama lihi dhulku , Soomaali dhul makala leh waa isku mid  waa la idiinku soo dhoweeyay waad ku dhalateen, waad ku dhisanteen waad ku dhaqanteen, waxaa loo baahanyahay hadii aad faa’uiidadiisa hesheena nabadiisana inaad ka qaybqaadataan”ayuu yiri Gen C/samad Cali Shire madaxwayne kuigxeenka Puntland.

Hadalka madaxwayne kuxigeenka waxaa uu imaanayaa iyadoo magaalada Garowe dhowaan laga sameeyay guddi amaanka Garowe ka shaqayn doono uu madax u yahay wasiiru dowlaha maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, gudigaasi ayaa ka shaqeeynaya sidii dowladda iyo barakacayaasha Garowe ay u dhexmari lahayd wada shaqayn dhinaca amaanka ah.

Magaalada Garoowe waxaa bishan gudihiisa ka dhacay falal amaan darro oo ugu dambeeyay dilkii loo gaystay marxuum C/salaan Sheekh Maxamuud Shaybe oo ka mid ahaa wakiilada Puntland.

Puntland-News24

Garowe.

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply