Madaxweynaha Cusub ee Somalia oo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada
September 18, 2012 // Warar SomaaliMadaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh ayaa agaasimaha madaxtooyada u magacaabay nin aqoon yahan oo lagu magacaabo Kamal Daahir Gutaale.
Laba maalin kadib markii uu xafiiska la wareegay Xasan Sheekh ayuu la kulmay qaybo ka tirsan shaqaalaha Villa Somalia isagoo u balan qaaday in aan la ceyrin doonin, laakiin shaqada loo kala bedelayo, wajiyo cusubna lagu soo kordhinayo.
Agaasimaha cusub Kamal Daahir Gutaale ayaa horay uga tirsanaa Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaare Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas, isla markaana qeyb ka ahaa Ololihii doorashada ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tartanka ugu guuleystay.
Warar ayaa sheegaya in Kamal Daahir Guutaale uu ka shaqo bilaabayo xafiiska madaxweynaha, kadib markii la xaqiijiyey in Dr. Gaas ay u badan tahay in uusan mar kale kusoo bixi doonin xulashada loogu jiro qofkii isaga bedeli lahaa.
Masuul ka tirsan xafiiska madaxweynaha ayaa PN24 u sheegay in dhanka kale wali ay socoto xulista qofkii loo xulan lahaa jagada Ra’isulwasaaraha, iyadoo buu yiri wadatashiyo ku aadan arrimahan ay wali socdaan.
Puntland News-24



Since 1991, Villa Somalia was the home of an organised crime criminals. When that will come to an end and Villa Somalia return to its own people?
W.Kh.
Since 19901, Villa Somalia was the home of an organised crime criminals. When that will come to an end and Villa Somalia return to its own people?
W.Kh.