Madaxweynaha cusub oo cambaareeyey weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday [dhegeyso]
September 13, 2012 // Warar SomaaliMadaxweyweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka hadlay qaraxyadii ay maanta fashiliyeen Ciidammada Ammaanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kadib kulan uu Madaxweynuhu la qaatay Madaxweynihii DKMga Shariif Sheekh Axmed.
Dhagayso Codka Madaxwaynaha Soomaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn shacbiga Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Ciidammadii maanta ayaga oo gudanaya waajibaadkooda goobtaasi ku nafwaayey ayadoo sidoo kalena uu Madaxweynaha u tacsiyadeeyey Midowga Afrika oo askari ka tirsan uu goobta kaga geeriyooday.
“ugu horeyn waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan uga tacsiyadeeyo wiilashii ayagoo waajibaadkooda Ciidannimo gudaha ku nafwaayey falkii fuleynimo ee ay soo qaadeen kooxaha argigixisada wiilashaasi oo shuhado ah”ayuu hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne Prof Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud oo Warbaahinta Qaranka kula hadlayey Madaxtooyada Qaranka ayaa shacbiga Soomaaliyeed u diray fariintan “shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay meel walba oo ay joogaan waxaas maanta dhacay iyo wax walba oo ay soo maleegaan anaga marnaba naga leexin maayaan wadadii aan ku taagneyn, dowladdana marnaba maka leexaneyso ballantii ay qaaday iyo dhaartii aan u dhaaranay shacabka Soomaaliyeed”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyey inuu shacbiga Soomaaliyeed u xaqiijinayo falkii fuleynimo ee maanta dhacay ineysan waxba ka bedeleyn isbedelka wanaagga, dowladnimada iyo hormarka dowladnimo in horey loosii dhaqaajiyo ma ahanee.
“waxaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in wixii maanta dhacay iyo wax la mid ah aysan marnaba hor istaagi doonin hormarka,wanaagga iyo iftiinka dowladnimo ee inoo biloowday insha Allah horey ayaan usii socon doonnaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Prof Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dambeyntii waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed iney kalsooni weyn ku qabanaan dowladooda iyo Ciidammadooda geesiyaasha ah ee maanta fashiliyey weerarkii lasoo maleegay islamarkaana ay mar walba u taaganyihiin iney fashiliyaan weerar walba oo uu cadowgu soo maleego.




Al shaydaan aka al shabaab must be eleminated before they and their bosses in Tora Bora and Riyaadh eleminate us all somalis!
Allaga u naxariisto raagas wadankoda difaacaya geriyooday naxaristi jano ilaah ha siiyo ehelkodana samir allaha ka siiyo aamiin, al_shaydan wa lagu yaqan in ay dad ka dul dhacan fulaynimo awgeed masaakin ah ilayn wa habro la soo kiraystay cidna dagal ulama tagi karan, runta markay gaarto dhabarka ayay jeediyaan,insha allah inta yar e hartay cagta la marin somalia u joojinmayso habraha tafaha xun ee caruuraha dubta, al_shaydan aduunkana ciqaab aakhirana cadaab insha allah
@ qadar laba shariif malaha wali wa riyoonayan, mise coma ayay ku jiran something is wrong!!!
madaxwaynaha kadaawada dood wanaagcabdi/wali maxamed gaas,su aasha uu madaxwaynaha uu waydiyay cabdi/wali mudo sanad ku dhawaad ka soo waregtay.
waxaan rabaa inaan ogaado sababta ay labada shariif ay wali u dagan yihiin aqalka madax waynaha?maxaa kalifay inuu uu hotel dago kuwana ay aqalka madaxtoyada ay ugu caweeyaan,shariifka ha xishoodo ha ka baxo guriga soomaalida,hana ka xishoodo inuu la sugo ilaa iyo axada siduu uga bixilahaa guriga madaxtoyada,xukun jaceel kisa waxaan kabaqay inuu ooyo dooreashadii,koley waa oyey markuu villa soma tagey doorashdii ka dib.war uga bax madaxwaynaha aqalka si uu wax qabadkisa u bilaabo.