Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada London ee dalka Britain [sawiro]
February 21, 2012 // Warar SomaaliMadaxweynaha dowlada Puntland Dr. Abdirahman Maxamed Faroole ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London Talaado 21-02-2012, waxaana safarkiisa uu kusoo gaaray dalka Britain ku wehelinayey wasiirada arrimaha gudaha, iskaashiga caalamiga ah, tacliinta, batroolka, iyo warfaafinta.

Waxaa kaloo wafidiga madaxweyne Faroole la socday ka mid ahaa gudoomiyaha golaha doorashooyinka Puntland Dr. Maxamed Xasan Barre, waxaana si weyn wafdiga loogu soo dhoweeyey magaalada London, iyadoo boqolaal taageerayaasha Puntland ah ay kaga hortageen madaxweynaha halkii uu kasoo dagayey.

Caleemo qoyan iyo ubax ayaa qoorta loo geliyey madaxweynaha markii uu kasoo degay garoonka, waxaana uu si weyn uga mahad celiyey jaaliyada dalka Britain ee sida weyn u soo dhoweeyey.

Ujeedada safarka madaxweynaha uu Britain kusoo gaaray ayaa la xiriirta inuu hogaamiyo wafdiga Puntland ee ka qayb qaadanaya shirka maalinimada khamiista nagu soo fool leh London ka furmi doona, iyadoo shirkan ay sidoo kale kasoo qayb gali doonaan wufuud ka kala socota TFG iyo maamulada Somaliland, Galmdug iyo ururka Ahalusunna waljameeca.
Waa safarkii 3aad ee madaxweynaha Puntland kusoo gaaro Britain teer iyo intii uu talada la wareegay sanadkii 2009-kii, wuxuuna sida caadada ah madaxweynuhu la kulmi doonaa inta uu jooga London, jaaliyada reer Puntland ee ku dhaqan dalkan ingiriiska.
M. Mursal Shiino
London, Britain
shiinoyare@gmail.com



mashaa laah guul madax weynaha sandka mudane faroole guul ayaan ku rajeyneyna mudane madaxweyen
manshaalaah guul iyo gobanimo madaxda sharaftaleh rer PUNTLAND wanagii laydika bartay ee laydinku taqin halkaa kasii wada inaha xuna alaha idinka qabto aloow an laydin cunin,sida kuwa cadowga duliga oo magacyo anaylahayn soo qadanaya ee buka
Walle qof internet-ka ka caytamay in uusan ahayn qof caqli wanaagsan leh. Qoraalka lagu ceytamo waa denbi miisaanka loo saarayo qofkeeda. Kii uu caayayna waxba uma dhimin. Bal halaga diktoonaado denbiyadaas yaryarka ah ee qofkiisa uusan ka faa’iideyn wax aanan ahayn dhib ka raacda. Faroole, kii jecelna qoraal uu halkaan ku soo qorey, darajo ugu kordhinmaayo. Kii mucaarad ku ahna, cey uu halkaan ku soo qoro wax ugu dhimi maayo. Bal caqliga soo celiya oo ama kheyr ku hadla ama iska aamusa
Taariikhdaa xuseysa Dr Faroole illaahey cimrigiisa iyo caafimaadkiisa ha dheereeyee. Pl waxay nasiib ku leedahay waqti kastaa ninkii loo baahnaa baa kusoo aada wacyi uu asagoo qura ka saari karo. C/lahi was the right man for the right job. Cadde was the right man for the right job. So is Dr Faroole. May allah continue plessing pl with the right man every time like before. Aamiiiin.
WAR NIMAN YAHOW WAXAAN LAYAABAA DADKA INTEY SHAAR AANAN LAHAYN SOO GASHTA OO WALIBA KU BEEN FARTA ISAGOO KA DUULAYO NOOC ISKU DIR NIMO AH . NINKA LABAXAY ((QARDHAAWI)) WALAALOW MUNAAFAQADA AAD ADEEG SANEYSO WAA MID LAGA SOO DAALAY OO HORTAA DAD WAXBA KU DHEEFI WAAYAY IN AY FARAHA KAGA GUBTAAN MAAHEE ..
NIN YAHOW MUNAAFAQ WEYNAADAY BAAD TAHAY OO DOONAYA IN AAD KALA GEYSO UMAD WALAALO AH OO WACA CIISHAYA EE AFKAAGA HORTA ADIGAA ALLE KUSIIYAY LAAKIIN OGOW IN ALLE KUGULA XISAAB TAMAYO MUNAAFAQNA IYO DIR DIRAALE NAARTA MEEL GOONI AH AYUULEEYAHAY EE HADII AADAN JOOJIN OGOW ALLE AYAA KUGULA XISAABTAMI HADII AAD ISLEEDAHAY WAAD KU BAD BAADEYSAA EE ALLE UTOOBAD KEENOO JOOJI ISKU DIRNIMADA.
asc,
salan ka gadal waxan jecalaan lahaa dadka so qorayaa commits xooga waxad dhowrtaan sharftaa iyo qiima dhaqaanka diintaa iyo kalo damaantaa. hadii alle waxan idinka xiri doona wixi xumaan so qoraa inaad so gudbisaan qoraalkiina hadii alle idmo.
intaa ka gadal somaliya wax ka dhalan doona jamuuriyadii 3 hadii alle idmo qofkii jecel iyo kii neecab ah insh allaha we have to go back somaliya dhamaanteen,
SOO DHAWAADA SOO DHOWAADA MADAXDEENA SHARTA MUDANA WELLCOME WITH OPEN HANDS AND OPEN HEART GUUL GUUL SHIRKA IYO MADAXDEENA IYO SOMAALIYA BALANTTENU HADAL YAR IYO HOWL BADAN NINKII NINKII QEYLIYA YEELKII XUKUUMADA PUNTLAND HORSEEDE FAROOLE, CEYNAANKA WALIGAA HEY HALKAAN TIX YAR IGA HOO
MACNAHOODA GARANEYE MADAXWEYNAHOOW MA QEBSAMO DADKEENU.
SOOMALI MAGACEED MIDNIMADA ADKEEYOO .
MINTID OO HA SIIDEYN
GGUUUL GUULL NAFTII HURE HALYEEY FAROOLE
MADAXDA PUNTLAND WWWOOOOOWWWW
FUTURE IS SHARP AND BRIGHT
GUUL GUUL PUNTLAND IYO MADAXDEEDA MEESHAAN DAD BAA MAGACYO KALE SOO QAATA OO WAX AAN FIICNEYN QORAYA PLEASE IGNORE THEM YAAN LOO JAWAABIN XAFIDULAAHI
Kuwaan waa Guulwadayaal Ragii aan aqiiney London iigama muuqdaan waa Ummad cusub, tolow ma Diyaarada ayay la socdeen. Dadka waxaan lee yahay Faroole ma istaahilo in lasoo dhoweeyo waayo wuu idin cayn doonaa sidiisi.
To:Abu mucaad qardhaawi:Adigu cayrna ma hayside waa tuugsataa,oo waxaad quuri la’dahay haybadda Ilaahay siiyay Dr Faroole iyo dadkiisa,oo waxaad ka liidataa xayawaanka ,oo iyagu ammaana haybadda iyo qiimaha reer puntland,waana iyaga shimbiruhu ay ku dhawaaqaan,kuna heesaan,MA BOOSAASAAD KA TIMID,MA BANDARBAYLAAD KA TIMID!!!!!!!!waana arrin RABAANI ah oo ah haybad Ilaahay u sameeyay iyo taariikh fog oo ay leeyihiin dadka reer puntland.
Faroole iyo dadkiis:Sharaf iyo ammaan bay mudan yihiin.
Dunidoo dhan baa maragga u furee.
Inaanyahoow warkaa ha ku deeqo ee.
Madax khayrqabtoo qiimo badan ayaa,
Eebbe siiyayee.
Waa hooy lagu nastoo lagu qaboobaaye.
Hadalxumi dhamaanteed dunidaas la aad.
fulxuma dadkin waa dad qaxooti ah oo gaajo hayso miya mise waa shaqo la,aan waxay sas u yeelyan bay waxbartan in ay faroole dabo ordayn caajiiib waa dad micino daro hayso
Qabyaalad diid wadani Run ayaad sheegtay, waa wax laysku raacay oo ay markhaati kawada yihiin dadka kale ee soomaalida ah bal iskaba daaye reer PUNTLAND.
Afar gubatay oo balaayo ku dhacday oo laga la,yahay war ilaahay ku shukriya ayaa intaa fidno ummadda la dhexwareega oo sheegta mucaarad khayr u keeni lahaa ummadda PUNTLAND, oo hadda ogow hadda kahaor ayay wax soo qaban waayeen dadkaasi!!!!
HA NOOLAATO PUNTLAND!!!
wale reer puntland waa ogyihiin inta faroole wadanka u qabtay madaxweyne kale oo u qabtay in uusan soo marin, waa sababta ay ugu faraxsan yihiin ina ay soo dhaweeyan