Madaxweynaha J. F. Somalia oo Booqanya Baydhaba iyo Beledweyne

October 1, 2012   //   Warar Somaali

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay.

Diyaarad ay la socdeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud iyo wafdigiisa ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabao.

Ammaanka magaalada Baydhabo iyo daafaheeda ayaa si aad ah loo xaqiijiyay, waxaana la sheegay in ciidamada ay il gooni ah ku hayaan dadka shacabka ah ee dhaq dhaqaaqa ka sameynaya gudaha Magaaladaasi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ka qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, waxaana la gaarsiiyay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo halkaasi oo uu ku qaatay kullamo looga hadlayay ammanka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulamo la yeelanaya maamulka gobolka Baay iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee halkaas ku sugan.

Saabir Colaad oo ka tirsan Xafiiska guddoomiyaha maamulka Baydhabo ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh si wanaagsan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha inay la socdeen xildhibaano kasoo jeeda Gobalka Baay iyo sidoo kale xildhibaano kale isaga oo kormeeray dhowr xarumood.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu kormeeray xarumo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.

Safarka madaxweynaha ayaa isla maanta booqanaya Beledweyne si uu ugu kuurgalo xaalada fatahaada ee halkaasi ka taagan.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply