Madaxweynaha J.F.Soomaaliya ”Shuruucda dhismaha maamul goboleedyada waxaa dejin doona Baarlamanka
December 10, 2012 // Warar SomaaliMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shuruudaha sameynta maamul goboleedyada uu dejin doono Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo dhanka kalena uu Madaxweynuhu ka digay khilaafaad hor leh oo ay abuuraan maamul goboleedyada faraha badan ee gudaha dalka looga dhawaaqayo.
Halkan Riix Codka Madaxweynaha
Madaxweynaha oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in nidaamka Federaaliga ah ay dadka qaar u weeciyeen si an sax aheyn, wuxuuna intaa ku daray in shuruucda nidaamka Federaalka uu sameyndoono Baarlamanka ciddii soo buuxusana ay noqondoonto fedraal ama maamulgoboleed.
Isagoo hadalkiisa sii wata madaxweynuhu ayuu intaa ku daray in dowladu ay ka warqabidoonto maamulgoboleedyada iyo nidaamyada ay ku sameysmayaan, wuxuuna dhanka kale xusay in maamul goboleedyada isku xirma ay tahay in ay sameystaan dastuur la jaanqaadaya kan dowlada.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomalaiyeed uga digay khilaafaad hor leh oo ka dhasha maamulgoboleedyada farahabadan, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladu ku dadaali doonto nidaaminta maamulgoboleedyada.




ß
s/land ayaa xuduudo idiin sameyne plz
in yar sug
Wan so dhawenenaaa goankas gobolada wa in min 3 laiskugu daraa dida galgaduud mudug hiiraaan. Sasokale wa in bay bakool gedo laisku dara iyo. Shabelada hoose shabelada dhexe iyo banaadir min 3 gobol 2 juba sasokale marka wixi intas dida deen dalka dastuur ayu leyahay kasa kagu socon kii dida deee. Ya war kamaqli hadanunahay jaliyada rer. Galgaduud wanoso dhawenenaaa goanbkaas barlamankuna anaka doranay wana kukalsonahay. Adinkuna kukalsonada
war dalka horta halahoreeyo, nabad iyo saamaxsiin umada dhexdeeda hala bilaawo, somaali 22sano ayeey kala maqantahay, nidaamka iyo xeerarku way iska iman doonan step by step, ee umada yaan lafirxin ee somaali jaceyl iyo cadalad dawladu ha muujiso
Wa sax madaxweynuhu fikirkisa ayu kadhibtay dadkuna mafahansana wax dowlad goboleed ay taahy marka runta laga eego
Maxa ku jaban barlamanka hadi lahor geeyo cidkasta aya u siman ma quf ba doonaya wax usan lahayn?
Dowlad goboledyada qarkood aya wada waxi la oran jiray kaga kula lihi keygana aniga leh!
Taasi waxa dhanta wan gosanaya
Gosashada hadi dadka diganku rali kayinhin o afti loo qaada cidkasta wa go’I karta lkn siyaasi ama dad danahooda garka ah wata lama dhageysanayo Xasausnada gobolkasta ama belkasta dad ba kajooga barlamanka marka miyada kalsoni ku qabin xildhabanada kaga jira?
Teda kale mamul goboleed aya lagu leyhay waxa lasubsanaya wazir arimahadibada intad ku aragtay?
Imise dal aya ku dhaqanta federal mana laha wazir Gashandhig/dibad ciidan milatari ugaar ah! Sida dated so lama oran karo dadku FDRL ma fahasana
Waxaan la yaabanahay waxa ku qafiifiyay maamul usameynta iyo sharuuc dooda dowladiisa waxay sharci ahaan ku saleysantahay miyuu ilw san yahay mise wuu is indha tirayaa oo ninakan wuxuu wadaa isaga iyo dadka la firkirka ah sheekadii muqdisho baa la idinka talinayaa taana waa tii somali isku dishaye yaa wax usheega ..
howlo ka mihiimsan baa horyaala oo uusanba ujeedin ninku maxaa kasiya .
waxaan maqlijiray waanu soconweynaye aanu oradno buu wadaa ninkan ee waxaan oran lahaa iska daa riyadoo umada horta kasameyso sumcad laguugu sooraaco haku waalan maamul usameyne. wax la taliyuu la yahay ama qolaa durbaan beena utumeysa.