Madaxweynaha oo aad u dhaleeceeyay qaraxii foosha xumaa ee maanta dhacay

March 18, 2013   //   Warar Somaali

WARSAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamuud ayaa si xoogan u dhaleeceyay qaraxii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Waxaan tacsi u dirayaa  dhamaan eheladda iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen shacabkii maanta ku shahiiday qaraxii dhacay” saa waxaa yiri Madaxweynaha.

Waxaan qiyaasi karnaa in ay  qaraxan ka danbeeyaan Kooxda Al-Shabaab oo looga guuleysanayo  dagaalkii dhanka militariga ahaa. Sidaas daraadeed waxey waqtigooda siiyeen in ay shacabka masaakiinta ah argagax geliyaan ayna si arxan darro ah u laayaan. Waa in aan si wada-jir ah ugu hor-jeesano cadawga”

“Waan guuleysanay waana sii guuleysan doonaa, cadawgan aduunka hoy kuma laho, sidaas darteedna waa in aan u diidnaa in Soomaaliyo uu hoy ku yeesho.”

“Mar kale Waxaan rabaa in aan u tacsiyeeyo shacabkii ku geeriyoday qaraxaas foosha xun ee  ku yimid muwadiniinta Soomaaliyeed.”

Xafiiska Warfaafinta ee Madaxwaynaha Soomaaliya

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Ismail says:

    The president and his cronies must tucke the insecurity that is becoming chronic rather than condemning people who are just exercising their constitutional right of creating federal state.we all need peace but if we all do’nt work together no matter our differences then war against al-shabab will be far from over.ismail,s.africa.

  2. Dictator (Diktator) Dawo Mleh says:

    Muhanad. CUQDAD aa kaa buuxda miskiin yahay. Darood isma yaqaan waxaa uu degaa Somalia. Ethiopia . Kenya. Marka ayaan 3 Dal lagaa soo weerarin ee edeb yeelo. Hawiye Xamar uu degaa. Izak Hargeysa wuu degaa. That’ s all. It seems u indeed need education specialy geography

  3. Jubba says:

    Markuu hubkii VILLA SOMALIA yaalay uu ka gaday ALSHABAAB muxuu filayay? XASSAN_xoolo iyo ALSHABAAB waa heshiis. Hubka alshabaab haysatana waxaa sii qaada XAAD oo ugaaya qolyahan afka duuban. Maalin kasta HUBKA action group ku weeraro KISMAAYO iyo GAALKACAYO waxaa laga keenaa MUQDISHO.

Leave a Reply