Madaxweyne Hasan oo ka codsaday Maraykanka dib u furashada safaaraddii uu ku lahaa Muqdisho

January 16, 2013   //   Warar Somaali

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday dowladda Maraykanka inay dib uga furato magaalada Muqdisho safaaraddii ay halkaas ku laheyd.

Isagoo ka hadlayay kulan uu la qaadanayay mudanayaal ka tirsan aqalka hoose ee Kongareeska Maraykanka, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday dowladda Maraykanka inay dib uga howlgasho magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha wuxuu sheegay inuu wanaagsan yahay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo waddamada deriska la ah.

Xasan Sheekh wuxuu booqasho rasmi ah ku joogaa dalka Maraykanka, waxaana lagu wadaa inuu berri oo Khamiis ah la kulmo Xog-hayaha arrimaha dibadda Hillary Clinton.

Waxaa safarkiisa ku wehliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah wasiirka arrimaha dibadda iyo Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi oo ah wasiirka warfaafinta.

Muddada uu ku sugan yahay dalka Maraykanka, Xasan ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Maraykanka.

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. King of Net says:

    Gacalka ninka la dhaho, War Somali waa is taqaan ,, Xamar dadka ku soo duulay oo dhacay Xoolihii iyo Guryihii iyo Beerihii dadka oo xaraanta ku haysta waa la yaqaan, Tusaale ahaan Hotell Degel oo uu lahaa Canbe Canbe Waa la bililiqeystay, iyo Hantidii dadka aan ahayn Hawiyaha, Diintee ayaad heysataan ,, ma Diin Islaam mise Diin kale, Ileen diinta Islaamka waxay leedahay Waa Ka xaraan Xoolaha Islaamka. Marka Looma sina Bililiqada, Tusaale kale : Xaafada Kaasa Bal Balaare ama (Xaafada Hodan) Waxaa degenaa Reer Waqooyi , haddana Guryahoodii waa la bililiqeystay cid ka hadashay ma jirto.
    Waar Xamar wax ay la ololeysaa waa Xaraanta, Ciidan Kasta oo Afrika ka socda wa la keenay , haddana waa sii ololeysaa , Hawiye Ilaah u towbad keena, Waa Xoolaha Dadka iska soo celiya, inta uusan Ilaah Qiyamaha idin Xisaabin

  2. Somali Pure Man says:

    SAFAARAD BEEL DHEH. Adiga madaxweynaha sheeganaya ayaa Tanki Ugandhees ku jira, markaas aa dhehee Safarad ha la furo. Waar Maad ka hadashid Weerarkii Foosha Xumaa ay Ciidamada Amisom ee Dalka Qabsaday ay ku laayeen Caruurta iyo haweenka Somaliyeed

  3. Gacalka says:

    Asc dhamaan aqristiyaasha kadib waxaan leeyahay somali dulmi iyo danbi cid ka maran o nadiif ka ah ma jirto guri hala haysto beer dad la xasuuqay walina dulmiga si socdo wa mid loo wada dhan yahay o cid ka beri ah ma jirtee yaanan qabil hebel iyo qabyalad dhagta ka heynin somaliyey is cafiya keena qaldana an saxno kena saxana aan bogaadino sidaas aya aduun iyo aakhiro liibaan iyo guul ku gaari karnaaaye wcs

  4. heelo laasqoray says:

    sxbkaay syl waan ku raacsanahay dawladnimo raadis baanu nahay somalinimo raadis baanu nahay iyo guryihii iyo beerihii umadda soomaaliyeed xoog baanu ku sii fadhiyeeynaa hawiyoow labadaas bal isu kaay waafajiya? marna soomaaliyeey toosooy baad ii qaadaysaan hadii dadka guryahooda ka baxa laidiin yiraahdona waa diidaaysaan adeerayaal waan fahmi la ahay markaa bal iiga soo jawaaba tan ka daran madaxweynaha waa taageersanahy baay ku leeyihiin federalna ma doonaayno adeer reer puntland waa tashadeen ee dantiina walaalayaal garta cid idinka futa xumi ma jirto hadaad guryaha xamar diidaan dee awalba daarood caydh ma ahaayn ilaahaay baa dhul siiyey oo xamar umaba baahna !!!

  5. Qofka labaxay yufn Aan kuu bidhaamiyee puntaland waa hoygii bilowga higaada (aqoonta )bulshaweynta ku hadasha afka somaaliga .

  6. yufn says:

    beesha bari iyadaa somali iska saartey

  7. SYL says:

    Nabadda Soomaaliya waxay ku xirantahay in Hawiye hubka dhigo oo shaararka diimaha iyo kuwa colaadaha iska bixiyo ilaahayna u toobad keeno, kuna dhaqaaqo sidii wadanka dib u dhis looga bilaabi lahaa oo adduunka loola tar tami lahaan.

  8. King says:

    SAFAARAD BEEL DHEH. Adiga madaxweynaha sheeganaya ayaa Tanki Ugandhees ku jira, markaas aa dhehee Safarad ha la furo. Waar Maad ka hadashid Weerarkii Foosha Xumaa ay Ciidamada Amisom ee Dalka Qabsaday ay ku laayeen Caruurta iyo haweenka Somaliyeed

Leave a Reply