Madaxweynaha DKMG oo ka qeyb galay munaasabad arday deeq waxbarasho heshay
February 7, 2012 // Warar SomaaliMadaxweynaha Dowlada kmg Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa Xalay ka qeyb galay munaasabad lagu sagootinayay arday Soomaaliyeed oo deeq wabarasho ka heshay dalka Maleesiya.
Munaasabadaasi oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa kaloo ka qeyb galay mas’uliyiin ka tirsan Dowlada Somaaliya iyo maarti sharafa kale.
Ugu horeyn munaasabadda waxaa ka hadlay madaxa hey’adda arday qaadeysa ee dalka Malaysia waxa uuna sheegay in ardaydaan Soomaaliyeed in ay deeq Waxbarasho ay ka heleen dowladda walaalahooda ah ee Malaysia si ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan, waxa uu intaa raaciyiy in ardayda ay isugu jiraan kuwa ka kala yimid qeyba kala duwan oo dalka iyo qaar iyagana ka baxaya dalka dibeddiisa sida dalka Sudan iyo meelo kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo hadal dardaran ah u jeediyay ardaydaasi waxa uu ku booriyay in ay si quman uga faaideystaan waxbarashada ay dibada uga kicitimayaan ayna dalkooda iyo dadkooda uga faaideeyaan marka ay dalka dib ugu soo laabtaan waxyaabihii ay korarsadeen.
Madaxweyne Shariif ayaa arday kula dar daarmay inaysan lumin fursadda Waxbarasho ee ay ka heleen dalka Malaysia, “waxaan aaminsanahay inaad hormar sameyn doontaan, ummada Soomaaliyeed dadka u maqan waa idin” ayuu madaxweyne Shariif ku soo gabagabeeyay haddalkii uu kula dar daarmayay ardaydii xalay xafladda Sagootinta loo sameeyay.
Puntlandnews24 (Sonna)


