Madaxweynaha Puntland iyo Mid Kamida Wiilashiisa Oo La Kulma Wufuuda Caalamiga Ah

February 20, 2013   //   Faallooyin

Waxaa maalintii Talaadada ee shalay Garowe gaaray wafdi balaaran oo ka kala socda Wadamada maalgeliya Qorshaha Dimuquraadiyeynta ee Puntland laga wado. 

Wafdigan ayaa waxaa kamid ahaa madaxa Xafiiska Midowga Yurub ee qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso oo ay wehliyaan ergo ka kala socota dalalka Denmark, Switzerland, Norway, Sweden iyo hay’adaha DFID iyo USAID, guddigan oo la isku yiraaho [The Democratization Programme Steering Committee (DSC)].

Wafdigan balaaran ayaa markii ay soo gaareen magaalada Garowe waxay la kulmeen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, kulan kaasi kama aysan qeyb gelin Golaha Wasiirada ama xubnaha kale oo ka tirsan Xukuumada, marka laga reebo wiil uu dhalay madaxweynaha oo lagu magacaabo Cusmaan Faroole, oo isagu howlaha aabihiis ka wado madaxtooyada qeyb ka ah xilna ka haya madaxtooyada.

Lama yaqaano sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in wasiiradii iyo madaxdii kale ee xukuumada Puntland aysan goob joog uga ahayn kulamadan cul-culus balse mid ka mida dadka ka faalooda arrimaha siyaasada oo aan dooneyn in la magacaabo ayaa PN24 u sheegay in wasiirada Puntland aysan Faroole u lahayn ahmiyad iyo qadarin macne leh, wuxuuna u arkaa inay yihiin dad uu isagu wax ka dhigay oo isaga u shaqeeya, wasiirada aad sheegeysaan maalin walba ayaa la dharbaaxaa, lagu bahdilaa aqalka madaxtooyada iyagoo loogu hanjabo anaga ayaa wax idinka dhignay ee ma cid ayaa idin rabtay.

Waxaa kaloo jirta in safiirada reer Yurub ee todobaadyadii u dambeeyey ku soo noq-noqnayey Garoowe aysan la dhacsanayn geedi socodka dimoqraadiyada laga hadal hayo Puntland, iyadoo ay horay u jirtay in mucaaradka Puntland ay ashtakooyin gaarsiiyeen xafiisyada maal geliya howlaha dimoqraadiyeynta iyo xisbiyada ee ka socda Puntland.

eu_puntland3

Political corruption is the abuse of public power, office, or resources by elected government officials for personal or family gain.

Cusmaan Faroole oo maalmahan aabihiis kala qeyb galayey kulamada wufuuda Garoowe imanaysa xili wasiiradii Puntland Garoowe dhooban yihiin, wuxuu bishii december ee kal hore magaalada Boosaso gacanta ula tagay wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Shire kadib markii ay ku murmeen qeybsashada saamiga dhaqaale gaarayey dhowr malyan oo dollar oo uu lahaa madaarka magaalada Boosaso.

Qoyska madaxweynaha Puntland ee sida joogtada ah ugu lug leh go,aamada iyo howlaha dowlada Puntland waxay kala yihiin Maxamed Faroole oo haatan isku darsaday xilkii la taliyaha saxaafada madaxweynaha, iyo abaanduulaha ciidamada Bada Puntland iyo xilka agaasimaha shirkada shisheeye ee Saracen. Maxamed wuxuu kaloo amarada iyo socodsiinta howlaha maamulka kaga amar iyo gacan sareeyaa C/samad Cali Shire oo aan saamayn macne leh ku dhex lahayn xukuumada.

mfaroleMViceberg

Maxamed C/raxmaan Maxamed Faroole oo da’diisu tahay 49 jir wuxuu marka  laga tago dhanka awooda iyo maamulka ka sokow tabcaday dhaqaale lixaad leh oo uu geliyey ganacsi isugu jira shirkado shisheeye, hanti muuqata oo uu ka samaystay gudaha iyo caalamkaba.

Corruption – misusing public office for personal gain, for example, by accepting bribes or by charging personal expenditure to a public expenses account.

Khadar Faroole oo isaguna kamida caruurta fir-fircoon ee madaxweynaha wuxuu isku heystaa dhowr xil oo ka culus wasaarado badan, kan ugu hilan culusna waa agaasinka macdanta, batroolka iyo maalgashiga Puntland, Khadar wuxuu kaloo xukuumada Puntland u metelaa shirarka caalamiga ah.

Madaxweyne Faroole waa madaxweynihii ugu horeeyey ee soo mara Puntland oo ugu yaraan 3 kamida caruurtiisa aya xillal aan lagula xisaabtamin loona dhaarin ay ka hayaan dalka, xillalka iyo shaqooyinka ay qabtaan oo u baahnaan lahaa in lagu dhaariyo amaanada aabahood u dhiibtay maadaama ay yihiin jagooyin culus oo ka miisaan badan wasiirada Puntlnad oo qaarkood shaqooyinkooda ayba marooqsadeen qoyska madaxweyne Faroole.

Nasiib darrada ugu weyn ee Puntland aan looga rajo qabin inay horay u talaabsato ayaa ah iyadoo aysan jirin haba yaraatee wax is xisaabiya [accountability] ama eega [track record]  haday noqon lahayd shacabka dulman ee iska aamusan ama haday noqon lahayd hanti dhowrkii dalka oo aan howl gelin, haatana kamid noqday xisbiga madaxweynaha ee Horseed Party.

Puntland News-24

COMMENTS

RSSComments (17)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Galkacayo says:

    faroole waxaad ka hadlaysaan inuu cidkaleeto, wax taree gabadhii shiikhaal ee dalka keentay ayodo oyneesa ayaa garowe ka timid waxay siisay maalintu doorashada ka qayb gelaayey $50.000 markuu ku guulaystay ayay garowe ugu tagtay waxaana qaba walaalkiis,wuxuu faroole ugu jawaabay bal maxamed utag,ayado yaaban ayay maxamed u tagtay,wuxuuna ugu jawaabay naag yahay shiikhaal yaan meesha lagugu dilin ma melbourne ayaad garowe mooday,waxay ugu jawaabtay maxamed manigaa shiikhaala ?waayo waay qaydan wayday gabadhii reer faroole siday u dhan yihiin dalka keentay ,wuxuu maxamed yiri nayaa intaan qorta lagu qaban xafiiska iiga bax,ayado ooyaysa ayay aabihiis u tagtay wuxuuna ugu jawaabay wiilku isagaa dalka xukunma walle,waxaa ku dhacay gabadhii ugu qiimaha badnayd gabar la qabo fadeexad aayan malay sanayn kuna haboonayna in lagu samyeeyo daadka faroole wax ka sugayoow ama u mashxaradaaye haku bishaaraysteen???????????????????

  2. runtii dadka halkaan afkaartooda kadhiibanaayo baan leeyahaykaa hadal wax yeelimaayo waxaa noo kheer dhaanta inaan iska aamusno ileen dulqaad baa loo bahanyahahee hadaadn iska hadalno hadal wax sheegimaayo waxna uga qaadimeeno ee waxaa noo dhaanta inaan aamusno oo waqtigeeda sugno ilen wax walba waqti beey leeyihiin oo aanan umada kale nagu wiirsan iska hadloow iska aamus aamuska wax kuu dhaamo male walee dhuusanah waxba uga qaadimeesaan faroole waa nin adag ee wuu tashadee tashada idinku hadal badan haan ma buuxsheeh baan idin leeyahay maantoodhan hadal baad saarnaaneesaan saa weye sa weeye waa laga fcnyhay caloosha adkeesta waqtigeedana halasugo waayo waqtigeeda oo lagaaro mooyee ninkaa ciyaar ciyaar uga tagan maayo baan idin leeyahay dad weeynaha ka dhigtay camal faroole iyo caruurtiisa caac iyo cuuc waxba idiinma qabaneeseeh

  3. Puntlan tiger says:

    faroole waa bur cad badeed ninkii asaasay,waa ninkii bixiyey beenlan,waa ninkii barlamaanka weeraray isago wasiisa,waa ninkii dhamaan albaabada u laabay 19991 ganacsigatadii aan ka soo jeedin gobolka nugaal,faroole waa najaaso u baahan in layska mayro,waxaana doortay tuugo isaga la mida dal iyo dadna aan kala jeclaayn calooshooda moye.faroole waa ninka dadka afka u soo duubta hadana dhaha al-shabab iyo ini godane ayaa hebel dilay shiikh cabdulqaadir isaga ayaa ka danbeeya dilkiisa,wuxuuna intaan looga hormarin ku dhawaaqay in ini godane dilay.soomaalidu waxay dhahdaa carabi intaay ku nabtaay nebiga kaaga hor martaa waana sidan maanta faroole dhaqankiisa iyo dhaq dhaqaaqiisaa nooga muuqata,kumana guulaysanayo beenta uu iska dhaadhiciyey iyo sheeko xariirta uu 6 xisbi u samaystay,waxaana aakhirka loogu tegayaa garowe isaga iyo garaase oo markii qaadkiisa loo qaado wuxuu doono iska saxiixa isin dhabana aan ahaayn!!!!!!!

  4. Aaran jaan says:

    faroloow aragii debedda miyaad noo tuurtay,\markaa tuke canbaarleh naga dhigtay,waan filaynay maarkaad khasnadha buuxsato inaad shirarka naga qarsato,waxadse ogataa inaan jilbaha dhulka kuugu dhufan doono markaan jaanis kuu helno,tuug ayaa tahay anaguna tuugo kula heshiisay ayaan nahay,waa waxaan kala helno?

  5. ayaanle says:

    faroole waa shaqsi aad u liita oo caqli xun waana ogsoonahay midaas,waxaana hada lawadaa sidii looga dhaqaajinlahaa puntland insha allahow dhowaan war deg deg ah oo farxad leh ayaad helidoontaan hawshu gaba gabo ayay maraysaa waana arin sir ah oo aan loo baahnayn in lasii guda galo.

  6. La arkidonee says:

    Hal booliya nirig xalaala ma dhasho,faroole waa Calooshiis u shaqaysta aan garan karin qaranimo waxaay tahay iyo siday ku timid,maamulka sida khaldan ugu gacan galayna waa midaan la mahadin lagana dhaxlay,xasuuq iyo musuq maasuq gaamuray,uuna maanta maraayo heru aamini waayo madaxwayne ku xigenkisii,uuna uga shakiyey xaqiiqda dhabta ah,oo fadeexadda inaay bulshada u gudbin,waayo waxaan ognahay in faroole uusan ku farxin go’aanka reer yurub kuwaas oo aan u bogin aana jeclaysan xooga uu ku joogo dalka.

  7. muna puntladn says:

    war reer puntland waa tashteen ,uma baahna kla soocid ,waryaa waa ninka leh wax baan dilayaa adigana waa lgu dilayaa waxaa tahay dadkii aano rabno inaano ladaalno ,reer puntland waa tashteyn gurigi kastana lakireyn maaayo ,soo golootiga sharka wadana waa leys ka qaban ,ninkasta waa askri maatey arintu is badashey yaa ahlu shar,faloore dad badan buu dhaamaa waxna meesha ku heyn sii loo hadlo buu yaqaan,markasta la arko meesha ma taalo.

  8. Mimi says:

    Mahadsanid, Waa war aad iyo aad run u ah, Faroole waa uu ceeboobay, nin aan gurigiisa iyo ciyaalkiisa ka adkayn oo sumacadiisa la wada ogyahay ayaa reer Puntland Madaxweyne u doorteen marka wax kasta uu kula kaco way istaahilaan.

  9. B Y M says:

    Inshaa, alaahu Meeshi ay mareen ilma Qadaafi, il Mubaarak, iyo Aabayaashood ayey Mari doonan goor aan fogayn , soorki birtaa loola tegi subax an dheerayne

  10. Gacaliye says:

    War ileen meeshu makhaayad reer Faroole iska leeyihiin. Koogii waa Maxamed Faroole, kabalyeerigu waa Cusmaan Faroole, Khasnajigu waa Khadar Faroole, toloow aabe Faroole iyo naaga hiisuna maxay qabtaan, KKKKKKK?

  11. Kkkkkk foroole waxan modayey inuu expuntland kudare somaliland wali kumadarin miyaa waakii kufanayey waxan lamidobeyna somaliland jawabti faysalna wad maqlaysene

  12. qardho says:

    war nimanyahow yanan isku mashquulin wiilka yar ee umada reer puntland wax ka weyn baa u yaala.

  13. puntlander says:

    LoooL odayga waa ku dadsantahy waaana kataal wasirada waxa lagu shubyo ayuu diidaya in ay so baxdo mesha waxba kuma hayo meelkasta dacwad baa laga dhigay mardhow wuu qulquli ama somaliland haka dhigto ama algafurdub isaga isyaqan

  14. WAA WAX LAGA NAXO WAA YABE DADKU MA FALANYIHIIN ,WAA YABE MANTA FAROOLE BERI M/FAROOLE WAA YABE MA BOQORTOYA,WAA YABE KAN INE CALI SHIRE BOOWE MA FALANYAHAY WAAYO CIDISI WAY TAGEN ,DAGAAL BAY KU JIRAN BOOWE NINKA GARANWAYEY KURSIGA CIDA AD KU TIMID WAY TASHATAY AMA RADI AMA RAC. EE GAROOWE RAG BAA LEH LASCANO XOREYSO.WAXAN LEYAHAY BOWE INE CALI SHIRE MAXAD IGU DARSATAY OO AAD IGU XUKUMEYSA WAXAN QABAA WAXA MEESHA LAGU HAYO WAA BOOS CESHI.WAAYO WAXA ILMA FAROOLE UGU CAGA JUGLEYAN ANAGAD NUGU JOGTAA DULIYOHOW MARKAS BUU HOOS DHUGTA .XOG OGAAL FROM GAROOWE

  15. s/landgirl says:

    hadaad aragtaan madaxweyne wiilkiisa gacan yare ka dhigta waa astaamaha dhigtaytarka ee soomaalaay ha u dul qaadan iska dhiciya anigu waxaan aad ugu qoslaa aqalka madaxtooyo ku sheega xitaa daahyada waxaa laga baxay beri hore

  16. anigu waxaan qaba dacayad yar oo raqiisa intaad so qoreysan ama samra oo iska amusa ileyn hadi siysada lagaga adkado awodna lagu shegto wakhtigeda lasuga ila iyo inti faroole heysety wadanka waa 5sano ugu danbesey ini faroole ba halka istagey iyo faroole ba wax cuney bad qoreyseen miyeydan dalin oo xishoon oo waxa ad qoreysan in eysan waxna cid yelikarin waxna ku saidin karin in ey tahey miyeydaan fahmeyn. wajigi kabta aha an idin kushegey bad wali laso tagan tihiin.. faroole hadu malin ku darsado dagaal ba dacaya hadana 2bilood ba lasi joga war leydin barey oo la barey inta uu orodkinu yahey ee iska amusa amusku mar bu kugu habon yaheyey wana manta tan idin heysta

  17. darmar says:

    kkkkkkkkkkkkk faroole maamulka puntland wuxuu u haystaa qoyskiisa ama xaafadiisa waa nasiib daro waxaan layaabaa maamulkan iska caashaqsan somaliland walaaleheen somaliland show meeshuba puntland maahee xaafad reer leeyahay bay noqotay

Leave a Reply