Madaxweynaha Somalia ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowlada Switzerland
November 1, 2012 // Warar SomaaliMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Switzerland oo ay hogaaminayeen Safiirka iyo Xoghayaha Koowaad ee dalka Swiss u qaabilsan Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labadda dalka iyo sidii Dowladda Switzerland uga qayb qaadan lahayd xasilinta dalka, dib u dhiska iyo Horumarinta.
Safiirka Dowladda Swiss ee dalka Soomaaliya ayaa u sheegay Madaxweynaha in markii hore Soomaaliya ay ka caawin jireen dhanka beni’adamnimadda hayeeshee haatan wixii ka dambeeya qorshoodu ballaarin doonaan islamarkaana Dowladdda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan Siyaasadda, Dib u dhiska goboladda dalka iyo dib u habeeynta Nidaamka Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.
Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya ayaa ka gudoomay Safiirka warqad hambalyo ah oo ay u soo dirtay Madaxweynaha Swiss Eveline Widmer Schlump isagoona aad iyo aad uga mahad celiyey.



