Madaxweynaha Somalia oo Booqday Magaalada Beledweyne
October 2, 2012 // Warar SomaaliMadaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno kale oo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa goor dhoweyd gaaray Magaalada Baladweyne .
Madaxweynaha si weyn ayaa loogu soo dhaweeyay Garoonka waxaana loo galbiyay Magaalada halkaas uu saacadaha soo aadan uu joogi doono Madaxweynaha.
Socdaalka Madaxweynaha ee Magaalada Baladweyn ayaan la sheegay in uu diirada kusaari doono qiimeynta Fatahaadihii qasaaraha badan dhaliyay ee maalmo kahor ku dhuftay Magaalada Baladweyn kaa oo sababay in Qoysas fara badan ay ka barabaxaan Gurayhoodii kadib markii daadka ay qaadeen.
Wararka la xiriira booqashooyinka madaxweyaha ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha uu safar noocaan oo kale ah ugu kicitimi doono magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.


