Madaxweynaha Somalia oo ku dhawaaqaya Ra’isulwasaare cusub
October 6, 2012 // Warar SomaaliWarar lagu kalsoonaan karo oo ka imaanayaa magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamaya M/weyne Xassan Sh. Maxamuud in uu qoondaynayo saacadaha innagu soo aaddan in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo R/wasaaraha cusub ee dalka.
Ilo-xog-ogaal ah, aadna ugu dhaw madaxtooyada Soomaaliya ayaa tilmaamaya suuragalnimada R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya in uu noqdo Saacid Faarax Garaad, oo ka mid ah xubnihii loolanka xooggan ugu jiray baadi-doonka xilka R/wasaaraha.
Wararka qaar, ayaa tilmaamaya magacaabista Saacid Faarax Garaad, in ay ka soo dhammaatay xafiiska M/weynaha ayna dhimman tahay oo kaliya faafinta warqadda magacaabidda taasoo laguba waday caawa in la shaaciyo, hase ahaatee sababo xilliyeed iyo kala cudur-daarrasho isku-imaatin darteed ay ugu dhacday berri oo Sabti ah.
Ilo-wareeddadu, waxay intaas ku darayaa berri subax in si rasmi ah loo shaacin doono R/wasaaraha, waxaana jiray dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey, galaangal iyo la kulmid uu waday Saacid Farax Garaad, uuna la lahaa wax-ku-oolka beelaha Soomaalida, taasoo la tilmaamayo in ay gogol-dhig u ahayd magacaabiddiisa.
Inkasta oo warkaan ay jiritaankiisa dhabaynayaan ilo kala duwan, haddana ma jirto wali qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska M/weynaha oo ay warbaahintu heshay.
Dhanka kale Xildhibaan Siciid C/laahi Deni oo isaguna kamid ahaa raga xalay [Khamiis] la kulmay Madaxweynaha Somalia, islamarkaana ah siyaasi kulaalayey inuu xilkan qabto ayaa caawa [Jimce] misana mar kale laga wacay madaxtooyada Villa Somalia, lamana oga wixii lagu wargaliyey Xildhibaan Siciid C/laahi Deni.



Waa Bilaa Madaxweyne Iyo Bilaa Raiisaul Wasaare, Durbaan Qaadateen Xageed ku Tumeysaan, Ciidamada Ugandheeska Iyo Burundiga ayaa Xukuma kuwaan oo Tankiyadooda ayay ku jiraan. State of Punt Land, waa in ay ka soo saartaa War Cad, Waraaqana u diraan Caalamka, Power Sharing waa in si cad loo sheegaa, Maskiintaan Xagee ay Xukumaan ? Waa Cidna, NGO ayay ku shaqeysan Jiraan, Kooxdaan, marka Dalka Federalka Somalia wa uu ka weyn yahay NGO
masha lah aad ban ugu farax sanhey siciid garad in laga dhigo raisul wasarahsomliya wan so dhaweyneyna magacabistisa guul an lyheyy mudane siciid