Sheekh Shariif oo qado sharaf u Sameeyey odayaasha dhaqanka (Cod)

June 7, 2012   //   Warar Somaali

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qado sharaf u sameeyey Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ku leh Shirka ay kusoo xulayaan ergada ansixin doonta Dastuurka cusub ee uu dalku yeelanayo.

Qado sharaftan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Kusimaha Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen,wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Taliyeyaasha Ciidammada qaarkood.

Qadada kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay xubno ka tirsan Odayaasha Dhaqanka oo iyagu Madaxweynaha uga mahad celiyey qaabilaadda uu u sameeyey waxaana ay Madasha ka ballan qaadeen iney si daacad ah u gudan doonaan waajibaadkooda ku aadan Mustaqbalka dalka oo ay ugu horeyso soo xulidda ergada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyn Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ka sokoow doorka odayaasha dhaqanka xiligan ay ku leeyihiin ka gudbidda marxaladda KMG waxaa uu dhanka kale Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ka codsaday iney gacan ka geystaan wadahadallada ay DKMG la geleyso walaalaha waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Riix-Halkaan-Si-Aad-U-Dhageysataan-Khudbadda-Madaxweynaha

Qada sharafta ayaa guud ahaanba kusoo gebageboowday jawi wanaagsan waxaana ay aheyd maalinnimadii shalay markii uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Odayaasha Dhaqanka ku booqday xarunta ay ku shirsanyihiin ayadoo Madaxweynaha uu ka jawaabayey dalab ay odayaashu kaga dalbadeen inuu u yimaado ayagoo Su’aallana weydiiyey

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Gacaliye says:

    “Sheekh Shariif oo qado sharaf u Sameeyey odayaasha dhaqanka (Cod)”

    M/weyne shariif,
    odayaasha oo dhani cuno iyo meel ay seex’daanba waa ay haystaan.

    War maxaad kuwa kula dereska ah ee qaxootiga ah(Somali IDP)aad u quudin weydey? Waxaad hasaa waa waxaad magacooda kusoo dawarsatay!

    I am very disappointed with this kind of open unpatriotically and shamelessly corruption of yours.

    You are not the first incompetant 3rd world power-hungry dispot alive today.

    So, go ahead with your bribing lunch, “QADO”.

Leave a Reply