Madaxweynaha Soomaliya oo dib ugu laabtay Muqdisho kana hadlay safarkiisii Suudaan

January 3, 2013   //   Warar Somaali

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo wefdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa kasoo laabtay dalka Sudan waxaana maanta garoonka diyaaraha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Barlamaanka, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda, wasiirro ka tirsan Xukuumadda, xildhibaannada Barlamaanka qaar ka mid ah, taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii lagusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha kadib la hadlay wariyeyaasha isaga oo faah faahin ka bixiyey safarkii ay ku tageen dalka Sudan, waxa uu tilmaamay in ay ka qeyb galeen munaasibad loogu dabaal dagayey 57-guuradii ka soo wareegatay markii ay dowladda Sudan xorriyadda qaadatay dhinaca kalena ay jiraan heshiisyo la xiriirra mashaariic horumarineed.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderlaaka  ayaa farta ku fiiqay in dowladda Sudan ay door weyn ku leedahay taageerrada Soomaaliya, isla markaana ay isku soo afgarteen sidii ay u sii xoojin lahayd taakuleynta hey’adaha dowladda iyo meelo kale oo iyana muhiimad leh.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sudan ay ballan qaaday tababar siinta ciidammada Booliska, isagoo dhinaca kalena xusay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sudanna uu kula kulmay magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Dalalka Soomaaliya iyo Sudan waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireyn ah oo muddo socday, iyadoo dalka Sudan uu ka mid yahay dalalka Africa ee ay muuqato doorka iskaashiga iyo taageerada ay ku leeyihiin Soomaaliya ayadoo dalka Sudanna ay wax ku bartaan Arday Soomaaliyeed oo kumanaan gaareysa kuwaas oo mustqabal wanaagsan ku leh haddii ay dalkooda ku soo laabtaan iyaga oo wax bartay.

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Abwaan: Cabdi Axmed Nuur says:

    Talo iyo Tusaalayn: Tix Faroole ku socota! 29/12/2012.

    Marna cabburin iyo caga-juglayn baan Cabdow, caana kuu badine
    Ninkii cirbataagsadoo yiri cirkaan gaarayaa, weeye camalkaaye
    Caqliga oon cisaynaa ka roon, cudud la feydaaye
    Cakuye carqalad hayna gelin, cudur xun looma caal helo e
    —————————————————————————–
    Mar haddii car iyo wir iyo hanjabaado culus, laysu celinaayo
    Oo aan caloolfiyoobaani jirin, waa col dabadeede
    Cilmi nimuu Ilaah siiyiyo cabqari, caaqibuu dayine
    Cimrigaad haatan joogtaa Cabdow, waa cibaadada e
    Yaan laguu cimaamadin arintaas cakiran, cirib danbeedkeeda
    ———————————————————————————–
    Carra Tuunus ka carar Caabidiin wuxuu, cood lahaan jiraye
    Xusnigii carab u weynaa waa kaa, jeel ka caacyiriye
    Qadaafina waatay caruuruhu heleen, oo kaga catawsheene
    Calaawina waakan ciirsanoo ragaas, buu cirbinayaaye
    Intaasuba cashar bey inoo tahay haddaan, la iscamaynayne
    ———————————————————————————–
    Intaan curaddo dhiigood la qubin, oo warmaha loo cillaan marinin
    Oo aan curdinkii habluhu carmal, naga caloolyoobin
    Oo ay cashiiradu wada cayshayso, oo la isku ceeboobin
    Oo aan Caasumaddu ceel nagaga dhicin, loo cid diriwaayo
    Caymaynu leenahay Cabdow, talada waa cabirayaaye

Leave a Reply