Madaxweyne Hassan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtey
October 11, 2012 // Warar SomaaliWefdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey kadib markii safar saddex maalmood qaatey ay ku tageen dalka Uganda, halkas oo ay uga qaybgaleen 50 guuradii ka soo wareegtey maalintii Xoroyadda Uganda.
Wefdiga Madaxweynaha waxaa garonka diyaaradaa ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Jawaari, raysalwasaaraha xilka ka degaya Cabdiweli Cali iyo Raysalwasaraha la magacaabey Cadbi Faarax Shirdoon, iyo weliba xildhibaano faro badan.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu kulam kula qaatey dalka Uganda madax kala geddisan , waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha dalka Uganda iyo Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki.
Madaxweynaha ayaa markii uu ku soo laabtey saxaafadda u sheegay in safarkiisu ahaa ka qaybgalka 50 guuradii xoriyadda Uganda, laakiin ay uga faa’ideysteen fursaddaas in ay la kulmaan madax kala geddisan.
Soo laabshada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmeysa iyada oo maalintii shalay uu baaqdey kulan Xildhibaanada baarlamaanku ku dhegaysan lahaayeen barnaamijka waxqabad ee Rayslwasaare Saacid, waxaana awladda uu hoggaamiyo Xassan Shiikh Maxamuud hor yaala dhisamaha xukuumaddii iyo ansixinta baarlamaanka taas oo ah hawlaha u horeeya ee maalmaha so socda la filaayo in lagu dhawaaqo.




Is this a false imitation of Somalia by people who are themselves responsible the destruction and division of Somalia and somali people. Who trust you after you have turned somalia to ruins and still calling and organising crimes in the midnight.
You are required to end the occupation, you are required to end the organised crime, we do not accept your Federal name, this country will never be in peace as long as the criminals who occupied our towns and exterminated our people are still free and alive. Without justice where peace will come from. You can not hide what you have done our people, you can not hide how you have killed our people, you can not hide how have participated organised crime, you can not hide the real problem this country faced and still facing since the criminals started their unknown ambition about this country.
W.Kh.