Madaxweyne Kuxigeenkii Hore ee Puntland oo Geeriyooday
January 22, 2013 // Warar SomaaliAllaha u naxariistee waxaa goor dhoweyd magaalada Nairobi ku geeriyooday Madaxweyne xigeenkii hore ee dowlada Puntland Xasan Daahir Maxamuud [Afqurac]
Qof kamida qoysiisa oo magaciisa la yiraahdo Axmed Ali ayaa u xaqiijiyey Puntland News-24 geerida madaxweyne ku xigeenki hore ee Puntland.
Xasan Daahir Maxamuud wuxuu muddo afar sano ah soo noqday madaxweyne xigeenka Puntland, isagoo ku xigeen u ahaa Madaxweynihii hore Gen. Cadde Muuse.
Afqurac wuxuu kaloo muddo lix sano ah kasoo mid ahaa xubnihii ugu fir-fircoonaa ee golaha baarlamaanka Puntland.
Rabi ha u naxariistee Xasan Daahir wuxuu in muddo ah ku xanuunsanayey cusbitaal ku yaaalla magaalada Nairobi, mana jirin cid ka tirsan dowlada Puntland oo ka war-qabtay xanuunkiisa xilli uu la il darnaa xanuun garraabo ah.
Dowlada Puntland ayaa dhowr jeer dhegaha ka fureysatay codsi caawimo oo madaxweyne ku xigeenkii hore la doonayey in dalka Maleeshiya loogu qaado xanuunkiisa, balse ma jirin cid ka tirsan xukuumada Puntland oo kasoo jawaabtay dalbkaas, xilli u baahi qabay taageerada shacabka iyo xukuumada Puntland.
Puntland News-24
Nairobi Kenya



inaa lilaahi wainaa ilayhi rajicuun ilaah hau naxariisto marxuuka
inaa lilaahi waina ilayhi rajicuun ilaah ha unaxariisto marxuumkaa
ilaahay ha u naxariisto marxuumka umada iyo ehelkii uu ka tagay samir iyo iimaan allahay ha kasiiyo dowlada puntland waxay ahayd inay ka warqabto oo u gurmato marxuumka maadama uu ahaa nin madax ah laakiin afwaliinjo iyo burcadiisa ma aha waan ogahay dad wax laga sugayo
Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan shacab waaynaha reer Puntland iyo qoyskii uu ka geriyooday marxuum Xasan Daahir Maxamuud,Madaxwayne ku xigenkii horeto ee Puntlanad alle waxaan uga rajaynayaa marxuumka inuu janadiisa fardawsa ka waraabiyo Qoyskii uu ka tegay iyo shicib waaynaha reer Puntlanad samir iyo Imaan Amiin Amiin.
ilaahay ha u naxriisto janadii fardoowasa ha ka waraabiyo , ehaldii u ka baxayna samiir iyo imaan ilaahay ha siiyo inagana iyo muslimiintana ha nooga daba naxriisto aamiin
inalilaah wa ina ilahay rajucuun ilahay how naxariis marxuunka
Inaa lilaahi wainaa ileyhi raajucuun,ilaahay ha u dambi dhaafo insha allaaah, samir iyo iimaan.
iinaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun alla ha u naxarriisto janana jana fardawsana ilaahay haka waraabiyo
inalilaahi wa inaa ileehi rajicuun, alle waxaan uga baryeenaa inuu qabriga u waasiciyo, alle janada hageeyo, ehelkii uuka tagayna samir iyo imaan alle ha kasiiyo amiin amiin
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILLEYHI RAAJICUUN
ILAAH WEYN EE WAAXID KA AH BAAN UGA BARYAYNAA INUU JANADII FARDOWSA KA WARAABIYA MASUULKAN GEERIYOODAY RUNTII DADKIISA IYO DALKIISA NIN U SOO SHAQAYAY MUDDO DHEER AYUU AHAA YEELKEEDE KULLI NAFSU DAAIQATUL MOWT!
EHELADII IYO ASXAABTII SAMIR IYO IIMAAN INSHA ALLLAH.
Inaa Lilaahi Wa Inaa Lilaahi Raajicuun Alle ha u naxariisto Masuulka Geeriyooday Samir iyo Iimana haka siiyo Umada Puntland ee Ka Tegaygay Siyaasigaan Caanka ahaaaaaaa
inaalilaahi wa inaa ilaahi raajicuun
Inaa lilillahi waa inaa ilayhi raajicuun AUN Madaxwayne kuxigeenkii hore ee P/L waxaan leeyahy samir iyo iimaan allaha kasiiyo dhammaan ummada rer Puntland isaga janadii fardowsa allaha geeyo. aamiin aamin.
Inaa lilaahi wana ileyhi raajicuun ilaahay how naxaristo runti waa geeri naxdin leh 2bari ka hor baan akhrinayey xanuunkisa ilaahay how naxaristo
INALILAAHI WA INNAALILAAHI RAAJUCUU ALE HA U NAXARIISTO MASUULKA GEERIYOODAY GOORIDU WAA XAQ MARKA WAXAAN LEEYAHAY SAMIR ALA HAKA SIIYO DHAMAAN UMADA SOMAALIYEED IYO GAAR AHAAN EHELADA XASAN DAAHIR MARKA ILAAHAY WAXAAN UGA BARYAHAYAA NAXARIIS AAMIIN AAMIIN