digg icon delicious icon

Madaxweyne Shariif iyo Jerry Rawlings oo Muqdisho ku kulmay

February 8, 2012   //   Warar Somaali

Madaxweynaha Dowladda kmg Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow magaalada Muqdisho kulan albaada u xiran la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Jerry Rawlings.

Waxaana la sheegay inay kawada hadleen arrimaha hirgelinta Road-map-ka iyo khilaafka baarlamaanka sidii xal loogu heli lahaa.

 

Jerry Rawlings oo kulanka kaddib saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa uga warramay safarkii uu shalay ku yimid magaalada Muqdisho iyo ujeedka socdaalkiisa.

 

Ergeyga ayaa sheegay in uu indha-indheen ku sameynayo xaaladda Soomaaliya iyo sii amba qaadidda road-map-ka, isagoo intaasi raaciyay in shakhsi ahaan uu gacan ka geysanayo xallinta khilaafka baarlamanka.

Puntlandnews24 {Sonna}

 

 

RSSComments (0)

Leave a Reply