Madaxweyne Shariif: Magacaabista degmooyinka uma taallo xukuumadda
August 15, 2012 // Warar SomaaliMadaxwaynaha dowladda KMG Soomaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, isagoo kasoo laabtay dalka Sacuudi Carabiya oo uu kaga soo qaybagalay shirkii wadamada Islaamka.
Shir jara’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu kaga hadlay shirka wadamada islaamka,go’aanadii ka dhanka ahaa madaxwaynaha ee kasoo baxay golaha wasiirada iyo arimo kale.
Madaxwaynaha oo ugu horayntii ka hadlay shirkii ay yeesheen dalalka Islaamka sida Suuriya, Burma, Sudan, Maali iyo Soomaaliya, islamarkaana looga hadlay sidii looga bixi lahaa dhibaatooyinka ka jirta dunida muslimka oo ay Soomaliya ku jirto.
Madaxwaynaha oo wax laga waydiiyay go’aamadii kasoo baxay golaha wasiirada ee ahaa inay sharci darro yihiin degmooyink uu magacaabay ayaa waxaa uu ku dooday in xukuumadda aysan saameyn laheyn mar hadduu is sharraxay raysul wasaaraha, qaraarna ma soo saari karto,ayuu yiri madaxwayne Sheekh Shariif.
Dhowaan ayay ahayd markii golaha wasiirada ee Soomaliya sharci darro ku tilmaamayn tuulooyin katirsan gobolada Jubooyinka,Gedo iyo Bakoo oo uu madaxwayanaha sheegay inay yihiin degmooyin rasmi ah, waxaa wareegtooyinkaasi kusoo beegmeen xilli dowladdu ay u harsantahay muddo ka yar hal todobaad, hadalka madaxwaynaha ayaa laga dheehanayaan khilaafka xiligan dowladdu sii dhacayso maalmo kadib u dhaxeeya gaar ahaana r/wasaaaraha iyo madaxwaynaha oo labaduba xiriirkoodu xumaaday markii Dr C/weli Maxamed Cali Gaas uu ku dhawaaqay inuu utartami doono xafiiska madaxwaynaha doorashada 20-ka bishan.
Puntland-News24.








asc pn24 waxan farintan u diraya RADIO MOGDISHO iyo SOMALIWEYN websides waxay u qoran tahay sidan :maanshalah ! madaxweyne w/c to Mogdisho ! Radio Mogdisho /Somaliweyn wwaxa suaal iga ah sabata aad uga tagteen Wasiirka Ganacsiga DR C/WAHAAB UGAAS HUSSIEN in aad magacowdaan ? oo ka mid ah madaxda sharafta leh o madaxweynaha ku soo dhaweyey Garoonka ,waa maxay caadifada heerkaa gaartey ?,fadlan dhowa anshaxa saxaafada,oo somali iyo madaxdeeda ha idiin sinaadaan ,qabiil fa’ido ma leh wuxuu dumiyo maa hee ,hadii kale cadeysta inaad shaqsi u shaqsi gaar ah u shaqeysan {qabiil}ee ay daan u shaqeyn somali weyn ,nin jecleysi iyo caadifad waan ka soo gudubney ! waxan fariin u diraya DR C/AHAAB UGAAS HUSSIEN fadlan halaka ka sii wad howsha qaranimo ee aad u heysid Somali ! > please PN24 << Iga garasiya fariintan Rado Moqdisho iyo Somaliweyn web ! thank you !