Madaxweyne Shariif oo lacag waydiistay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya
June 22, 2012 // Warar SomaaliMadaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa weydiistay Ganacsatada Soomaaliyed malaayiin doolar, si saddexda bilood ee soo socota lagu qabto howlaha Dowladda, kadib markii xalay uu kula kulmay Magaalada Nairobi ganacsato.
Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay ayuu ugu horeyn uga hadlay waxyaabihii Dowladiisa ay qabatay, isagoo si cad u sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
“Waxaa la idinka rabaa inaad saddexda bilood ee soo socota aad bixisaan saddex milayn doolar, ama Malyan bixiya ama bar bixiya hadaa tihiin Ganacsatada Nairobi”ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay jiraan dayaacado laga faafiyay dowladda oo ahaa in lacago lunsatay, waxaana uu xusay in dowladdiisa ay ku guuleysatay in gobolo badan ay qabatay, howlo badana qabatay, waxna ay u dhiman yihiin.
Hadii la doorto ayuu sheegay in uu qaban doono dhamaan howlah horyaal dowlada gaar ahaan dhamaystirka in maamulada dowlada la gaarsiiyo goboladda dalka, in dib loo soo celiyo amaankii iyo kala dambayntii, in lasii wado wadahadalada Somaliland iyo arimo kale.
Magaalada Nairobi ayaa ah halka Ganacsatada Soomaaliyed ganacsiga ugu ballaaran ku leeyihiin marka laga hadlayo dalka dibadiisa, iyadoo Suuqa Islii uu yahay suuq ballaaran ee Ganacsatada Soomaalida ku ganacsadaan.



WAXAA ANIGA ILA FIICAN INA MADAXDA LA’IXTIRAAMO OO AAN LAGU DAYSAN SAXAAFADDA QAARKEED SIDA DAYNIILE IYO KUWO KALOO LAMIDA WAAYO SOOMAALI WAA BOOG BUGTA BOOG BUGTA WAXAY KUFIICANTAHAY IN LADHAYO OO LADHAWRO OO AAN QORI IYO FAR AAN LAGU DANQIN ,WAXAA SAXAAFADDA LOOGA BAAHANYAHAY HADALADA QAARKEED INTEESAN QORIN INAY FIIRSHAAN HADDII AAY U ARKI KARAAN IN QOF DHIBSANAAYO MAWANAAGSANA IN LASOOQORO ANIGA ARAGTIDAYDA ,HADDII KALE SOOMAALI WALIGEED ISUMA IMAANAYSO CADAWGUNA WUU KAFAAIDAYSANAYAA ..SCWW