Madaxweyne Sheekh Shariif oo dallacsiiyay 141 oo ka mid ah ciidanka Booliiska.

May 10, 2012   //   Warar Somaali

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyay 141-sarkaal oo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo uu ku jiro taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye.

 

Madaxweyne Shariif ayaa Wareegtada xafiiskiisa ka soo baxday maalinimadii shalay ku dalacsiiyay min darajooyinka Ciidamada oo hoose ilaa sare, iyadoo dalacsiintan ay tahay tii ugu badneyd Madaxweynaha Saraakiil boqol ka badan mar kaliya ku dalacsiiyo.

 

Madaxweynaha saraakiisha uu dalacsiiyay waxay ahaayeen G/sare ilaa Sareeye Guuto 17-sarkaal, G/dhexe ilaa G/sare 13-sarkaal, G/lle ilaa G/dhexe 17-sarkaal”ayuu yiri Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo tilmaamay in isaga uu si gaar ah u tixgeliyay saraakiisha la dalacsiiyay, markii warbixin loo soo gudibiyay, isla markaana uu arkay waxqabadkooda iyo dadaalkooda.

 

Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Bashiir Maxamed Goobe ayaa sheegay ka aqriyay Munaasabada Saraakiisha la dalacsiiyay, isagoo ugu horeyn magac dhabay Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo ka dalacay Sareeye Guuto, loona dalacsiiyay Sareeye Gaas.

 

Sidoo kale Saraakiisha la dalacsiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle oo loo dalacsiiyay Jeneraal, Axmed Diiriye Faarax Sareeye Guuto, Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo ka dalacay G/sare loona dalacsiiyay Sareeye Guuto, Taliyaha Laanta CID-da C/llaahi Xasan Bariise oo loo dalacsiiyay Sareeye Guuto, G/sare Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo isna loo dalacsiiyay Sareeye Guuto.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabada lagu dalacsiinayay Saraakiisha Ciidamada ayaa kula dardaarmay inay waajibaadkooda gutaan, ayna u adeegaan shacabka.

 

Waxaan idinku bogaadinayaa inaad xilalkan Mas’uuliyadeeda qaadataan, dadkiina iyo dalkiina anfacdaan, waxaan halkan idinku hambalyeynayaan dadaalka dheeraadka aad qabateen, inaad maskax dheeraad ah ku kordhisaan Ciidanka Booliska Soomaaliyed, waa halbowlihii iyo laf dhabarkii sharciga wadanka iyo kala dambeynta, hadii aan Boolis jirin wax jiro karo ma lahan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

 

Waa Markii u horeysay ee uu Madaxweynaha dalacsiiyo Saraakiil ciidan oo gaaraya 141-sarkaal, iyadoo  darajooyinkooda la kordhiyay, waxaana ay ku soo beegmeysa iyadoo Dowladda KMG dadaal ugu jirto sidii ay u tayeyn laheyn Ciidamada Booliska Soomaaliyed.

Iyadoo ay  jirto  waqti kala guur ayey  madaxda Dowlada ugu sareysa  ay kasbanayaan shaqaalaha Dowlada.

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. profoser says:

    war maa dabalaydii oyo mooryaantii baa laga ganaaralow taas waa soconaysaa ma ah taas cid yeelayasa mah
    waa indh cadow kale waxaa s klae
    waxaan kalow aa hasoo qorina

  2. Jumacaale fiidoow says:

    Rag rag dhalay shiikh shariif dheh ragga uu dallacsiyey raggeena ugu badan maxaa Somali nagagalay

  3. Dahir mohamed says:

    Waa arin aan sharciga iyo ndaamka dowladnimo aan waafaqsanayn,laakiin meesho waa somalia,oo aysan ka jirin wax nidaam dowladeed ah,madaxwaynuho xaq u ma laha,in uu samayo wixii uu doona,waa i marka hore ay arinto ka timaadaa madaxda ciidamada,una soo gudbiyaan,wasiirkas gaashaandhiga,dabadeedna loo gudbiyaa golaha la soo magacabay,oo nasiibdaro aan hadda shaqayn,ka dib ayaa madaxwaynaha laga codsanayaa in uu darajadaasi bixyo .hadda gole baarlaamna ma jiro,sheikh shariif isga ayaa ah,raiisal wasaare iyo gudoomiyaha baarlamaanka wixii uu doono,ayaa sameeya,waxay ila tahay,in dalacaadni ay taariikh madow ku reebi doonto,sheikh shariif,oo la oran doono waxa uu ku duntay sharcigii madaxdooyada,waa in la baraa isaga iyo madaxddii ka horaysay wixii hanti dadwayne oo ay qaateen,iyo musuqmaasuqii ay raaliga ka ahaayeen,intii ay xukunka hayeen.ciidanka hadda la sheego ee xamar jooga ma qaado intaasi oo daraja,haddi runta la rabo,waa wixii qaribay dowladdi dhexe ee soomaaliya dalacaad joogta ah,oo aan cilmi ku dhisanayn,horaa loo yiri musuqmaasuq waa soomaali meheradeeddii.

Leave a Reply