Madaxweyne Sheekh Shariif oo Dubai gaaray

June 26, 2012   //   Warar Somaali

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka carabta halkaasi oo uu kaga qeyb galin doono shirka looga hadlaayo ladagaalanka burcad badeeda.

Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa socdaalkiisa shaqo ku wehliyay ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka difaaca dowladda Soomaaliya mudane Xuseen Carab Ciise, Wasiirka arrimaha Dibadda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shalay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga qeyb galeen kulan looga hadlaayay horumarka beeraha iyo dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale madaxweyne Shariif uu si gaar ah ula kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Melez Zanawi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo Ethiopia.

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Gacaliye. says:

    TFG has no mandate to reach any agreement with anyone, rather Mr.Shariif’s tour is about getting several suit cases filled with $$$$$$$$$$$$$$$$$ (cash that will NEVER be accounted for) just like previous deliveries of cash, KKKKKKKKK!

  2. qadar says:

    Rashiid,waan kugu raacsanahay in Shariif la rabo in la boobsiiyo oo laqayaaneyo,Siilaanyo waxaa uu ku xeel dheer yahay qiyaanada,hadana waxa uu watay Riyaale waxaan taan aan u arkaa in la rabo in Shariifka la la dheelo game dirnimo,waa arin la iska indho tiraayo.

  3. mursal says:

    @Rashid
    warka waad haysaa ee bal soomaalidan ka dhaadhici…kkk

  4. rashid says:

    Sh Sharif burcad badeed shirkeda uma socdo ee Madaxwene Silanyo uu la kulmayaa , maa runta qortaan.DKMG intusan dhamanin waqtigeda aa laga saxixaa Somaliland iney citirafaan.

Leave a Reply