Madaxweyne Sheekh shariif oo u dhoofay dalka Sacuudiga

June 17, 2012   //   Warar Somaali

Wafti ballaaran oo uu hogaaminaayo madaxweynaha  Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya.


Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay dalkaasi uga qeyb galayaan aas qaran oo loo sameynayo dhaxal sugihii boqortooyadda wadankaasi, Amiir Naa’if Bin Cabdul Casiis Al-sacuud, oo shalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Geneva dalka Switzerland.

Madaxweyne  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa safarkiisa ku wehliya Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka beeraha, xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa, wasiirka garsoorka, iyo mas’uuliyiin kale   iaydoona madaxweynaha ay garoonka diyaaradaha ee Adan cadde ku sii sagootiyay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply