Madaxweyne Xasan sh. oo la kulamay dhigiisa dalka Uganda (Sawiro)

October 10, 2012   //   Warar Somaali

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musafani iyadoona labada mas’uul ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood.

Kulanka ay wada qaateen Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Uganda ayaa waxa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Kambaala waxaana mas’uuliyiinta ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo kala kulanka ayaa looga hadlay sidii dalka loo keeni lahaa ciidamo dheeraad ah oo ka socdo dowladda Uganda si ay uga qeyb qaataan howlgalada ka socdo dalka maadaama goballo badan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgarteen in si buuxda la iskala kaashado la dagaalkan maleeshiyada shabaab ee ku biirtay ururka Al-qaacidda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada kambaala ku sugan mudo Sadax Maalin ah halkaas oo uu uga qeyb galayay munaasabadii 50 guuradii ka soo wareegtay xoriyada dalka Uganda, waxuuna kulamo gooni gooni ah la qaatay mas’uuliyiinti ka qeyb gashay munaasabada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Gacaliye. says:

    Where is the gust’s flag, BLUUUUUUUUUUUE ??!!

  2. hassan says:

    Akhyaarta tartiib hadow madaxweyne shisheye villa Somalia yimaado marnaba calan shisheeye lagamataagayo gudanha qasriga madaxtooyada,, meshana waa gudanha qasriga Ugandashir jaraaid oo banaanka ah ayaa la ogolyahay,meshaana shir jaraaid ma aha, tartiiba madaxweyne qalafsan umabaahnin wax qabadna waqti ayuu qaataa. Marka ninkan cusub aqlabiyad ayuu guguuleystay marka fursad siiya

  3. Hhahaahahahha shekadina waxa weye wax qibrad mamul mulahaan yacni qof an dhabayaco aheen qibraad mulahaaa weye hadalkinu lkn ogada ninkaan. Wa madaxwene si xor ah lo doraty dhabayaco hadu ahan laha dhacayaco wax kanina shegteeen lkn. Af hadlay wax uso kordhinaya iska yaar. Mamul musomarin iyo wax mayaqano iyo hadaladaas wa sarbeeeb ee dhabayaco 2 gobool ba katalisanee ma talo dalka. Taqanan adinkuna goboladi kale inka carareen oo mamulo kale samesteeen war adinka is tosiya fst

  4. imraan says:

    Calankisa maba xasuusna that tells u su u yahay nin jilicsan so dhawayn fiican lama tusin calanki blue ahana daqada ayu ka baxay ceeb kale miya u dhiman madaxwayne aan calankisu gadaal ka oolin muxu matali karaa?… Shame on him

  5. caqil says:

    asc waxan naqaan in marka labo madaxweyne shiraayan mid walba calankisa garaashisa la suro taasna waxan u arka qalad dhacay waxa fican in nadaamka la ilaaliyo qaladkaan manta dhacay inusan dib danbe u dhicin wa in la ilaaliyo samcada somaliyeed waxa lo bahan yahay protcol 4.5 ama qof qabiil lagu keeno dhibtaas bay ledahy aduunka aan jogno qofka waa loo carbiya siyaasada lkn halka waxa iiga cadatay yuweri musafini uuba somaliya u heesto dal uu xoog ku heesto mida kale madaxweynaha wax khibrad mamul ah malaha kuwa la socdana waa kasi liitan iyo kuwa safaarada jogaba

  6. A,W,W
    waa cajiib, oo waxaa iga su’aal ah, aaway calankii Soomaaliya? mise Soomaaliya calankii waa laga beddelay, sawirrada gadaalkooda waxaan uga jeedaa calamo kalee,

Leave a Reply