Madaxweyne Xasan Sheekh Yaa Loo Badinayaa inuu u Magacaabo P.M.?
October 2, 2012 // Warar SomaaliIyadoo wali si weyn loo sugayo in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia uu soo magacaabo R’isulwasaare cusub ayaa waxaa soo baxaya in wadatashiyo arrimahaas ku aadanaa lasoo gaba-gebeeyey.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu laf ahaantiisa kusoo baxay si lama fillaan ah, ayey dadweynaha Soomaliyeed ka dhur sugayeen bal cidda ku haboon ee u xulan doono jagada Ra’isulwasaare-nimo.
Wararkii ugu dambeeyey ee madaxtooyada Somalia aan kasoo xuuraaminay ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia lagu cadaadiyey in uu soo magacaabo Saacid Garaad oo ah nin kasoo jeeda gobolka Galgaduud una dhashay beesha Mareexaan.
Masuulkan ayaa lagu magacaabaa Afada uu qabo Caasho Xaaji Cilmi waa haweeney siyaasada ku fir-fircoon kana mid ah xildhibaanada cusub ee kasoo galay beesha Hawiyaha.
Duqeyda dhaqanka, siyaasiyiin iyo dad kale oo magac leh oo kasoo jeeda beesha Hawiye qaarkeed ayaa si weyn ugu ololeynaya in xilkaas loo magacaabo masuul kasoo jeeda Beesha Mareexaan ee Daarood.
Inkastoo madaxweynaha Somalia uu leeyahay go,aanka kama dambeysta ah ayaa wararku waxay sheegayaan in madaxweynuhu si deg deg ah usoo magacaabi doono Ra’isulwasaare.
Dowlada cusub ee Somalia ayaa wakhti xaadirkan u baahan qof shaqada ka bixi kara, xiriir wanaagsan la yeelan kara wadamada caalamka, mana muuqato ayey leeyihiin dadka yaqaana Saacid Garaad nin xilkaas tunka u ridan kara.
Maamulka Puntland oo ka mida tiirarka ugu muhiimsan ee dowlada Somalia ayaan la ogeyn sida ay ugu qanci karaan, hadii xilkan culus loo dhiibo qof aan ixtiraami karin ama isku soo jiidi karin dowlada Federaalka iyo Maamulka Puntland.
Dhanka kale Dr. Abdiwali Maxamed Cali oo maalin ka hor Muqdisho dib ugu laabtay, ayaa shirar isdaba jooga la lahaa madaxweynaha, lamana yaqaan in xilkan mar kale loo caleema saari doono, iyadoo abaal marin looga dhigayo guulihii isdaba jooga ahaa, islamarkaana ay ku faani karto dowlada cusub ee uu soo hoyey dhowaantan, kadib markii uu ka qeyb galay shirka sanadlaha ee Qaramada Midoobay ee New-York.
Puntland News-24



war madaxweynaha fadhiid ayuuba noqday muu wax magacaabo midkale madaxweynaha waxaan oranlahaa adeeroow kafiirso qofkaad dooran doontid midakale dadweynaha somalia iyo aduunku waxey kugu ogaan maamulkaaga sidaad wax udooratid marka dadal kana fiirso latashigabadana wax fiican ayuukeenaa ee talada badi waliba mida isimadada midkale hadalkii kismaayo aad katiri baladweyne kanoqo cidnana haw magacaabi dadkiilaaha wey joogaan kismaayo maantana waa fadaraal somalia kismaayo cidaan udhalan haw magacaabin intaasan ku oranlahaa wadanka walawada leeyahay wana lakala leeyahay kismaayo reerbaa leh xamarna reerbaa leh salaama horay usocod aya lagaarabaa gadal usocd yan lagadareemin
waa abdi wali 4real%%% harti nimaan aqoon baa hadalka qaarkis yirahdo waa nimaan hadee rabaan washington harcad qabsankaro viva puntland viva kismayo viva fanoole=calanley=farjane% viva kooyaame kinyaansuu fuuma burgaabo kudaa madhawi jula jabaa raskonboni !!
Madaxweyne Xassan wuu daahay.
lama garankaro sababta.
Layskuma hayo in dad badani wareerinyaan.
Ma naas iyo nikaaxbaa la raadinayaa sida Puntland? Mase Kablalax iyo Sede ayaa odagu isu miisaami la’ayahay? Waa caddahay inaan hadda karti keliya loo jeedin sidii sharaftu ahaan lahayd.
kan madaxweynaha ah wuxuu ka dhigayaa kuwa isku xisbiga ay yihiin oo lagumagacaabo damul jadiid waa xisbi nagu cusub kuwaas ayey ubadan tahay madaxweynahan oo taangiga amisom waardiyeeyo wuu ladaahey ninka asaga ushaqeynayo
The real Hassan Sheikh says realistic name should be: The United States of Somalia (USS), No Federal name it will never work and it is contra productive. What all these unwanted pictures are doing in this Puntland Website.
W.Kh.