Madaxweynihii hore “Kenya Waan Ogaa Doorashada Inaysan Dhex-Dhexaad Ka Ahayn”
September 18, 2012 // Warar SomaaliMadaxweynihii hore ee Dowladii KMG Soomaaliya ayaa maanta si kulul uga hadlay Hadal kasoo yeeray Maalintii shalay Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo ku eedeeyay Sheekh Shariif in uu ka danbeeyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Jaziira.
Madaxweynihii hore Sheekh shariif waxa uu masuuliyad daro ku tilmaamy hadalka Wasiirka Kenya kasoo baxay waxa uuna Sheegay in hadalkaasi yahay mid ay ka muuqato Naceyb iyo in ay ku Qanacsaneen in Soomaaliya ay dowlada fiican yeelato.
“waxaan ku tilmaami karaa nasiib daro ah iyo wax aad looga xumaado waxa uu wasiirku ku hadlay waana mid aan ka turjumeyn masuuliyad waadna ogtihiin xiliga uu wasiirku xilka hayo in waqti gaaban ay tahay wax xumaan ahna nama dhex marin, Een sidoo kale dowlada Kenya waxaa ay aheeyd mar hadii waqtigii aan masuuliyada hayay ay dhamaato in wixii na dhex maray meesha ay ka baxdo,laakiin waxaa muuqata in colaadi jirto,cuqdadi jirto taasina ma kaalmeeyneyso wada noolaanshaha labada shacab iyo xiriirka labada dowladood. Ayuu yiri sheikh shariif.
Waxa uu Sheekh Shariif intaa ku daray in uu ogaa Kenya in aysan Dhex dhexaad ka aheyn Doorashadii dhawaan dhacday uuna la socodsiiyay Wadamo badan oo caalamka ah isagoona intaa ku daray in aysan jirin kaalmo iyo tagaeero uu Kenya Weediistay si uu Mar kale Madaxweyne u noqdo.
‘’aniga Kenya waxba ma warsan Dhaqaalana ma weydiin Codna ma weydiin oo Wasiirka cod ma dhiibaneyn ,mar uu ila soo hadlayna waxaan u sheegay in ay Dhax dhaxaad ka noqdaan Doorashada ,mana jirto cilaaqaad badan oo Wasiirka naga dhaxeeyay oon ku wada hadli karnay maadama uu waqti kooban xilkaasi hayo ‘’ ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa sidoo ka hadlay hadalkii Wasiirka ee ahaa in uu wax yar kadib Yimid Hotelkii uu Qaraxu ka dhacay waxa uuna sheegay Sheekh Shariif in ay taasi aheed Masuuliyad Isaga saraneed sidaana uu u tagay goobta in uu kasoo kaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Dhacadaadis waxaa ay ahed dhacdo xun,waxaana meesha u tagay waxaa ay ahed gurmad iyo in madaxweynaha aan ka soo saaro meesha sababtuna waxaa ay tahay mar hadii meesha uu shil ka dhaco waxa ugu horeya ee la qabto waa in madaxda laga soo saaro meesha maadama aan aaminsanahay in qibradeeda aan lahaa masuuliyadna I saarneeyd in madaxweynaha aan ka soo saaro meeshaas,qaraxa al Shabaab ayaana sheegtay mana jiraan sabab la igu soo leexiyo,waxaana muuqata in wasiirka ay ku jirto colaad fogaatay oo aan macno leheyn waana canbaareeyneynaa. Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmd.
Madaxweynihii hore oo sii hadlay ayaa yiri in hada kadib uusan afka ka qabsan doonin ciddii isku dayda inay isag durto oo wax ka sheegto.
‘’Hada kadib ma dhici doonto in aan iska aamuso inta Wax la iga sheego qofkii wax iga sheegaa ana waan ka daba hadlayaa wax baan ka sheegayaa ,waxaana dhax dhaxaad noo ah oo noo gar qaadaya Warbaahinta ‘’ ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Hadalka Sheekh Shariif ayaa soo baxay maalin kadib markii wasiirka arrimaha dibada Dowlada Kenya uu ku eedeeyey in uu ka dambeeyay Weerar Ismiidaamin ah oo dhawaan lagu qaaday Hotelka Jaziira uu Deganaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xafladii caleema saarkana Dowlada Kenya wax wafdi ah uma soo dirin Somalia si ay hambalyada Madaxweynaha cusub goob joog uga noqdaan, taas oo shaki sii gelisay in Kenya ay xaqiiqsatay in Sheekh Shariif cadow ku yahay Kenya weerarkana uu wax ka maleegay.



waxay ku fiicnayd in burcadkan la maxkamadeeyo. walaahi ninkii hawiye wax ka sugaa isagaa waalan.Soomaaliya waxay qarka u saarantahay inay kala tagto igaana ugu wacan.
Yaa ibnu shari, maa attaka, wa man an jabaka
li irtikaabi jaraa im min haadaa a-shacabi.
W.Kh.
Kenya Xaalkeedu waa cadyahay iyada iyo itoobiya midna kuma farxasana in Soomaaliya dowlad buuxda noqoto.