Magaalada Beledweyne oo ay weli ka taagan tahay xaalad adag

October 5, 2012   //   Warar Somaali

Wararka ka imanaaya Magaalada Beledweyn ayaa waxay sheegayaan in weli uu halkaas uu ka socdo roobab xoog leh iyo fatahaad uu sameeyay wabiga shabeele ayaa waxaa guryahooda ka barabaxay Kumanaan kun oo qof Magaalada Beledweyne.

Maamulka Beledweyne ayaa u sheegay warbaahinta in dad ka badan 65 qof ay ku dhinteen daadadkaasi iyadoo ay weli magaalada ay ku jirto xaalad khatar ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheekh ayaa safar ku tegay masaabida ka dhacday beledweyne madaxweynaha oo indhihiisa ku soo arkay dhibaatadii ka dhacday Beledweyne.

Inkastoo ay shalay golaha xukuumadu ay gudi u saareen sidii masiibada ku dhacday shacabka beledweyne wax looga qaban lahaa laakiin loo baahan yahay dadaal dhab ah.

Inkastoo shacabka Soomaaliyeed gudo iyo dibadba ha joogeen ay isla qayb san jireen dhibaato haday dhacdo waxaa loo baahan yahay in walaalahooda dhibaataysan ay qayb ka qaataan sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply